Taariikh nolloleedkii taliyihii Hore ee Ciidanka Danbi Baadhista Jamhuuriyadda Somaliland. (AHUN Axmed Aw Muuse Cali)

Waxa maanta duhurnimadii ku geeriyooday cusbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa taliyihii hore ee Ciidanka danbi baadhista Allaah ha u naxariistee marxuum Axmed aw Muuse Cali oo ahaa aqoonyahan ku xeel-dheeraa cilmiga baadhitaanada danbiyada.

Marxuunku waxa uu ku dhashay degmada sheekh ee gobolka saaxil sannadkii 1937-kii, yaraantiisii waxa uu ku soo qaatay waxbarashadiisii dugsiga sheekh, ka dib markii uu dhammaystay dugsiga mandheera sannadkii 1957-kii, markii uu dhameystay kuliyadii ciidanka danbi baadhista, waxa uu ka hawl-galay oo uu noqday baadhaha guud ee saldhiga dhexe ee caasimada hargeysa sannadkii 1960-kii.

Allaah ha u naxariistee, wax barsho dhinaca baadhitaanada danbiyada loogu diray dalka jermalka markii ay heshiiyeen dowladii soomaaliya sannadkii 1968-kii, waxa uu macalin ka noqday dugsigii la odhan jiray school police sannadkii 1976-kii, wakhtigaas oo uu ahaa gaashaanle sare, ka dib, waxa loo magacaabay xeer illaaliyaha guud ee gobolada waqooyi galbeed sannadkii 1982-kii.

Allaah ha u naxariistee, markii ay jamhuuriyadda Somaliland la soo noqotay madax-banaanideedii, waxa loo magacaabay taliyihii ciidanka danbi baadhista ee dalka jamhuuriyada Somaliland, kaasoo iska casilay taliyihii ciidanka danbi baadhista, ka dib, markii Allaah ha u naxariiste Madaxweyne Cigaal, uu warqad u qoray xeer illaaliyaha guud ee qaranka, wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka booliska, oo uu leeyahay.

Muddane, waxaan kaa rabaa in aad daba gal iyo baadhid iigu soo sameysaan kiis sida aan u maqlay aad u fool xun oo laba nin oo askarta madaxtooyada iyo nin oday ah (Muuse Dalab) oo qaranka qiimo weyn ku leh, abaal weyna u galay oo markii ugxan beed ku jirta ahaa raggii u guntaday ee qaranka kor u qaaday ninkii ku laba ahaa, labadii nine e hir galiyey kuna tabcay oo dil iyo eed sokeeye intaba uga badheedhay Dekeda Berbera, deydeygii ka saaray oo gacanta qaranka ku soo wareejiyey, in hawl yari iyo arrin aan sugneyn lagu xidho ma muteysan.

Waxaan ku farayaa in aad arrinkaas warbixin tafo-tiran iiga soo siiso siduu u dhacay, wuxuu u dhacay iyo sababtiisu waxay ahayd.

Kuwii qaranka curyaaminaayey ee hantida boobaayey, gacan ku dhiiglayaashii iyo kuwii dalkan xasiloonidiisa diidanaa ee maalin walba aan ka hortaagnaa, ayaan loo ogolay in dowladu yur ka tidhaahdo oo aad moodaa in waxa dalka dantiisana ah loo arkay imika sharci darro, qaran dumis sharciyad laga dhigay oo la koolkoolinaayo.

Muddo aan ka badnayn 48-saacadood ayaan kaa rabaa warbixin tafa-tiran oo sugan in aad iiga soo siisid.

Ka dib, Allaah ha u naxariistee markii uu xilkaas iska casilay, waxa uu la taliye abniga u noqday hayada African Education Trust (AET) sannadkii 2000-2013-kii.

Allaah ha u naxariistee marxuunkaasi  waxa uu guursaday laba dumar ah oo walaalo ahaa oo mid xigsiisan lagu siiyey ka dib markii ay geeriyoodtay, waxaanu dhalay gabahd iyo 11-wiil, waxaana maanta lagu aasay marxuunkan xabaalaha Biqic ee dhanka waqooyi kaga yaala caasimada Hargeysa ee jamhuuriyadda Somaliland.

Muu jirin masuul ka tirsan xukumadda jamhuuriyadda Somaliland oo ka soo qayb galashay aassitaanka marxuunka Axmed Aw Muuse Cali. Allaah ha u naxariistee.

Haddaba, Anigoo ku hadlaaya magacayga iyo ka qoyskayga, waxaan tacsi u diraynaa qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay marxuun Axmed Aw Muuse Cali in uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo iyo dhamaan idilkeenba, waxa kale oo Alle (SWT) ugaga baryaynaa in uu geeyo Janatul Fardowsa. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker