Gabadh Soomaali Oo Ku Nool Maraykanka Ayaa Laga Raaligeliyay Takoor Lagula Kacay

Xamdiya Axmed waa gabadh Soomaali ah oo 20 sano jir ah, waxa ay sheegtay in ayada iyo qoyskeeda inay takoor la kulmeen mar ay maqaayad dalabkooda ka sugaayeen waxayna sheegtay in lagu qabsaday sababta ay luuqaddeeda hooyo ugu hadashay.

 

Xamdiya ayaa sheegtay in ayada iyo qoyskeeda ay maqaayadan oo ka agdhawayd tageen, waxay maqleen qaylida haweenay maqaayadan ka hawlgasha oo isla markiiba ku tidhi  ” joojiya buuqa”

 

Xamdiya ayaa dalka Mareykanka ku timid qaxooti muddo tobbanan sano ah ka hor, sanadihii la soo dhaafay waxay u ololaynaysay caddaalad u helista dadka la takooro.

 

Kaddib markii uu muran sii xooggaystay Xamdiya waxay sheegtay inay gaarigeeda intay meel dhigatay ay horay gudaha u gashay si ay oola hadasho dadka ka howl-gala maqaayadan.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker