Waxqabadka Yari Wuxuu Dhaama Waxba La’aanta-W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Wargeyska Foore dhawaan boggiisa hore wuxuu ku daabacay xog ah in madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi wasiirradiisa ku amray inay soo gudbiyaan waxqabadkoodii iyadoo sida aan u mallaynayo lagu beegayo dhammaadka hal sanno oo ka soo wareegay muddadii xilka madaxtinimada loo doortay.

Haddii warbixintu run noqoto waa tallaabo wanaagsan waxaana loo qaadan kara in wixii hadda ka dambeeya masuul kasta lagu daba gali doono shaqada uu ummadda u hayo ee loo igmaday, waxaana hubaal ah in dadweynuhu si weyn u soo dhawayn doono sababta oo ah waxay arki jireen madax aan ciddiba la xisaabtami jirin siday doonaanna u dhaqma. Laguma qiimayn jirin waxqabadkooda iyo waxyeelladooda toona. Waxa sinnaa masuulka xilkiisii gutay iyo ka xilkiisii gabay.

Abwaan Axmed Cali Garas (Maqaloocshe) isagoo xaaladdaa cabbiraya wuxuu yidhi: “Gaabiya ma hadho, dedaallana ma gudbo” tusaale ahaan xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo wasiir kasta wuxuu ahaa madaxweyne yar iyo xukuumad gaar ah oo iskeed u madax bannaan waana sababta horseeday in si xishood la’aan ah loo boobo hantidii ummadda iyo in lagu tagri falo awoodda dawladnimada.

Si aan sanqadha loo maqlin waxa meesha laga saaray hay’adihii qaab dhismeedka dawladda ku jiray ee u xil saarna ilaalinta hantida Qaranka sida: Hanti-dhawraha guud, xisaabiyaha guud, xeer ilaaliyaha guud iyo xafiiska qandaraasyada Qaranka, halkoodii iyo shaqadii ay Qaranka u hayeen waxa lagu maxlalay hay’ad been-been ah oo la yidhaahdo Hay’adda La Dagaalanka Musuqmaasuqa!!

Si kastaba ha ahaatee haddii madaxweynuhu amarkan uga jeedo inu wax ka beddelo maamulkii habacsanaa ee xukuumaddii ka horreysay si loo helo nidaam wanaagsan oo ka turjumaya baahida dalka iyo dadweynaha waxa ka horreeya in marka hore laga jawaabo su’aalahan oo muhiim u ah reform-kasta: madaxweynuhu diyaar ma u yahay in uu sameeyo isbeddelo dhab ah? Xaggee ayeynu joognaa oo aynu ka duulaynaa, xaggee se la higsanayaa oo yoolkeenu yahay?, Kadib waa in la dejiyo qorshe iyo siyaasaddii lagu hagi lahaa iyo in madaxweynuhu u xusho raggii iyo dumarkii ka midho dhalin lahaa aragtidiisa iyada oo lagu xisaabtamayo waxaad haysato iyo waxa kaa hor iman kara.

Shuruudaha Reform-ka:

Qorshe si mug leh loo darsay, qoondayn iyo qaybinta dhaqaalaha iyo wixii kale ee lagu hawl galayo (resources), dhismaha guddi farsamo oo ka shaqeeya isu dubarridka (co-ordination committee) wasaaradaha iyo hay’addaha kale ee dawladda, magacaabidda guddi awood badan oo 3-6 biloodba qiimayn ku sameeya geeddi socodka reform-ka si loo kala ogaado kuwa fuliyay ama ka soo baxay ujeedadii laga lahaa dib u habaynta iyo kuwa ka gaabiyay.

Guddigan marka ay u caddaato waxay awood u leeyihiin inay miiska dushiisa ku eryaan masuuliyiinta sarsare haddii fashilaaddu xaggooda ka timid marka la qiimeeyo. laakiin, wax kasta oo aad haysato (opportunities) iyo dedaal kasta oo la sameeyo reform-ka laguma guulaysto haddii la waayo hoggaan isagu u heellan (committed) oo daacad ka ah.

Si kastaba ha ahaatee amarkan madaxweynaha uma arko inuu bilaw u yahay isbeddel ballaadhan, waayo waxaan inoo muuqan haasaasihii iyo shuruudihii loo baahna waxaase la odhan kara kollayba waa tallaabo wanaagsan, waxqabadka yarina wuxuu dhaamaa wax la’aanta (Doing less is better than doing nothing).

 

W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker