Mashaariicda La marin habaabiyey ee ku lifaaqnaa Heshiiskii DPW kula Wareegtay Dekeda Berbera : qalinkii Arahman fidhinle UK.

Ma…Weecsin iyo Beegsin…. mise…Aloos iyo agaasin danbe oo ummadda u hadha  !! Ma qaybsi iyo qataabsi… Mise qadhaabsi iyo qudh-qudho joogto ah ? Ma…Midigays iyo Odeys mise Gown iyo maquuno kale  !! Boowe …Malaa…Waa qaliban, sheer iyo shareeran  !! Mise…Waaba Suke ! Mise …Waa Deman iyo Dirham quud !! Mise Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar !! intaasina waa iga arar dadab-galkeedii ee bal aan hoos u soo dego !!……. !!

Aniga oo baleysin iyo bud-dhig laygu garaabo uga dhigaaya hadaladii iyo hawraarihii aan mariibneyn ee maalmahan loo adeegsaday dhagax-dhigidii Dekeda  cusub ee Berbera , aniga oo weliba tix-raacaya tixdii iyo tiraabtii mikirifoonada lagaga adimey waqtigii xukuumadii hore ee Kulmiye  kuna yar bishilaaya dhamaan keydka qoraal ama rikoodh ee loo guntay Mashruuca Wareejinta Dekeda Berbera ee Geed Sare Waabka noqday, Waxaan Shacabka Somalilaan u iftiiminayaa in is-fahankii ku saabsanaa Wareejinta Dekeda Berbera ee ay Xukuumadda iyo Shirkada DPW isla qaateen sanadkii  9/5/16 uu ahaa sidan hoose:
A)  Waxaa dawlada imaaraatiga oo kaashanaysa shirkadeeda DPW ee Dekedaha u qaabilsan ay dalka Somalilaan ka hirgelin doontaa sanadka hore  mashaariic horumarineed oo baaxad leh sida: Mashruuca horumarinta dalxiiska iyada oo hutelo casri ah oo 5 star ah ka dhisi doonta Berbera iyo Caasimada, Waxaa Berbera laga fulin doona Mashruuca tamarta si magaaladu leydh jaban u hesho, Waxaa laga horumarin doona JSL dhinaca balaadhinta Biyaha, Horumarinta Caafimaadka, Beeraha iyo Waxbarashada taas oo  ilaa 3-dii sanadood ee la soo dhaafay aan waxba laga fulin marshaariicdaa la balan qaaday heshiiskiina ka dhigtay balan qaad  been ah oo afka baarkiisa ah.
B)  Maadaama marka Dekeda la balaadhiyo loo baahan yahay wadooyin waaweyn oo ganacsiga fududeeya waxaa heshiishka ku jirtay in la dhisi doono wadada isku xidhi doonta itoobiya iyo Berbera oo ah (Jidkii rajada ee Berbera Corridor )  Wadadaa weli ummadda looma soo bandhigin waqtiga la bilaabi doono ee dubaha lagu dhufan doono in kasta oo  ilaa iyo 3-dii  sanadood ee la soo dhaafay Xukuumadu carabka ummadda ugu celcelisey oo lagu canqarinaayey in sanad kasta, sanadka danbe la dhisi doono. ilaa iyo maantana waa sidii xaalku oo waxba ismay bedelin.? Yaab !
C)  Waxaynu wada ognahay in imaaraatiga iyo Xulafadiisa Carbeed ay Madaarkii Berbera  Saldhig Ciidan  ka dhigteen waxaana heshiiska ku jiray in ay DPW  ka dhisi doonto magaalada Berbera Madaar cusub oo Caalami ah maadaama ay iyagu madaarkii magaalada la wareegeen oo Saldhig ciidan ka dhigteen ilaa iyo maatana lama sheegin waqtiga Madaarka Berbera la dhisi doono ?
D)  Heshiiska is fahanka ah ee labada dhinac ee DPW iyo JSL wuxuu leeyahay-  Waxaa dib uhabeyn iyo qalabeyn mug leh lagu sameyn doona Dekedii hore ee Berbera –   Waxaana  la keeni doona Dekedii hore ee  Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya  (3 Mobile Cranes)   5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers)  3 Tareele oo kontaynarada qaada (3 empty  carriers)  Waxaana la dhisi doonaa Xaydaab cusub iyo Xakame sugidoona nabadgelyada Dekeda (New Security  system)  taas oo dekedu ku shaqeyn doonta  kuna qalabeysnaan doonta cilmiga cusub ee kumbuyuuterka iyo CCTV. Wuxuu heshiisku cadeynayaa in Wejigani  uu ku kacaayo  lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. Waxaa ilaa hada wejigaa ka hirgalay ama laga hayaa dhowr wiish oo baali ah oo Dekeda Jabal ali ee UAE  laga keenay oo keliya taasina waxay kuu cadeynaysaa in aanay xukuumadu dabo gal adag ku sameyn sidii uu u fuli lahaa heshiiskaasi loona ogaan lahaa Qalabkii lagu heshiiyey inta la keenay iyo inta dhiman?
E)- Waxaa heshiiska ku jirtay in Wejiga 1-aad ee balaadhinta Dekedii hore ee Berbera lagu kordhin doono Deked yar oo cusub oo 400 Mitir iyo 25 Yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 Markab.  Waxaana ay dekedani noqon doontaa mid ah ( Container Terminal ) Waxaa kale oo wejigan la socda ayuu heshiisku leeyahay in la keenaayo Dekeda Berbera  7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigan lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Hadaba dhawaan markii la dhagax dhigaayey Dekedan Shacabka  Somalilaan looma sheegin Waqtiga  dhismaha la bilaabi doona ee dubaha lagu dhufanaayo?  Waana wax lala yaabo in ummadda loo sheegi waayo waqtiga runta ah ee mashaariicdani dalka ka hirgeli doonaan.
F) – Wejiga  2-aad  Wijigani wuxuu qeexayaa in hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan  labada weji ee hore. Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75%  ay markaa hirgelinayaan  Wejiga 2aad, Taa soo Dekeda lagu sii kordhin doono mar labaad 400 Mitir Quay and 25 Yard  oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 Markab oo kale. Qiimaha uu Wejigan 2aad  loo qoondeeyey ee lagu Maalgelin doono ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa ilaa iyo $10 Million Dollar.
Guntii iyo Gebo Gebadii qormadan :  Danaha isku tolan iskuna qoofalan ee dawladaha imaaraatiga iyo itoobiya ka leeyihiin Dhismaha Marsada Berbera, iyo Saldhiga Ciidamada ee Berbera  ayaan ilaa hada u horseedin Shacabka reer Somaliland wax horumar ah oo la taaban karo. Waxaa shacabka Somaliland garan waayeen Waxay Dawlada Somaliland  Dekeda Berbera iyo Saldhiga Berbera ay ku bedelatay ee dhaafsatay?. Waxaa la isku raacay in hadii aan Madaar la dhisin, oo Wadooyin la dhisin Deked La balaadhiyaa qiimo aanay yeelaneyn, Sidaa daraadeed Waxaa Xukuumada Muuse Biixi looga fadhiyaa in ay Caadka iyo Ciirada qarsoon ee ku gedaaman ay  ummadda uga qaado Mashaariicda ay DPW ku heshiiyeen inta balan qaad been ah noqotay iyo inta Heshiiska dhabta ah.

     Allaa Mahad  Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker