Galgalashada & Geed-is-marinta Maayarka Oodweyne!!

 

Marka hore waxaa mahadcelin iska leh Ilaahay nimcooyinka tirada badan ina siisay. Waxaanan Alle ka baryayaa in uu nimcooyinkaas tirade badan in oo siyaadiyo. Aaamiin.

Intaas kadib, waxa aan u layaabay kalfadhigii maalintii khamiista ay qabteen Golaha Deegaaanka Degmadaba Oodweyne, kaas oo ay ku durayeen Wasaaradda Deegaanka iyo waxbarashada. Waxa na I fajac galiyay hadalladii ka soo yeedhay Xogyaha Dawladda Hoose iyo Mayarkiisa. Kuwaas oo aan ahayn hadalladii inta badan ay u dhego taagayeen bulshada Gobolka Daadmadheedh. Kuwaas oo loo arkayay kuwo ciiro isku qarin ah.

Waxaanan leeyahay marka hore, Alleylehe Maayarka hadalkii wadada ayuu kala baxay. Waxaana uu umadda ka qanci kari waayay wixii ay qabteen iyo kalfadhigan waxa u qorsheysan, iyo waliba gabi ahaan cashuuraha duumaale xidhmay iyo qorshaha ay ka leeyihiin, laakiinse nooma muuqato sifihii lagu gaadhi lahaa. Waxaana qofkii caddeyn uga baahini uu arrinkan ka eegaa kiliibkii uu duubay kamiistii oo Youtubke laga  heli karo. Waxa se jira xildhibaano u daacad ah bulshada iyo waxqabadkeeda, laakiinse waxa aan filayaa in sugayaan jaaniskeeda oo aan illaa hadda soo marin. Waxaanan bulsho ahaan cod dheer uga baaqaynaa hantidhowrka Qaranka Soomaaliland ee sifeeyay Degmooyinka Gabiley iyo Boorame in ay sida oo kale sifeeyaan Dawladda Hoose ee Degmada Oodweyne oo ay dabagal ku sameeyaan.

Waxa sida oo kale ay bulshadu ka marag kaceysaa in aanay wasaaradda deegaanku ka nasan halgalkeeda iyada oo kaashanaysa badhisaabka iyo ku xigeenkiisa iyo ciidanka bileyska oo u dhego-nugul.

Gun iyo gunaanaadkii, waxa aan maayarka oo ah saaxiibkay aan leeyahay, waxbarasho hoos u dhacday iyo dhuxul bulshadu kuuma ay diran saaxiib, ee bal dib u eeg dadka waxa aad ugu dhaaratay iyo waxa aad u qaabilsan tahay, Wasaaradaha Waxbarashada Iyo Deegaankana waxa aan leeyahay waa geed is marin  iyo galgalashadiisii uu kula duldhici jiray dadka marka ay isla xisaabtan yimaaddo  in uu yidhaahdo, ” Wasaarad hebla hoos u dhac ayaa ka jira….” Waxa se aan bulshadeyda leeyahay bulshadayda Daadmadheedh, walaalayaal hurdada ka toosa una midooba dadka isgaasiraya marka ay shaqadooda gabaan.

 

 

Qore: Saleebaan Maxamed Cabdillaahi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker