Tolaay Yaa Islaamaay!!

Waar ninkii noolaadaa muxuu tu walba arki. Xabaalihii ugu faca waynaa magaalda Hargeysa ee DABADA CADAADA ee awowyaashay, awawyaashiin, ayeeyooyinkay, ayeeyooyinkiin ay ku aas naayeen ayaa la bixiyay oo la seestay . waar dalka miyaanay dawladi ka jirin , mid dhexe , mid hoose .

Waar miyaanay dalka culimo ku noolayn . Waar wasaaraddii awqaaftu meeday, tii hawlaha guud meeday. Arrintaasi waxay abuuraysaa qulqulatooyin diimeed , fawdo, nabadgalyo darro iyo cadho xagga Allah ka timaada .

Dhulkaa xabaalaha ah qofka dhisanayaw ku laddimaysid ee ka joog , Waanu kuu sheegnaa eek a joog . Wallaahi SSERIHII ILAAHAY AYAAD DAAQAYSAA. Dawladda Hoose, waaxda macalin haaruun, saldhiga macaliN haaruun waa in sharciga la horgeeyaa hadda.

Waar dalka miyaanay CULIMO KU NOOLAYN , WAAR DALKU MIYAANU MADAXWEYNE Lahayn.
Waxa aan lahadlayaa culimada TABLIIQA ee ka soo horjeeda XABAALAHAA. Waar maxaa kulanka islaamka iyo tabliiqu uga hadli la-yay arrinkan.

Kuwii xeerka kufsiga ka hadlayey hadday ka dhabtay DIINTU tan bay ka hadli lahaayeen.

Ilaahaw Xaqqa Ugargaar , Ilaahaw MAYTIDA U HIILI,

 

hargaysayaray88@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker