Somaliland Dal Maqluubka loo Roggay: Xeerkii Kufsiga Iyo Xaakin Aakhir-sabaan.

Somaliland Waa Jamhuuriyad Curdin ah, oo mar labaad dib uga curatay 18-kii May-1991-kii, dhulkii hore uga tirsanaa Maxmiyadii boqortooyada Ingiriisku xukumi jirtay, taas oo ay ka hoos-baxday 26-kii jun 1960-kii, hase-yeeshee ku luntay midowgii riyadda ahaa ee ay la gashay gobolkii koon-furta Somalida ee talyaanigu gumaysan jiray, 1-dii july 1960-kii, waqtigaas oo hadda laga joogo muddo ku siman 27-sanadood hoggaamiyaashii u kala dambeeyey tallada jamhuuriyadda curdinka ah ee Somaliland kuma guulaysan inay hal-dal oo ka tirsan Beesha caalamka ku qanciyaan madax-banaanida iyo gooni isku taaga Somaliland.
Hase-ahaatee waxan la dafirikarin inay ku guulaysteen hoggaamiyaashaasi Somaliland nabad ah, oo marka la barbar-dhigo gobolkii koon-fureed ee talyaanigu gumaysan jiray caalamku ku majeerto Somaliland nabad aan waxba dheerayn. Haddaba iyadoo ay sidaas tahay waxa iyanna aan la dafiri karin hoggaamiyaashii tallada dal u kala dambeeyey inuu mid waliba halkii uu ugu yimi wax ku kordhiyey, taasina ay bulshada u ahayd yididiilo ay ku wajaheen waqtiyadii adkaa iyo dheggo adaygii Beesha Caalamka, hase-ahaatee Xukuumadihii Kulmiye ee tallada u kala dambeeyey, waxa muuqata inay oodeen rajadii bulshada iyo yidi-diiladii qalbiga u dhisi-jirtay, gaar ahaan kolka laga hadlayo Siyaasaddaha arrimaha dibada iyo gudaha labada.
Waxa kaloo intaa dheer oo xukuumadaha Kulmiye ee xilka kala dummaalay bulshaddu kala kulantay shaqsiyaad xidid iyo xigaalba leh oo loo dhiibo xilal culus. Tusaale ahaan Xukuumadii Madaxweyne Axmed Silaanyo hoggaaminaayey wuxu bulshada baray magacyada shaqsiyaad aynu ka xusi karno Wiilkii uu Sodogga u ahaa, kaasoo uu ka dhigay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Isu tagga Imaaraadka, isla markaana Maamulayey mashruuca ugu ballaadhan dhaqaale ahaan ee Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta, kuna saabsan Dekedda berbera iyo Saldhiga Militeri.
Teeda labaad Xukuumadii ka dambaysay Madaxweyne Muuse Biixi, waxa iyanna hoggaamintii tallada dalka kusoo baxay shaqsiyaad kolka loo eeggo xukuumaddii hore ka tiro badan, sidoo kalena ka da’yar shaqsiyaadkii uu Siilaanyo bulshada baray, kuwaas oo iyanna aynu ka xusi karno Gudoomiyaha Maxkamadda sare, oo tayo ahaan kolka lagu qiimmeeyo aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa, iyo xilka loo dhiibay isu noqonaya kaaf-iyo-kala-dheeri.
Haddaba dhacdooyinka iyo dhaqamada masuul Aadan X. Cali oo ay walaalo yihiin Mulkiilaha Telefishanka Hc-tv Farxaan X. Cali, uu ku tallaabsaday mudadii uu xilka hayey Madaxweyne Muuse Biixi, iyo sidoo kale xogo daaha ka faydaya ujeedooyinkii Safaro uu ku tagay dalka Jabuuti, iyo weliba doorkii uu ku lahaa ansixinta iyo meel-marinta Xeerkii anshaxa Diinta Islaamka kasoo hor-jeeday ee buuqa badan bulshada ka dhex-dhaliyey, isla markaana Madaxweyne Biixi ilaayo hadda aanu ka noqon, balse uu hakiyey,  kuna saabsanaa Xeerkii Jinsiga. La soco arrimahaa iyo kuwo kaloo tiro badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker