Faaruqiinta Faysbuugga Iyo Fidinta xumaanta W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Sandadan dambe waxaa soo kordhay aalad casri ah oo bulshda u sahlaysa in ay wada xidhiidhaan si dhib yar meelkasta oo ay dunid ka joogaan aaladan oo ah shabakadda faysbuugga loo yaqaan (facebook) ayaa waxa qabatimay soomaali badan kuwaas oo hadh iyo habeenba ku foogan isticmaalkiisa oo ay qarkood ku dhiig beeleen kadib markii ay mudo badan kusoo jeedeen isticmalkiisa ,

Hadaba shabakadda faaysbuug oo faaiido iyo khasaaraba leh taas oo ku xidhan hadba dhankii loo adeegsado ayaa waxa jira soomaali badan oo si faaruqnimo ah u adeegsada kuwaas oo qaababkan kala duwan u isticmaala.
Qayb ka dhex caytanta
Waxa jira kuwo inta ay si toos ah u soo galaan ka caytama oo caaya hadba cidii qancin wayda sida madaxda, qabiilo, dawlado, siyaasi, cuqaal, iyo hadba cida ay sanifaan kuwaas oo ku caaya hadba wixii afkooda ku soo dhaca iyagoon u aabo yeelayn.
Qayb anshaxa ku tumata
Waxa kale oo jira kooxo iygauna anshaxa ku tunta oo waxay doonaan ku sheekeeya mar marka qaarna soo dhiga sawro dad caan ah oo lagu dhajiyey dad qaawan mar marka qaarna ku baahiya sawirada lamaane aan is qabin oo ay sheegaan in ay isguursan doonaan mustaqbalka dhaw.
Qayb waxay doonaan sheegta
Waxa kale oo jira kuwo iyaguna waxay doonaan sheegta iyagoon aqoon u lahayn sida dhakhtar, siyaasi, qoraa, suxufi, fanaan, aqoonyahan, injineer, abwaan, iwm
Qayb ka dhex ooyda!
Waxa kale oo jira kooxo aad moodo inay xaga maskaxda yihiin oo ka dhex ooya Mararka qaarna ku tartama oohinta !
Qayb xumaanta ku fidisa
Waxa jira qaar iyaguna ku fidiya dhammaan wax kasta oo xumaan ah sida anshax xumada jinsiga, cayda, qabyaalada, isku dirka dadka, beenta, buunbuuninta wax aan jirain, marmarka qaarna ku baahiya muuqaalo dad saxaradooda cunaya !
Waxa cajiib ah xiligani faysbuugga in uu kajiro wax loogu yeedho iskooxaysi kaas oo halis badan marka aad eegto dhaanka soomaalida u deegsanayso oo hadii ay mawduuc yar ay baahiiyan dhamman soomaalida kale uu gilglayo wax kasta oo ay soo bandhigaana ay soomaalida kale run ay u qaadanasyo xataa heer ay la gaadhay inay falaasadaha shaaha ama darmuusyada jajabiyaan Soomaali badani oo war been ah loo sheegay.
Iskuwada dar oo waxaan kula talin lahaa bulshada in dhanka wanaagsan loo adeegsado aaladan iwm ah.
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com
Fb: cabdiraxmaan rashiid dalmar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker