Sidee u soo xulanaa madaxda dowladda?

Madaxda dowladda maa loo soo xulo sida madaxda shirkadaha loo xusho?

Shirkadaha ganacsigu markay madax iyo maamul qaadanayaan waxay soo xushaan dad aamin ah oo aan xadayn, dad shaqada loo dhiibayo aqoon u leh, dad xilka loo magacaabayo khibrad u lej, dad karti iyo firfircoini leh.

Tilmaamahaas inuu dhab ahaan leeyahay waxay ku igaadaan xog raadin iyo imtixaano ay ka qaadaan.

Markaas ka dib ayay tababaro siiyaan, tijaabana galiyaan; si ay isaga hubiyaan. Intaa kagama haraane waxay u sameeyaan heshiis iyo nidaam shaqo oo lugu kormeero, lugulana xisaabtamo. Waxay ku sameeyaan xisaab xil ma leh kadis ah; si loo hubiyo inuu lacagta shirkada ku shaqaysto ama dhunsaday oo uu markii kormeer u yimaado meelaha ka qaado iyo in kale.

Waxaa sii weheliya in marka shaqada la siinayaba laga dalbado damiin loo raacdo haddii uu hanti dhunsado.

Dhinaca kalena shirkada dalka ugu waaweyn madaxda iyo shaqaalaha shirkada waxay wax ka siiyaan faa’iidada shirkado hesho; si nin walba uu shaqada ugu hagar boxo. Dabcan meesha kama marna inay caawiyaan markii dhib ku dhacdo nin maamulka ama shaqaalaha ka mid ah.

Dalkeena madaxda dowladda iyo shaqaaleheeda sida lugu soo xulo Ilaahay baa wada og, innaguna wax badan baynu ka haynaa.

Maxaad ka filan lahayd dawladeena haddii madaxdeeda iyo hawlwadeenadeeda sidaas oo kale loo soo doorto?. Waa hubaal in dalka oo dhan gaari lahaa horumar aad u ballaaran oo aynu dunida kula tartami karno.

Ninka soo xulaya dadka dalka maamulaya waxaa hubaal ah dadka uu soo magacaabay in aanu lacagtiisa ama shirkadiisa u dhiibeen ama ka shaqaalaysiiyeen; waayo wuxuu ogyahay in aanu u qalmin, khasaarana uu u soo jiidayo laakiin dalka iyo dadka intaa fara le’eg maslaxdiisa dan iyo daarad kama leh!.

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker