Ergaygii UN-ka Ee Dalka Syria Staffan de Mistura Oo iscasilay

Ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Siiriya Staffan de Mistura ayaa shaaciyey inuu xilka isaga degayo bisha soo socota kadib markii wax xal ah loo waayey wadahadalkii laga dhex waday Dowlada Siiriya iyo kooxaha mucaaridka ee hubeysan.

Staffan de Mistura ayaa sheegay inuu xilka uga degayo arrimo shaqsi oo isaga khuseysa, Ambassadorka sanadihii lasoo dhaafay dadaal weyn u galay in xal siyaasadeed iyo wadahadal lagu dhameeyo dagaalka ka socda wadanka Siiriya.

Dadaalka uu waday Ergaygan ayaa waxaa maja xaabiyey taageerada militari ee Ruushka iyo Iran u fidiyeen maamulka Bashar Al Assad, taasi oo meesha ka saartay waan waantii nabada ee ka socday magaalada Geneva.

Hawsha ugu danbeysa oo uu qaban doono Staffan de Mistura ayaa ah socdaal uu todobaadka danbe ku tegi doono magaalada Dimishiq ee caasimada Siiriya, si uu uga codsado dowlada Siiriya inay dhameystirto guddiga dib u eegista dastuurka oo ay xukuumada Bashar Al Assad ka cago jiideysay 9kii bilood ee lasoo dhaafay.

Weli macada cida bedali doonto Ambassador Staffan de Mistura oo noqonaya ergaygii sadexaad ee ka socda Qaramada Midoobay oo loo saaro xaalada wadanka Siiriya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker