Caasimad Qaran Mise Caasimad Qabiil mar hadaaney Reer Awdal xaafad U Gaara ah ku la hayn Hargaisa? Iyo 3 sababood oo mustaqbalka dhow la yaala Awdal !! Dr.khadar-Libaaxley.

Wax-kasta oo aad maqasho ama aad aragto waxa ay ku dhisanyihiin xisaab xikmadeysan iyo cilmi ku muunadeysan astaamo muuq leh tan iyo aakhiro; ma’aha sunaha nolosha in aad cunto oo aad cabto deedna dookh iyo damac la’aan iska qososho oo aad dhaqaaqdo xog la’aan.
10/8/2018 waxa dareenkayga soo jiitay kulan kii Golaha Guurtida ee ahaa xog-wareysi dhexmarey duqa caasimada Hargaisa iyo Gudigii joogtada ee Golahaasi, miidha iyo murtida kulan kaasi ayey mucdiisu aheyd ( in Duqa caasimada Hargaisa Madaxweynuhu farey in Madaxtooyada loo raro Xaraf-Galbeedka Hargaisa; in Golaha guurtida loo raro koon-furta Hargaisa, in Golaha Wakiilada loo raro Bariga Hargaisa; dhamaantoodna noqonaya yagleel cusub ) .
Deegamada caasimada Hargaisa ayaa u macno taagan inta badan ( Baadi sooc ahaan ama hayb ahaan) : Beesha H.Awal Galbeedka iyo Waqooyiga Hargaisa , Beesha Garxajis Bariga iyo koon fur bari Hargaisa, Beesha Arab iyo Ayuub koon-fur iyo koon-fur galbeed Hargaisa ; Gada-buursi, H.jeclo , Harti iyo soomaalida kaleba wey ku dhex muunadeysanyihiin sida carmada ama dhilowyahanku geedka u muunadeeyaan oo kale.
Wadamada dariska ah Djabuuti, Adis-ababa, Nairobi, London , Minesota iyo Riyaada sucuudiga iyo meelo kale oo badan dawladuhu waxa ay u maareeyeen caasimadahooda kuwo caalamiya oo cid-walba deeq ah, iyaga oo u qoondeeyey xaafado gaar ah si lamid ah Xaruntii Boqortooyadaii ADAL ee saylac ka hor qarnigii 17aad oo guri u noqotay in kabadan 50 qoomiyadood oo ay ugu tun-weynaayeen ( soomaalida, canfarta, carabta iyo itoobiyaanka ).
La haanshaha Caasimada Hargaisa sida xaafadaheeda loogu kala suntahayaha waxey tilmaan cad u tahay ( xeerka dhabta ah ee naf-qaybsi dalka ) sidaa daraadeed Reer Awdal waxa ay xukuumada somaliland uga fadhiyaan helitaanka xaafad u gaar ah si caasimada u noqoto Caasimad Qaran oo aaney u noqon caasimad Qabiil kaliya leeyahay.
Xalka mustaqbalka dhaw ee Reer Awdal :
1. Maadaama ingiriis ka hor reer Awdal ahaayeen xaalad iyo saban la joogeyba Maamul, Dawlad iyo Boqortooyo islaamiya illaa qarnigii 13aad ; waxa maanta mahuraan ah iyaga oon dar-jiidheyn gooni isku taaga Dawladnimada somaliland iyo xuduudii ingiriiska waxa ay mudanyihiin ( Dawlad Deegaan ama Dawlad Goboleed somaliland ka mid ah).
2. Maadaama Dawlada Ethoipia 1994 yaqiinsatay oo ay garatay in ( Magaalada Harar ) u aqoonsato Dawlad Deegaan ama Dawlad goboleed ka mid ah 9 ka dawlad goboleed ee itoobiya , taas oo ugu dhul iyo dad yar marka la barbar dhigo 8 kale sababtuna tahay sooyaalka taariikheed ee ay leedahay iyo tixgalinta dadkeeda iyo deegaankeeda inta xuduuda itoobiya ku jirta maanta ; iyada oo xuduudaha horteed iyo ingiriis ba Gobolka Saylac ka hor Gobolka Awdal ka tirsanaa maamul ahaan Caasimada Harar ee dawladii ADAL / Adari ee maanta itoobiya ah , sidaa daraadeed Dawlada somaliland Reer Awdal waxay uga fadhiyaan tixgalin la mid ah oo macnaheedu yahay ( wax aan ka yareyn Dawlad Goboleed ) taas ethoipia siisay Harar ; Herer tii somaliland ka hor Reer Awdal horey uga mid ahaayeen.
3. Maadaama Dawladnimada somaliland ee maanta jirta laga soo caro-qaaday dhuxulaheeda shirkii Borama 1993 , nabad ku baaqii iyo nabadeyntii beelaha oo ahaa gudashada waajib maalintaa yaaley marka laga yimaado , waxa lagaadhey xilligii Reer Awdal hoos iskugu tashan la haayeen tallo sax ah oo iyaga iyo qaybaha kale ee Reer Somaliland intaba u cuntanta.

Gunaanad:
Waxa aan si buuxda taageersanahay xukuumada somaliland iyo qadiyada jiritaanka somaliland, ma’aha af-lagaado iyo ceebeyn, waxa ay iigu muuqataa waxa aan ka hadlaayo in ay tahay xuquuq ummadeed iyo masiirkood ; waxa aan Dawlada markale ka dalbayaa in Xaafadaha Caasimada Hargaisa dib u qiimeyn iyo qaabeyn lagu sameeyo ilsa markaana Reer Awdal ka helaan Xaafad u gaar ah oo loo aqoonsado iyaga.
Waxa la gaadhey xilli ay lagama maar-maan tahay in Dadweynaha Awdal isku tashan la haayeen iyaga oo isku dhan isla markaana ay gaadhi la haayeen tallo togan oo ay xukuumadu qayb ka tahay , meel mar-leh taasi oo ka farxineysa Reer Awdal iyo Dhamaan Reer Somaliland oo dhan , talladaasi biyo dhaceeduna ahaado yagleelida Maamul Dawlad Goboleed oo Reer Awdal u dhanyahay, qof ahaan aad baan u hubaa Dawlad goboleed Awdal hesho in si weyn ay isku bixineyso iyo dheeraad.
Duqa Degmada Borama waxa laga rabaa ku tallagalka Caasimad Loo dhanyahay oo dhamaan Reer Awdal u dhanyahay Xaafad xaafad iyo waliba soomaali iyo ummadaha kale ee caalamka.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

10/10/2018.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker