Ma dhabaa in durba laga dareemayo degmada borama is badal? By maxamed jeex yoonis

Haday su,aasho haa tahay waa isbadal nuuceeye?xildhibaan Ibrahim Ahmed oo ka jawaabaaya is badalka wuxuu yidhi haa is badalbaa dhacay nuuciisuna waa xumadii qabyaalada oo dhaadhacdey,qabyaaladaas oo nuuceegu ahaa kala qoqob iyo nin jecleysi golaha degaanka dhaxdiisa iyo bulshada ku dhaqan degaanka borama. Hadaba maanta waxaa magaalada borama laga dareemayaa waxaa aan kor ku soo xusney dhamaantood in ay sidii hore ay dhaanto.

Xildhibaan Hassan ( bisle) Oo isna isla su,aashaa ka jawaabaaya ayaa wuxuu yidhi haa wey jirtaa is badalkaasi muxuuse ku saabsan yahay is badalkaasi?waxaa dib u soo noqdey wada shaqeyntii golaha degaanka iyo bulshada reer borama,waxa kale oo dib u soo noqdey kalsoonidii shacabku ay ku qabeen maamulkii dawlada hoose,waxaa dib u soo noolaatey rajadii shacabku ay ku qabeen Xildhibaanadii ay soo doorteen…

Dhanka kale jawaabta Xildhibaan cadoosh ee isla su,aashaasi ayaa u dhiganta sidantan Haa Oo muxuu noqonayaa? Ha isbadalku uu dhacay durba waxaa bilowdey dardarkalinta dhamaan cid kasta oo aanu lahayn wada shaqeyn, waxaa dib u anba,qaadey dhamaan adeegyadii arimaha bulshada, maamulka cusub ee aan dooraney waxa uu taladii dib ugu soo celiyey golaha dhaxdiisa.

Xildhibaanadan aan wada sheekeysiga la yeelaney ayaa waxa ay hadalkaa ku soo ururiyeen,in maanta ay tahay waa cusub u baryey bulshada ku dhaqan degmada borama.

Sidoo kale hadalkaasi waxay is garabsanayaan odhaahdii maayarka cusub mudane suleiman Hassan Hadi uu saxaafada ka hor sheegey oo ahayd shaley waxaan xilka imidey anigoo yar maantana waxaa mar labaad la idoortey anigoo weyn.

By maxamed jeex yoonis iyo wariye cali xajar

Maxamed-1970@hotmail.com

Somaliland borama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker