Madaxweyne FARMAAJO Oo Xalay Ku Hoyday Magaalada Marka

Marka (OWN)- Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay ku hoyday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii shalay booqasho uu ku tagay magaaladaasi.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay illaa xalay kulamo gaar gaar ah ka waday gudaha magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Kulamadan ayaa Madaxweynuhu waxa la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlay amniga iyo arrimo kale.

 

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la kulmay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan magaaladaasi, isagoona kala hadlay howlgallada ka socda gobolka Shaeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya.

 

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay M/ Marka ayaa ku soo beegmay, sanad-guurada 1-aad ee qaraxii 14 October ee sanadkii hore ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker