Laba Hablood Somali Ah Oo Maydkooda La Helay Kadib Markii La La’aa Ilaa Sabtidii

Wararka aan ka helayno gobolka Minnesota ayaa sheegaya in labo Hablood oo ilmaadeer ah  Soomaali ah oo la la’aa  ilaa habeenkii Jimcaha ee Sabtidu soo galaysay, meydkooda iyo gaadhi  ay wateen laga helay balli ama haro ku taalla magaalada Cheska ee duleedka magaalada Minneapolis.

 

Hablahan  ayaa xilligii eheladooda ugu dambeysay wax ay ku maqnaayeen sida la sheegay Goob ay Shaqeyn jireen balse la waayay xilligii ay soo hoyan jireen.

Xamza Warfaa oo ka mid ah Soomaalida ku nool Magalada Minnesota ayaa sheegay in Habenkii jimcada aheyd ilaa iyo hadda baadhitaano lagu haayay kadib markii la waayay.

 

Waxa uu sheegay in markii dambe meydkooda iyo Gaadhigii ay wateen laga helay Xaafada Cheska ee duleedka magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota balse aaanay  garaneyn cida ka dambeysay dilkooda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker