Faladaganka Siyaasada Somaliland Waa Faysal Cali waraabe oo Sadexda Jeer Uf iyo Akh la yidhi!!!. Qore Faysal Cali Kayse

Waxyaabaha Afrika lagu caayo waxa kamid ah Siyaasiga Calooshii u shaqaystaha ah, ee aan lahayn hadaf iyo himilo hoggaamineed oo u ku kasbado cid, balse intaa uu Xisbi iska samaysto Maalinba halkay qadaadu ka gasho dalka uga hadla Xaaladiisa.
Akhriste waxaynu qormadan kooban ku eegeynaa Siyaasiga Somaliland Ceebta ku ah, ee himiladii iyo hadafkii umadeed ee Somaliland ku aasay Godka Madow. Laga yaaba Akhristow anigoon magaciisa kuu sheegin inaad iska sii garanayso Siyaasiga Saaqidka ah ee Somaliland karaamadeedii shaashaynayey muddada dheer, balse idinkoo garanaaya ayaan idin sheegayaayee Ninkaasi waa Ninka lagu magacaabo Faysal Filim kartoon oo sadex teeram oo isku xigta isku soo sharaxay hoggaaminta Umadda Somaliland.
Haseyeeshee Sadexda jeerba ay shacabka Somaliland ugu jawaabeen hadalkii caanka noqday ee kasoo baxay Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo ee ahaa “Ufbaa lagu yidhi iyo Sankaa lagaa qabsaday”. Haddaba waa Kumma Ina Cali Waraabe.
Faysal Cali Waraabe waa Siyaasiga markaad waydiiso bulshada Somaliland, jawaabta kasoo baxda, waxay noqotay Shanta Magac-bixineed:
1. Beenaale
2. Munaafaq
3. Mabda’laawe
4. Tuug ma xishoode ah
5. Danayste
Waxaa halkaa inooga muuqata in siyaasi Faysal uu sumad gaar ah u yeeshay sifo intii ugu xumayd ee siyaasi yeesho, walaw ay jiraan siyaasiyiin fara ku tiris ah oo ku dhow-dhow faysal, balse Taarikhda Siyaasiyiinta Somalida laguma hayo shaqsi lamida oo qaaday Koobka Saaqidnimada Siyaasadeed Faysal Cali Waraabe mooyee.
Siyaasi Faysal waa shakhsi ku sifaysan hagardaamaynta bulshadiisa, wuxuu ka shaqeeya kala qoqobka bulshada Somaliland, si uu ugu maxaafsado xisbi ku sheega uu ku shaxaado Madaxweynaha iyo Shirkada Dalka, hubka ugu muhiimsan ee uu adeegsadaa waa khiyaamo, qaraabokiil, eex iyo qabyaalad aan xishood iyo waxa uu xeerinayaa aanu jirin.
Bal aynu milicsano sababihii Faysal Cali Waraabe siyaasada kusoo galay, iyo astaamihii lagu soo xushay, ee sahashay Xisbinimadiisa. Faysal Cali Waraabi dadka badankiisu waxay arkeen doorashadi
dalka ka dhacday bishi 12/2002 is reeb reebka ururada ee
wakhtigaas oo ka koobna 6 Uroor oo kala ahaa.
1. UDUB- DAAHIR RIYAALE KAAHIN-
2. KULMIYE- AXMED M-MAXAMUUD (SIILANYO)
3. HORMOOD- CUMAR CARTE QAALIB.
4. SAHAN- MAXAMED CABDI (GABOOSE)
5. ASAD- SALEEBAN MAXAMUD AADAN.
6. UCID- FAYSAL CALI WARAABE.
WAXA SOO BAXAY OO XUSBI QARAN-NIMO KU GUULAYSTAY.
UDUB.
KULMIYE.
UCID.
RUUXA NATIIJADA FAAQIDA WUXU ODHAN KARA.
RIYAALE GARANAY.
SIILANYO GARANAY.
CUMAR CARTE GARANAY.
GABOOSE GARANAY.
SALEEBAN (NUUR) GARANAY.
LAAKIN FAYSAL CALI WARAABE MUXU AHA?
WA SUAAL IS WEYDIIN MUDAN.
HADI LA YIDHADO FAYSAL CALAF BU KU LAHA IN XUSBIGA UCID USOO BAXO,
WAXA KALO LA ODHAN KARA, OO CODKA MA RUUX BA YIDHAHDA HEBEL COD ISKA SII?
TA KELE FAYSAL CALI WARABE RAGAAS UU WAKHTIGAS LA TARTAMAY
MU KA SIYAASI SANA?
MU KA AQOON BADNA?
MU KA HALGAN BADNA?
MU KA LACAG BADNA?
MU KA AF-SOMALI BADNA?
INTAAS OO SUALOOD BA QOF EHELKA UU AH RAGAAS TARIIKHDOODA YA FAALO
KA BIXIN KARA, JAWAABTOODU ISAGAY UU TAAL.
Haddaba Akhriste Gudoomiyaha UCID waa ninkaasi aan lahayn meel loogu soo hagaago,waa ninkaasi bilaa mowqfika ah,xiligii ololaha doorashada madaxtinimada ee sanadkii 2010-kii ayaa dadka reer Hargeysi maalinta ololaha xisbiga UCID u leeyahay waxay ku qaabili jireen erayadan“Waa Faysalo Wuu Fududyahoo Waa Faaruqoo Waa Filin Kartoon” dadweynaha reer Hargeysa Minqiyaaska ay ku cabireen Faysal Cali Waraabe waxay noqotay mid caan ah oo dadweynaha oo dhan gaadhay,waxay noqotay arin macquul noqotay markii Faysal Cali Waraabe laga Arkay isbedbedalada faraha badan ee uu leeyahay,ee uu maalinma uu kaadh cusub la soo baxayo,waxayna arintaasi ka dhegtay Faysal Cali Waraabe nin aan hadalkiisa waxba laga soo qaadin oo bilaa xigmad ah,waxay faysal arintaasi dhaxal siisay in tusaalooyin loo soo qaato marka laga hadlayo ama la faalaynayo dadka aan hadaladooda iyo ficiladoodu is waafaqsaneyn ayaa la yidhaahdaa Hadalkaasi waa kii Faysal Cali Waraabe,wuxuu noqday hadalka Faysal Cali Waraabe mid laga maadsado oo marmarka qaarkood bulshada u noqda waxay ku maadsadaan oo aysan waxba ka soo qaadin. La soco qaybaha dambe.
Qore Faysal Cali Kayse
London UK

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker