Madaxweyne Muuse Biixi oo Sheegay Inuu Hubo in Soomaaliya ay Maalin uun aqoonsan doonto Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in maalgashiga Shirkadda DP World ay ku ballaadhinayso marsadda Berbera uu sii xoojinayo madax-bannaanida Somaliland.

 

Sidaasna waxa daabacay Wargeyska The National ee ka soo baxa dalka Imaaraadka carabta oo Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA soo turjuntay qormo dheer oo uu shalay ka qoray wargeyskaasi Somaliland.

Wargeyska The National wuxuu sheegay in ay Somaliland buuxisay astaamihii qaranimo oo ay leedahay ciidan millateriga ah iyo kuwo Booliska ah, dowlad shaqaynaysa iyo lacag u gaar ah.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa u iftiimiyey Wargeyska ka soo baxa Imaaraadka in aanay Soomaaliya xukumin Somaliland.

 

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu xaqiijiyey in maalgashiga shirkadda DP World uu ku wajahan yahay sidii marsadda Berbera u noqon lahayd mid ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan Afrika, taasi oo Somaliland u horseedi doonta inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka. “DP World waa shirkad weyn oo caalamiya oo ku dhac u yeelatay inay timaado Somaliland, waxaanan ku rejo weyn nahay in shirkado kale ku dayan doonaan,’ayuu yidhi madaxweynuhu.

 

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Somaliland sheegay in marka Somaliland wax qabsato inay tahli doonto inay dalalka xubnaha ka ah qarammada midoobay aqoonsan doonaan.

“Marka hore waa in aanu annagu gadahayaga wax qabsanaa, waanu sii wadaynaa sidii aanu dhinacyo kala duwan uga dhisi lahayn dalkayaga, markaa waxaanu tahli doonaa in dalalka xubnaha ka ah UN-ku ay aqoonsadaan Somaliland.”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi. Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ku dooday inuu hubo in maalin uun ay Soomaaliya lafteedu aqoonsan doonto Somaliland, sidii Itoobiya u ictiraaftay Ereteria, waxaannu yidhi “Waxaan hubaa in maalin uun Soomaaliya lafteedu aqoonsan doonto Somaliland, sidii ay Itoobiyaba u samaysay Eretrea.”

 

Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabayey diidmada Madaxweynaha Soomaaliya ka muujiyey casriyeynta dekedda Berbera, wuxuu caddeeyey inaanu dhigiisa Soomaaliya iman karin Somaliland, isla markaana aanu wax saamayn ah ku lahayn heshiiska ballaadhinta dekedda.

 

Ugu dambayn, Wargeyska The National ee ka soo baxa Imaaraadku wuxuu soo xigtay Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Md. Mubaarig Taani oo shaaciyey in aan xafladii lagu kala saxeexday wejiga kowaad ee ballaadhinta marsadda Berbera 11kii bishan aan lagu soo casuumin Soomaaliya isla markaana aan laga soo dhaweynaynin Somaliland.

 

Xoghayaha Madaxweynuhu wuxuu Wargeyska The National uu mugdiga uga saaray in marka la eego xeerarka Somaliland ay dambi tahay in madaxda Soomaaliya yimaadaan Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker