Saddex Xigmaddood Oo Ka Anfici Kara Hadii Aad Noloshaada Ku Dabaqdo Inay Wax Badan Ka Anfacaan : Xigmadihii, Dulqarnayl Axmed

1: Qof Kasta Waa In Uu Aqbalaa Imtaxaan Kasta Oo Noolasha La Soo Dhaafay !! >  Xigmadani waxay  Tusaale iyo Talo dhaxal gal ah u tahay in qofku aqbalo isla markaana aanu ku mashquulin welwel iyo welbahaarna iskaga dhigin ,  dhibaato ama dhacdo kasta oo ku soo marta maalamaha nolosha, sababto ah waxa muhiim ah in wixii shalay dhacay qofka maanta nooli  uu uga faa’iidaysan karo  khibrad nololeed  waase hadii aad aqbasho inay tageen loona baahan yahay in  aqbasho wixii shalay dhacay kana sii fikirto waxa maanta ama Berito dhici sidii aad u waajihi lahayd.

2: Dumar Waa  Farxad, Laakiin In  La Jeclaadaa, Waa Farxad  In La Beero U Baahan  !! > Xigmadani waxay  Ina-Rageed   ku waaninaysa Dumarku inay yihiin Nolol iyo Farxad  u baahan in Farxadooda aad kasbata ay wakhti iyo Karti u baahan tahay in aad  Jacayl ku beertid.

3 : Macaanka Maalmaha Wanaagsan Wuu Kooban Yahay, Balse Imatxaanka Noolashu Wu Dhib Badan Yahay !! > Xigmadani waxay qof kasta u tusaalaynaysa, sida qof kasta ay muhiimka u tahay in uu xisaabta ku darsado inay maalmaha noloshu xanuunkoodu ka badan yahay saddex Jibaar inta aad Farxada iyo Raaxadda heli kartid Tusaalena waxa kugu filan Geerida Xanuunkeeda.

Qalinkii iyo Xigmadihii: Filisoofar : Dulqarnayn Axmed

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker