Rag Aan Moodayay Inay Qajileen Wejigooda Ka Qariyeen Ummadda, Oo Shaashadaha Kasoo Muuqday Maanta.

Sida Aynu Ka Warqabno Mansabka Gudoomiye Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Waxa Labadii Sanadood Ee Ugu Danbeeyay Hayay Ina Sheikh Cali Ayanle Waxay Ahayd Taariikhda Markii U Horraysay Ee Mid Ka Mid Ah Culimada Dalka Uu Ka Mid Noqdo Shir Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland,

Hadana Nasiib Darro Waxay Ahayd Markii Ugu Horraysay Ee Xeer Gabbood Fal Ku Ah Diinta Islaamka Iyo Dhaqanka Bulshadaba,Dhamaan Culimada Dalka Iyo Dadweynuhuba Ka Qayliyeen Uu Golahaasi Cod Aqlabiyad Ah Ku Meel Mariyo.

Intii Ay Xeerkaasi Xaaraanta Ah Pass Gareeyeen Indhahaygu May Qaban Iyaga Oo Meel Ka Hadlaya Ina Ash.Cali Ayaanle Iyo Xubno Kale Oo Xawl Mariidada Kicin Jiray Isuna Ekaysiin Jiray Inay Umadda Iyo Qarankaba Dan Ka Leeyihiin,Marka Ay Fadhiyada Golaha Ka Hadlayaan,Ee Xeer, Aan Caano Ugu Jirin Dooddooda Ka Dhiibanayaan,Sida: Siciid Cilmi Rooble,Kan Ay Blacki Dhahaan,Buubaa Iyo Qaar Kale.

Waxaan Iskula Faqay Nimankii Kolkay Qaateen Qaxwihii Ee Xeerkii Xaaraanta Meel Ansixiyeen,Kolkii Qayladu Yeedhay Ayay Gadaal Ka Khajileen Oo Is Dheheen Ceebowde Haatan’e,Dhuunta Oo Ummadda Wejigiina Ka Qariya.

Hase Yeeshee Malahaygaasi Wuxuu Beenoobay Oo Noqday Hal Bacaad Lagu Lisay,Kolkaan Maanta Ku Arkay Baraha Bulshada A.Yaasiin Sh. Cali Ayaanle Oo Madal Ay Soo Qaban Qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu Microphonka Qabsaday, Tiiyoo Uu Jeedinayo Hadal Qurux Badan Iyo Dood Garnaqsi Ah Oo Uu Ku Difaacayo Qaran Nimada Iyo Gooni Isu Taagga Somaliland.

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaan Nasteexo U Odhan Lahaa Axmed/Yaasiin Sh. Cali Ayaanle,Waxa Kaaga Qiimo Badneed Doodad Gooni Isu Taagga Adigoo Diin Islaamka Daafaca,Kana Toobad Keena Sharka Xeerkii Kufsiga Ee Golahaad Madaxda Ka Tahay Ansixiyeen,Isla Markaana Ka Daba Tagga Xaalad Kastoo Ay Kula Marto,Inta Aan Fidnadaasi Ku Faafin Mujtamacan Muslimka Ah.

 

halyey cabdi nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker