” Waxase yaableh in Madaxweyne Muuse Biixi uu amray in loo dhiso Madaxtooyo wayn, …” Gudoomiye Cabdiraxman Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka dayriyay xaalada Dalku marayo, kuna dhaliilay Madaxweyne Biixi inaanu asiibin dhabihii uu wax ku hagaajin lahaa, waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay, xaalada Waxbarashada,Caafimaadka, iyo Biyaha ee Caasimada Hargeysa oo liidata iyo arin uu ku tilmaamay wax lala yaabo oo dhawaan kasoo yeedhay Madaxweyne Biixi kuna dalbaday in Qasri ama Madaxtooyo weyn loo dhiso, waxa uu Gudoomiye Cirro ku dhawaaqay inuu taageeray Go’aankii Faysal Cali Waraabe ee ahaa in la qabto Shirweyne Qaran si dalka loo badbaadiyo.

 

Gudoomiye Cirro ayaa khudbadan ka hor akhriyay boqolaal Taageerayaashiisa Qurba jooga ah ee ku dhaqan Caasimadda Dalka Ingiriiska ee London, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Anigoo Magaciinna ku hadlaya waxaan ogolaaday natiijaddii Doorashada, laakiin waxaan u sheegayaa shacabka Reer Somaliland, tanaasulka intii Xaq loogu lahaa WADDANI way ka dhamaatay, Sidaa daraadeed Xisbigu Mar dambe tanaasuli maayo, waxaad maqlayseen inuu Xisbigu kalsoonidii kala noqday Komishankii Doorshooyinka, ama Garsoorayaashii Doorashada, waa arin iska caadi ah, waxaan ogolaanay in laga wada hadlo arimaha Doorashooyinka oo Komishanku ka mid yahay,hase yeeshee Kulmiye Wada hadalkiina waa uu furay, Tanaasulna kuma talo galin, laba arimood ayay labada Xisbi Mucaarid soo jeediyeen,laba qodob oo kala ahaa in Komishanka lakala diro iyo in qaab dhismeedka Komishanka dib loogu noqdo, oo tiradooda sagaal laga dhigo, si simanna loo qaybsado, Kulmiye labadaba waa uu diiday,

Waxa kale oo uu yidhi “Taasi waxa ay muujinaysaa inaanu Kulmiye ku talo galin inuu Doorasho Sameeyo, Qabashada Doorashadu waxa uu saaran yahay Madaxweynaha, Haddii Doorasho la qaban waayo arinku waxa uu iskugu soo ururayaa Taladii Faysal Cali Waraabe ee ahayd Shir weyn Qaran ayaan qabanayaa, dhaqaale Xumidda dalka ka taagan waad ka warqabtaan, Sixir barar ayaa jira, shaqaalaha iyo Ciidamadu way yar yihiin, waxa laga yaabaa Askariga Xuduudka Tukoraq jooga Musharaadiisu intay tahay waad garanaysaan, reerkiisii Hargeysa ayay joogaan, Guri kiro ahna way kujiraan,Carruurtiisu malcaamad ayay tagtaa, Iskuulna way tagaan haddii ay doonaan, waxa intaasi dheer shaqo la’aan haysata Dhalinyaradda oo xad dhaaf ah,maalin dhawayd sarkaal sare oo Xukuumadda ka tirsani waxa uu ardayda Jaamacada kasoo baxday ku yidhi, waxba majiraan eh iska tahriiba”.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “waxaynu ognahay xaalada ay ku sugan yihiin dalku, siyaasada arimaha Dibada, ta arimaha Gudaha, Ta dhaqaalaha iyo Ta Amniga, Hase yeeshee waxa yaableh in maanta mudnaanta ama waxa shacabku u baahi badan yahay ay ka qaldantay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, waxaad ka warqabtaan Hargeysa way biyo laadahay, Cisbitaalka Guud ee ka soo horjeeda Madaxtooyaddu waa uu dayacan yahay, Dugsiga sare ee ka dambeeya Madaxtooyadda ee Faarax Oomaar wuu macalimiin laayahay, Waxase yaableh in Madaxweynuhu amray in la dhiso Madaxtooyo wayn, Guurtida iyo Baarlamaanka loo dhiso laba aqal oo waa weyn, arimahaasi baahi uma qabno maanta ee waxaa ka horeeya, dagaalo ayaa inagu socda, dhaqaale ayaan u baahanahay, Hargeysa ayaa haraadan, Waxbarashadii iyo Caafimaadkii waa dayacan yihiin, Dhaqaale Xumo ayaa jirta, shaqo la’aan ayaa jirta,kuwaasi ayaa mudnaanta ah”

 

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxaa u banaan Xisbiga WADDANI Kaalin wayn, taasi oo ah inuu Xisbigu isku dhibo oo uu u diyaar garoobo,oo uu Qorshaheedii samaysto inuu noqdo Xisbigii Somaliland badbaadinayay, shacbigeedana midaynayay, taasi waxay ku imanaysaa inaynu Xisbiga Dhisno marka hore, Dib u habayn ku samayno,Tiirarkiisa adkayno, waa inaan tuulo kasta tago si aan Shacbiga Somaliland u mideeyo, Waxaan ku soo gunaanadayaa oo Caawa Halhays ka dhiganayaa Qaranka Somaliland Xisbiga WADDANI ciddina ugama lexejeclo badna, waxaanu diyaar u yahay, Fursada Hanashada Dalkuna ay ka weyn tahay tii shalay jirtay inuu hogaanka qabto, Maanta Somaliland uma baahna inuu nin intuu maalin cad riyoodo, ama London ku riyoodo ama Minosota ku riyoodo uu Yidhaa Madaxweyne ayaan ahay, Maanta uma baahnin Jabhaddo inay samaysmaan, arimaha Nabadda galyada iyo Jabhaddaha xalkoodu Xukuumadda Somaliland ayay u taalaa, laakiin waxaanu Diyaar u nahay Xisbi ahaan kaalin kasta inaanu ka qaadano, waxaanu ku soo gunaanadayaa, Muuse Wuu Tagayaaye Yaan lakala tagin”. Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker