Madaxweyne Muuse Biixiyow Xasuusnow In Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Jamaal Cali Xuseen, Guushaadii Sabab u ahaayeen, ee ka Ducayso Odayaashas. Qore Faysal Cali Kayse

4 October 2017-ka, ayey ahayd maalintii Sawiirkan la qaaday, muuqaalka Sawiirku waa Madaxweynaha Somaliland hadda, oo 4 October 2017-kii ahaa Musharraxii Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale laba shaqsi oo qiimo weyn ku laha Somaliland Iyo dunida inteeda kale. Waa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.
Maalintaas Musharraxii Madaxweynaha Kulmiye, haatana ah Madaxweynaha qaranka Somaliland Muuse Biixi wuxuu shir u kaxaystay Jamaal Cali Xuseen iyo Axmed Ismaaciil Samatar,  Shirkii ay Xisbiyaddu la yeesheen 7 safaaradood iyo qaramadda midoobay.
Haddaba, Sida idiin muuqata, waxa guushii Kulmiye ka dambeeyey labadaas aqoonyahan, waa Axmed Samatar iyo Jamaal Cali Xuseen. Labadaas Nin ee kor ku xusan ayaa Ilahay intaa ka sokaysaa sabab u ahaa guushii Madaxweyne Muuse Biixi, cidi may dooran, balse labadaas aqoonyahanbaa loo codeeyey, oo la filaayey inay Kamid noqon doonaan Dawladda Madaxweyne Muuse Biixi.
Hase-yeeshee Siyaasada Somaliland loo nacay waa abaal-laawe Siyaasadeed, oo intaa marka uu musharaxa yahayna Dad wanaagsan garabkiisa soo taxo, hadhowna ka guuraa. Abaal laawuhu Xukuumada usoo dhiso, ma qanciso Dadweynaha,  sidoo kalena ma taabo qaado. Waxanan leeyahay Madaxweyne Muuse biixi waxay Xukuumadaadu guuldaraystay, waa maalintaad ka leexatay dariiqii lagugu doortay, sidoo kalena soo dhistay Xukuumad dhicis ah iyo gole dhalaan iyo jaahiliina, ilaayo Maalinta uu dariiqaas kasoo laabanaayo hoos ayuu usii soconayaa Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.
Mana hana-qaadayso ee way burburaysaa, waxanan kaga baxaysaa maqaalkan iyo xasuusta Sawirkan oo dib usoo hormaray, fadlan Madaxweyne labadaas aqoonyahan ka ducayso, taladana waxka sii. Dawlada loo baahan yahay iyo tii lagugu doortay baa waa labadaas odayee.
Qore.
Faysal Cali Kayse
Hargeysa/ Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker