Madaxweyne Biixi Oo Malaayiin Dollar Ku Dhisanaya Qasri Cusub Wakhti Ay Bulshadu La Tacaalayso Duruufo Qallafsan Oo Caafimaad, Waxbarasho, Iyo Biyo La’aan

Tan iyo markii toddobaadkan ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu amar ku bixiyey in Dhismaha Qasriga Madaxtooyada Somaliland iyo labada aqal Baarlaman ee dalka loo kala raro cidhifyada Galbeed, Koonfur iyo Bari ee Caasimadda Hargeysa waxa soo baxaya fal-celin bulshada ka imanaysa iyo dareenno hoose oo ay dadku aad uga xun yihiin marka laga eego dhinacyo kala duwan oo dooddoodu la xidhiidho.

 

Goobaha Bulshadu isugu timaad iyo sidoo kale baraha xidhiidhka Bulshada ee Internet-ka waxa laga dheehan karaa sida shacabku intooda badani fal-celino diidmo iyo dhaliil ah uga muujiyeen arrintaasi xukuumadda talada haysaa ku dhaqaaqayso. In badan oo doodaha ahi waxa ay go’aankan ku tilmaameen mid nasiib darro ah oo aan wakhtigiisii ku soo beegmin, iyaga oo ku dhaliilaya sii kobcinta qabyaaladda iyo in xarumihii ugu waaweynaa ee qaranka bulshada loogu tuso in deegaamo loogu kala asteeyo xarumaha dhismayaasha laga binaynayo si qolo walba loogu qanciyo waana mid nasiib darro weyn lagu tilmaamay wakhti shacabka Somaliland ku kala qaybsameen doorashadii ugu dambaysay ee dalka ka qabsoontay iyo waliba qabyaaladda oo cirka maraysa lana filayay in xukuumaddu taasi awoodda saarto sidii ku dhaqanka qabyaaladda foosha xun loola tacaali lahaa ee umadda loo midayn lahaa.

 

Arrinta labaad ee doodda shacabku salka ku haysaa waa wakhtiga Madaxweynuhu go’aankan qaatay oo aan looba fadhiyin maadaama ay badka u yaallaan baahiyo asaasi ah oo ay ahayd in uu wax ka qabto soona kala horumariyo, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wax ka qabashada Waxbarashada dawliga ah oo meeshii ugu liidatay taalla, Adeegga Caafimaadka oo maqan bulshuna baahi weyn u qabto iyo waliba adeegyada kale ee ay ka mid yihiin Biyaha, Jidadka iyo kobcinta dhaqaale ee dalka. Waana ta keentay in shacabku dhaliilaan go’aankaasi lagu dhisayo dhismayaashaasi oo kharashka ku baxaya ay uga mudnayd in wax lagaga qabto goobo hooyada ummul arooraysa wax loogu qabto iyo ilmaha waxbarashada ka dhacaya ee dugsiyadii dawladdu ku dul xidhmeen.

 

27 sannadood oo Somaliland jirtay wali shacabka Somaliland waxa ay u dhimanayaan cudurro iyo caafimaad darro wakhti cisbitaallada dawladdu noqdeen kuwo aan haba yaaratee daawo iyo adeeg toona u fidin Karin shacabka Somaliland oo 90% ah dad danyar. Halka biyo la’aanta ay tusaale inoogu filan tahay caasimadda Hargeysa iyo sida loogu harraadan yahay.

 

Si kastaba ha ahaatee illaa imika laga oga sababta ku kalliftay Madaxweynaha in uu qaato go’aankan gurracan ee aan ka turjumayn wax ka qabashadii uu ku ballan qaaday in uu wax kaga qaban doono baahiyaha asaasiga ah ee dalka yaalla, waxaana la is waydiinayaa sababta ay muhiim ugu nooqtay arrintani iyada oo dalku ku jiro xaaladdaasi qallafsan ee dhinacyada nolosha bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker