Siyaasi Maxamed Ismaaciil Ayaa Xukuumadda Somalililand Ku Ammaanay Mashaariicda Ay Ka Fulisay Gobolka Daadmadheedh

Oodweyne (OWN) Siyaasi Maxamed Ismaaciil Cawil oo ka mid dhalliinyarada Gobolka Daadmadheedh isla markaasna ahna Guddoomiyaha Garabka Dhalliinyarada Xisbiga Kulmiye ee  Gobolka Daadmadheedh, ayaa maanta warsaxaafadeed uu ku qabtay Gudaha degmada Oodweyne ayaa waxa uu ku ammaannay Xukumadda Somaliland iyo Madaxweynaheeda Muuse Biixi Cabdi Mashaariicda ballaadhan ee ay xukuumaddiisu ka fulisay Gobolka Daadmadheedh. Haddaba Shirkaas jaraaid oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Xafiiska ay ku leedahay shabakadda Caalamiga ah ee Oodweynenews.com Magaalada Oodweyne ayaa u dhignaa sida tan:

“Aniga oo ah Guddoomiyaha Garabka Dhaliinyada heergobol ee Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Daadmadheedh, isla markaasna ah Siyaasi ka mid dhalliinyarada Gobolka Daadmadheedh, waxa aan halkan hanbalyo uga dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka dhabeeyay ballanqaadadii  uu u ballan qaaday  Gobolka Daadmadheedh wakhtigii uu ololaha ku jiray. Ballanqaaddaas oo wakhtigan oodda laga soo qaaday, qaybo ka mid ahna laga fuliyay deegaanka Gobolka Daadmadheedh, inta kalena gacanta lagu hayo.

Waxa aan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku ammaanayaa sida uu maanta ugu heellan yahay wax ka qabadashada baahiyaha ka jira Gobolka Daadmadheedh iyo sidii Gobolka looga fulin lahaa mashaariic wax ku ool ah, kuwaas ay ka mid yihiin, mashruucii wax beerista ee u ballaadhnaa Somaliland oo ay xukummaddu ka hilgalisay Magaalada Xaaxi, iyo Deeqdii Nus Malyuunka Doollar ahayd ee Madaxweyne ugu talogalay soo saarista biyaha Gobolka Daadmadheedh. Waxa kale oo aan Madaxweynaha ug a Mahadcelinayaa dhismaha Wadada Oodweyne dhaqaalahii ku bixi lahaa oo uu sannadkan ugu daray sanduuqa SDF. Waxa kale oo aan madaxweynaha iyo wasiirradiisa uga mahadcelinayaa dadaalka balaadhan ee ay ka muujiyeen gobolka Daadmadheedh, sida Cisbitaalka Oodweyne oo la dardar geliyay hawlihii shaqo, iyada oo la keenay qalab iyo shaqaale aad u wacan oo lagu dardargelinayo hawlaha shaqo ee cisbitaalka, taas oo aan mahadcelin uga diraayo Wasiirka Horumarinta Caafimaadka oo Gobolka ka furay xarumo caafimaad oo dadka loogu adeegayo. Sida oo kale waxa aan isna halkan ka ammaanayaa Wasiirka Maaliyada oo gacan weyn ka geystay horumarka Gobolka Daadmadheedh sida Baanka oo uu dhawaan ka dhisay Degmada Oodweyne. Sida si la mid ah, waxa aan isna marna ba  la ilaawin Karin Badhisaab ku xigeenka Gobolka Daadmadheedh Eng. Maxamed Cabdillaahi oo si weyn noola shaqeeyay muddadii ololaha isla markaasna mar walba u taagan horumarka Gobolka Daadmadheedh.

Ugu danbeyn, waxa aan mahad Alle kadib aan u mahadcelinayaa cid walba oo gacan ka geysatay kana geysan doonta horumarka Gobolka Daadmadheedh, waxaana leeyahay, barbarka ay ka baxdaa waa bakaylo qaleen”.

 

Maxamed Ismaciil Cawil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker