Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada Somaliland oo ku hawlan burinta Wareegto uu Madaxweynuhu ka soo Saaray Shaqaalihii ka shaqaynayay amniga Madaarka

Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada Somaliland oo ku hawlan burinta Wareegto uu Madaxweynuhu ka soo Saaray Shaqaalihii ka shaqaynayay amniga Madaarka ee Toos loo hoos geeyay Hay’adda Duulimaadyada Somaliland.

Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada Somaliland ayaa doonaya inuu shaqada ka joojiyo shaqaale ku dhow 80 Xubnood kuwaas oo ah Shaqaalihii Madaxweynuhu ka soo saaray Digreetadii uu soo saaray 11-kii Bishii August 2018 kuna amray in si toos ah ay uga hawl galaan iyagoo shaqadoodii wata hay’adda Maamulka Madaarada Somaliland.

Ujeedada uu amuurtan ka leeyahay ayaan la garanayn maareeyuhu isagoo hore shaqada uga caydhiyey shaqaale dhan 113 hawl wadeen oo aan weli wax jawaab ah ka bixin ayuu doonayaa maantana inuu tan ku daro.

Hadaba awoodan uu maareeye Rodol ku burinayo digreetadii Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka haysto Madaxweyne Muuse Biixi oo ay isku reer yihiin.

Maareeyaha ayaa la sheegay in Tiro kooban oo uu qaadanayo uu ku darayo Payroll-ka dawlada isla markaana Mushaharkooda halkaas laga siinayo.

Lacagtii kale ee shirkadahaasi ayaa la sheegay in toos loogu shubayo Account aan la garanayn cida leh iyo meesha laga maamulo.

Khilaaf  lacagtaasi cida qabanaysa ayaa u dhexeeya Maareeyaha Hay’ada Duulimaadyada Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda taas oo sida warar xog ogaal ahi sheegayaan markii danbe lagu dhameeyay xarunta Madaxtooyadda iyadoon weli la cadayn halka ay lacagtaasi ku dhacayso.

Hadaba Lifaaqan hoose waa Wareegtadii Madaxweynuhu ka soo saaray la wareegida amniga Madaarka Diyaaradaha .

Shirkada Epass ee Parkinka madaarka  iyo Haamaha shidaalka ee Berbera, kuwaasi oo markii hore gacanta ugu jiray shirkado gaar loo leeyahay.

Qoraal uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu sheegay in xukuumaddu la wareegtay Paakinnda iyo Haamaha shidaalka ee Barbara.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland waxaa uu amar ku bixiyay in shirkadaha gacanta ku hayay goobahaasi lasoo xaqiijiyo dhaqaalaha ay ka heleen muddadii ay gacanta ku hayeen isla markaana shaqaalihii ka shaqaynayay ay sidoodii shaqadooda u wadanayaan kuwana wareegayaan Maamulka hay’ada duulimaadayda Somaliland,Waxayna Wareegtada Madaxweynuhu ku Taariikhaysan tahay 11-kii August 2018.

Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa nuxurkeeda waxaa lagu go’aamiyay 5 qodob oo kala ah.

1- In la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada Haamaha Shidaalka (BOG), adeegga amniga Madaarada (SRM), iyo adeega baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).

2-  In xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, adeegii iyo qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah BOG, SRM iyo EPASS.

3-  In Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud, Xisaabiyaha Guud iyo Hay’adda Duulista Hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen Haamaha Shidaalka Berbera, amniga Madaarkada Caalamiga ah ee Cigaal iyo baarkinka Madaarka, soona xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen.

4- In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.

5- In shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah oo aan wax laga badeleyn.

Shirkadaha ku jiray heshiiska Haamaha shidaalka Berbera waxaa kamid ahayd sida aan xog ku heyno shirkadda Som Oil, wuxuuna heshiiskaasi ahaa muddo 30 sano ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker