Madaxweyne Trump oo ku Guuldarreystay Abaalmarinta Nobel ee Nabadda 2018 Ka Dib Markii Lagu Abaaliyay Dhakhtar Afrikaan Ah iyo Gabadh Carbeed. Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Maalintii Jimcaha, Caasimadda Oslo, Norway, waxaa lagaga tiraabay, “Abaalmarinta Nobel ee Nabadda, sannadka 2018 in ay si wadajir ah ugu guulaysteen Dr. Denis Mukwege oo ka soo jeeda dalka Congo iyo gabadha Nadiya Murad ee dalka Ciraaq iyagoo ku mutaystay kaalinta ay kaga jiraan la dagaalanka, ka hortagga iyo ka dabotagga kufsiga, waxyeelada jidhka iyo raadka uu ka tago faraxumaynta aadamiga.”

Madaxweynaha Maraykanka, Donal Trump, ayaa u sharraxnaa abaalmarinta ka dib markii Guddiga Abaalmarinta ay magaciisa u soo gudbiyeen 18 xubnood oo ka tirsan barlamaanka Xisbiga Jamhuuriga iyo weliba shakhsiyado caalami ah sida Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson iyo Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya, Moon Jae-in. Waxaana ay ku amaaneen kaalinta uu kaga jiro nabadaynta labada Kuuriya iyo xakamaynta hubka niyucularka Kuuriyada Waqooyi.

Run ahaantii, Donald Trump waxaa uu safka hore kaga jiray dadka u tartamayay baalmarinta oo tiradoodu dhammayd 331 (216 qofood iyo 115 hay’adood). Hase ahaatee, waxaa lagu reebay hawsha nabadaynta Kuuriya oo aanay weli fari ka qodnayn, dhaqan xumadiisa iyo mudadii uu xilka hayay sida uu u sii fogeeyay nabadaynta dunida isagoo dalkiisa ka saaray heshiisyadii cimilada iyo ganacsiga caalamiga ah. Iska daa falxumooyinka kale ee loo tirinayo.

Isla markaa, dadka ku soo hadhay liiska ugu danbeeyay waxaa ka mid ahaa Pope Francis wadaadka Kiniisada Vatican (Fatikaanka), Moon Jae-in Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Raif Badawi (Garyaqaan u ololeeya xuquuqda aadami oo sannado ku xidhnaa xabsiyada Sacuudiga) iyo Hay’adda Qaxootiga UNHCR. Sidoo kale, waxaa la sheegay in uu tartanka ka muuqan lahaa ama ku guulaysan kari lahaa heshiiskii nabadeed ee dhexmaray Ethiopia iyo Eritrea. Heshiisku waxaa uu ka soo dib maray xilliga la gudbiyo murrashaxiinta oo ku eg bisha January ee sannad kasta. Balse waxaan ogaan doonnaa haddii heshiisku uu gobolka ka islaaxiyo nabad si loogu soo sharraxo abaalmarinta 2019.

Haddaba, dhakhtarka Cudurrada Haweenka, Dr Denis Mukwege ayaa 2018 lagu abaalmariyay gacanta uu ka geystay kumanyaal haween ah oo ka soo doogay waxyeeladii loo geystay. Dalkiisa Congo ayaa laga caadaystay in ay kooxba kooxda kale faroxumayso, xilliyada dirirta sokeeye. Dhakhtarka waxaa abaalmarinta la wadaagtay Gabadha Nadiya Murad ee u ololaysay haweenka. Gabadha, sannadkii 2014, argagaxisada Daacish, waxaa ay ka qafaasheen tuuladeeda oo ku taalla dalka Ciraaq. Sida ay sheegtay waxaa ay gacanta ugu jirtay sannado dhowr ah oo kooxba koox kale gacanta u sii gelinaysay ama la sii kala iibsanayay, ilaa ay ka soo baxsatay.

“Waxaa la ii arkayay qaniimad laga soo furtay dagaal kooxda Daacish ay kula jirtay dad gaalo ah anigoo ka soo jeeddo beesha Yaziidiyiinta ee aaminsan diin guun ah”, ayay sheegtay Nadiya.
Guddiga abaalmarintu waxaa ay ku tibaaxeen, “ Dr. Mukwege iyo Nadiya labduba in ay si geesinnimo leh naftooda halis u geliyeen si ay u la dagaalamaan gaboodfalka xilliyada dagaalka uguna ololeeyaan sidii loogu xaqsoori lahaa dadka dhibban.”

Abaalmarinta waxaa loo tixraacay Go’aankii Qaramada Midoobay ee Tirsi 1820/2008 kaasoo qeexaya kufsiga xilliyada dagaalka in uu yahay tab lagu magac-dilayo nacabka, hase yeeshee, waxaa loo aqoonsaday gaboodfal dagaal, halisna ku ah nabadda iyo xasilloonida dunida.

Carabta Ku Guulaystay Abaalmarinta Nobel ee Nabadda
Sannadkii 1978 Abaalmarinta Nobel ee Nabadda waxaa wadaagay Madaxweynahii Masar Anwar Al Sadat, Madaxweynahii Maraykanka Jimmy Carter iyo Ra’iisal Wasaarahii Israel Menachem Begin. Si la mid ah, 1994 Abaalmarinta Nobel ee Nabadda waxaa si wadajir ah u mutaystay Yasser Arrafat Madaxweynahii Palestine, Yitzhaq Rabin Ra’iisal Wasaarahii Israel iyo Shimon Peres Madaxweynahii Israel.

Diblomaasiga Masar Maxamed Albaradici ayaa, sidoo kale, 2005tii ku guulaystay Abaalmarinta Nobel ee Nabadda isagoo madax ka ahaa Hay’adda Tamarta ee Caalamka taasoo u xilsaarnayd in ay xakamayso hubka tamarta niyucularka si aanu ugu faafin dunida.

Gabadha Tawokkol Korman (Yaman) ee u ololaysa nabadaynta, xuquuqda aadami iyo dimuqraadiyadda ayaa noqotay haweenaydii Carbeed ee ugu horreysay oo ku guulaysaty Abaalmarinta Nobel ee Nabadda 2011. Abaalmarinta waxaa ay la wadaagtay Madaxweynahii hore ee dalka Liberiya Marwo Ellon Johnson Sirleaf.
Ugu danbeyntii, xilligii Go’ga Carbeed, ururadii ku hawlanaa wada hadalka iyo nabadaynta dalka Tunis, ayaa iyaguna si wadajir ah ugu guulaystay Abaalmarinta Nobel ee Nabadda 2015kii. Waxaana ay kala ahaayeen Hay’adda Shaqaalaha ee Tunis, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaynta ee Tunis, Xidhiidhka Xuquuqda Aadami ee Tunis iyo Ururka Qareenada Tunis.

Abaalmarinta Nobel tan iyo 1901 ayaa ah milgaha ugu sarreysa ee lagu abaaliyo dadka ku hawlan Nabadda, Physics, Chemistry, Caafimaadka, Sugaanta iyo Dhaqaalaha. Waxaana ka dardaarmay aqoonyahankii Alfred Noble ee dalka Sweden. Si gaar ah abaalmarinta Nabdda waxaa lagu maamusaa Oslo, Denmarka halka kuwa kale dhammaan lagu bixiyo Sweden.

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassan.horri@gmail.com ama ku tixraac Twitterka @horrimania

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker