Dawladii Siyaad ayaa odhan jirtey Laba kaclayntii Kacaan, Qofkii wax ka sheegana waa Kacaan diid, ama Kacaanku ka dheereeyey, imika Muuse

Magaca bilaash ma baxo, Muuse Handaraab, Muuse Lockal & muuse Jeegaan & qaar kaloo badan, Muuse
wuxuu ku andacoodey Gabiley & Galbeedka & waqooyiga hargeysa ayaan Gudoomiye Reer & Madaxweyne
u ahay, Muuse Suldaankaagii xasan Jeegaan ee Somaliland lawada leeyahay ku xanuusanayey, aqalkii Hoodaale
ee Subeeriya la fadhiiso oo Madaxtooyada Xaafadland iska tag.
Waayo adigoo gurigii Mooorgan ee madaxtooyada ee Daalinkii, Dikteytarka ahaa ee Siilaanyo ku fadhiisyey
ee uu kaaga kacay, ee Qabyaalada kala dilka Umada, Xaaraanta, xaraashka, Xaqul-qalinka, Boobka, Dhaca &
Kaariyahada Umada laga soo amri jirey, ama lagu soo kala jiri jirey aad hada fadhido, ayaad Muuse Shaani
aad ku dhex waalatey, oo dariiqii dimuquraadiyadii ay kaa luntey, ood Subeeriye & jeegaan & Xaafadland aad
dhex fadhiisatey.
Bal shacabka s/and u sheeg waxay Xaafadaada ama Magaalada subeeriya ee Cunfiga & cuqdada & Kala Dirka
omaliland laga soo abaabulo ee Gabiley ay Sanaag & togdheer & Goboladii waaweynaa ay uuga badatey
Ardaydii School Shipka helay.
Muuse & Xaafadiisa Subeeriya halkay Cunfiga, Cuqdada & Cunsirinmo ka gaadheen, Jaamacadii Burco
& ceerigaabo xiita Wasiir ayuu u diri waayey, Boorama & Gabiley & Golis waxaa u kala dheereeyey isaga
Saylici, oo uu ku andacoodey aroos baan mooday oon ku leexday, hada waa Jaamac Subeeriya Golis.
Hadaba, Muuse & Reerkiisan Subeeriyeysan ee Kacaamaysan, ayaa kolkey Cadaaladii aaseen ku andacooda
yaan la siyaasadeyn, Muuse Jamaacadihii bariga ma xukumo ayuu yidhi, hadana hadaan tegi waayey yaan
la siyaasadeyn, Ardeydii Waxbarashada Debedba Reerkiisa Subeeriya & Xaafadiisa Goljano & gabiley ayuu
ku miisey, oo Sanaag & Sool wuu qadiyey, Kolkaa Gabiley hadaan Reer ahaan ugu badiyey yaan la siyaasadeyn.
doorashadii & komishinka Xaaraanta hala bedelo ayey Wadani yidhi Ucidna hada ku raacay Muuse Shaani &
Kulmiye waxay ku andacoodeen yaan la siyaasadeyn.
Caare ayaa Ciidanka Cadaalad daro uuga baxay, Muuse shaani & kaahin & Wasiiradiisa wada dawakhsan
waxay ku andacoodeen Arinta Caare yaa la siyaasadey.
Muuse Handaraab, kolkuu Xaafadiisii Wadankii ku miisey, oo Qabyaalad & Eex, kala diro & Subeeriya uu
Somaliland u bedeley, ayey xaafadland 7 subeeriya naf moodeen ama halhays ka dhigteen, kolka Umada
farta ku fiiqdey, Cabasho & Cod dheerba ku sheegeen, Cadaalad Darada & Cunfiga Muuse Jeegaan yaa la
siyaasadeyn, Muuse kala dire yaan la siyaasadeyn, Muuse qabiileyste & xaafadland Gabiley & Buurta Kala
Jeexan hadaan u eexday yaa la siyaasadeyn, hadaan Bari uf idho oon tegi waayey yaan la siyaasadeyn, hadaan
aamacadaha Galbeedka & Golis Subeeriya tegey, waxbarashadii debedana iyaga u badiyey, oon Ceerigaabo
& sool ku dari waayey, Ardayda Reerkayaga een u eexday yaan la siyaasadey, Ciidamadii haday Cadaalad daro
tirsanayaan, oo Caare debeda uuga baxay yaan la siyaasadeyn, hadaan Komishinki aaraanta ahaa diidey in
kala diro, oon doorasho qaban kari waayo yaan la siyaasadeyn, Askari Muuse yaa la siyaasadeyn, Siyaadna
wuxuu odhan jirey Kacaan diid & acaanku ka dheeyey waa Xukunta askarta.
wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker