Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Somaliland Iyo Lacago La Maydhaayo “Money Laundries” (Qaybtii 26aad) By: Maxamed Xoosh

Lacagta La Maydhaa Waa Lacag La Sharciyaynaayo Oo Laga Helay Ganacsi
Aan Sharcigu Ogolayn Sida, Ka Ganacsiga HUBKA, Musuqmaasaqa Iyo
Lacgaha Badan Ee La Dhaco, Lacagta Aan La Cashuurin, Macaawinooyinka
Dawladaha Laga Lunsado, Lacagta Maandooriyaha Laga Helo Iyo Wixii Kale
….

Lagacaha Oo Badan Awgeed Mulkiiluhu Si Loogu Maydho Ama Bankiyadu Si
Sharciya Ku Gasho Waa In Uu Hanti Badan Ku Bixiyaa Ganacsi Been Ah Oo
Khasaare Ku Jooga Sheekadan Ayaa Faahfaahinaysa

Waa Nin Ganacsade Ah Waxa U Shaqeeya Ku Dhawaad Boqolaal Shaqaale Ah
Oo Biiliya Kumanaan Qoysas ….

Oday Dhaqameedka Reerka Iyo Weliba Reeraha Kale Wuu U Roonyahay ,
Siyaasiyiinta Mucaarid Iyo Muxaafid Wey Ka Mahad Sheegtaan , Hay,adaha
Dawlada Isagoo Og In Ay Shacabka Ku Dhisan Yihiin Wuu u Qacan Furan
Yahay , Dadka Wadanka u Halgamay Iyo Inta Bulshadu Qadariso Sidoo Kale

Wixii Cashuur Ah Ama Custom “Jumruk” Ah Si Fiican Ayuu u Bixiyaa
Xukuumadaha Oo Dhani Wey Ka Mahad Sheegtaaan
Marka Dalka Looga Baahdo Lacag Adag Lama Habsaamo , Aafooyinka Iyo
Sadaqooyinka Waa Raga Ugu Horeeya Bixiya

Shirkadani Siday u Faa,iidaa? Ileen Waatan Kharashka Intaa Leeg Gashee ?

Aan Soo Dhaweeyo Shirkadan Iyo Siday Wax u Hesho

Waa Tusaale Ma Aha Sheeko Dhab Ah

Waxa Loo Soo Raraa Alaab 10 Milyan Oo Dollar ah
Waxa Laga Rabaa In Uu Soo Celiso 6 Milyan Dollar
1 Milyan Waa Cashuur Iyo Custom ..
1 Milyan Waa Kharash Iyo Lacago Kor Aan Ku Xusnay
2 Milyan Waa Lacagtii Uu Ka Helay Adeega
Uu Sameeyay

Waxa u Dheer Hadii Alaabta Ku IIbiyo Lacag Ka Saraysa Raasmaalkii Soo
Siistay Shirkada Ayaa Iska Leh,

Ninkan Lama Yaabo Oo Wadanka Dhan ee Faqrigu Ka Jiro Ayuu Hiil u Yahay
Waxaase La Yaabaa Nin WADAAD Sheeganaya Oo Sidan Oo Kale u Ganacsada
Oo Hadana Kharash Iyo Cashuur Aan Bixin Bidaacado 6 Bilood Ka Hadhsan
Tahay Keena Dalka Oo Weliba Wax Walba XAARAANTIMEEYA, Xukuumadaha Oday
Dhaqameedka Ku Kiciya , Oo Hadana Muwaadin Reer Somaliland Ah Sheegta

Labada Shirkadood Wadanka Wey Ka Jiraan Ee Lacagta Aan Sharciga Ahayn
Wadanka Keenaa Balse Labada Sharkadood Wey Kala Xigaan Dadka Iyo Dalka
INDHO WAAWEYN AYAANU KU HAYNAA HADAANU MUWAADINIIN NAHAY !!!

Madaxweyne Waa Shaqooyinkii Laguu Doortay Inaad Kala Soocdid Oo Ka
Xakamaysid Dalka Wixii Aan Sharciga Iyo Xeerarka Dalka Ka Soo Horjeeda
..

Qofba Wuxuu Ku Dagan Yahay Halkuu Daacad Kaga Hadho “Hadraawi”

Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker