TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, golaha guurtida, golaha wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Yuusuf Cabdilaahi Cawaale oo ka tirsanaa golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo xalay taariikhduna ahayd 04/10/2018 ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay qaranka Somaliland, kana mid ahaa guurtida Somaliland ee wakhtiga dheer ku hawlanaa nabadaynta iyo dib u dhiska dalka, waxaanu marxuumku ahaa shaqsi wakhtigiisa ugu badan geliyey wada jirka iyo wada noolaanshaha shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha guurtida, golaha wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker