Hanti Dhawrka Qaranka JSL Oo Baadhis Ugu Jira Xafiisyada Maayarrada Degmooyinka Berbera , Burco Iyo Gabiley

Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland ayaa baadhis xoogleh maalmihii u dambeeyay ka wada Xafiisyada Maayaradda Degmooyinka Burco, Berbera Iyo Gabiley, Waxaanay si ba’an oo qoto dheer ugu foogan yihiin inay xog dhab ah ka helaan hanaanka Xisaabeed ee Xafiisyada Maayaradaasi oo aan muddo dheer wax baadhis ah lagu samayn.

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Degmooyinkaasi ka tirsan iyo shaqaale kale ayaa daaha ka rogay in labadii Todobaad ee ugu dambeeyay ay Hanti dhawrka Qaranku baadhis xoogleh ku galalafeen Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Burco, Berbera iyo Gabiley islamarkaana ay si qoto dheer ugu mashquulsan yihiin inay xisaab Hufan xafiisyadaasi kala soo caraabaan, iyadoo arintaasi sida la sheegay ay war war gaar ah ku abuurtay Masuuliyiinta ugu saraysa Xafiisyadaasi gaar ahaan maayaradda oo ka cabsi qaba in wax madaw xisaabeed ah laga helo xafiisyadood maadaama oo aanay filayn inay talaabooyin noocan oo kale ah kaga yimaadaan dhinaca Xukuumaddan Cusub, islamarkaana aan hore wax baadhis ah lagu samayn oo aanay iskaba eegayn.

 

Maayarka Golaha Deegaanka Burco Maxamed Muraad iyo maayarka Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Cidin ayaa sida Wargeyska Foore loo xaqiijiyay Gaaf wareeg ku jira iyagoo waysada u biyaystay inay ka hortagaan inay xisaab qaloocani kaga timaado xafiisyadood ama hawlo musuq maasuq lagu helo, waxaana maalmihii u dambeeyay la arkayay iyagoo guclo orod ku jira. Sidoo kale Maayarka Golaha Deegaanka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar ayaa isaguna dhinaciisa wal wal wayn ka qaba baadhista maalmihii u dambeeyay ka socota Xafiiskiisa, ee ay baadhiyaan Hanti dhawrka Qaranku,waxaanu mashquul ku yahay oo uu  talaabo talaabo ula socdaa kolba halka ay marayso baadhisto iyagoo hanti dhawrku markiiba la wareegay buug xisaabeedkii Dawladda hoose ee Gabiley islamarkaana ku mashquulsan baadhista hanaan Xisaabeedka Xafiisyada Dawlada Hoose ee Gabiley iyo sida ay u shaqeeyaan.

 

Lama garanyo ujeeda hanti dhawrka loo galiyay Dawladahan Hoose balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay baadhistaasi salka ku hayso hawlo musuq maasuq oo xafiisyadaasi looga shakiyay iyadoo dhinaca kalena la sheegayo in Xukuumadda Cusub ee Muuse Biixi  doonayso inay wax ka ogaato qaab ay u shaqeeyaan. Warar kale ayaa sheegaya inay Xukuumadda Muuse Biixi doonayso inay wax ka ogaato hanaanka Xisaabeed ee ay u shaqeeyaan Dawladaha Hoose ee dalku.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker