Xeerka kufsigu miyuu xalaalaynayaa Khamriga? Q. 1aad

Marka aynu dib ugu noqonno warqaddii anisixinta “Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, xeer Lr.78/2018” ee ka soo baxday Golaha Wakiillada horraantii bishii Ogos ee sannadkan, waxa lagu soo qoray buunbuunin badan oo aan tixraac iyo meel loogu hagaago midna lahayn, buunbuunintaas oo ahayd in kufsigu uu beriyahan dambe soo batay oo uu ka dhaco dhammaan gobollada iyo degmooyinka Soomaalilaan. Warqadda kuma ay qornayn wax xigashooyin ah, ama tirooyin is barbar-dhig ah, ama tixraacyo ah ama ugu yaraan kaydka sannadlaha ah ee ay laamaha amnigu ku sameeyaan tirada falalka kala duduwan ee dalka ka dhacay oo si uun loogu badhi-taarayey sheegashadooda ah in kufsigu kordhay. Qoraalkaas oo mutuxan oo aan lahayn caddayn lagu liqo ayaa warqadda lagu soo qoray. Sidaas ayaa ay wayd u ahayd warqaddii sheegaysay in xeerkan aqlabiyad lagu ansixiyey, dhaliilna waxa ugu filan Golahaas in ay xaaladda dalka ka been sheegeen, ugu yaraanna ay warqaddaasi amniga dalka halis ku ahayd. Golahani la yaab ma leh oo horeba waxa ay u ansixiyeen  heshiisyo aanay arag iyo qoraallo aanay xataa ciwaankooda garanayn iyaga oo waxa ugu weyn ee ay ku beddasheen uu ahaa dhaameel iyo wax faro guudkood lagu qaado, waana gartood in ay wax walba sameeyaan mar haddii aanay cidiba la xisaabtaymayn, cidina waxba weydiinayn. Shan sannadood ayaa loo doortay in ay kuraasta ku fadhiyaan, maanta se waxa ay xuddunta kaga jiraan gu’gii 13aad, iyaga oo aan subax kaliya cidina dooh odhan! Horta doohba ma la baray? Kuraastaba saw isma ay siin oo kama dhinna uun inay isku ansixiyaan inay weligood ku fadhiyaan. Idil ahaan ama inta ugu badan ee Golahani waxa ay xubinnimadooda ku waayi karaan qodobka 50aad, firqaddiisa 5aad ee dastuurka Soomaalilaan, kaasi oo sheegaya in Xildhibaanku uu xilkiisa waayayo haddii uu ka maqnaado 20 fadhi oo isku xiga idan la’aan! Waxa la soo helayaa qaar ay golahaba ugu dambaysay 2010-kii, haddana weli xubno ka ah! Waxa ka fiicnayd inaynu dastuurka ku qoronno Xildhibaanku waxa uu xubinnimadiisa waayayaa marka uu dhinto, waayo immika xubnaha Golahan ee xubinnimada waayey badankoodu waa intii ay geeridu innaga qarisay uun. Waxa ay kufsadeen dastuurkii dalka iyo wixii ay ummaddu ku heshiisay ee ma lagu ciqaabay iyaga? Iyaga oo markii horeba ay itaal darnaayeen shuruudaha dastuurka ku qoran ee laga rabo qofka isku sharraxaya Xildhibaannimada Golaha Wakiilladda ayaan haddana la wada buuxin shuruudahaas, sababtaas awgeed ayaa Golahan looga soo helayaa qaar aan waxna qorin, waxna akhriyin iyo mid kasta oo tayo daranba. Qoraalku yuu ila taraarine aan dhagax u dhigo oo aan mawduucii dib ugu noqdo.

Kadib saddex iyo labaatan dharaarood waxa isaguna saxeex ku xaquuqay xeerkan madaxweyne Muuse Biixi, saxeexiisu waxa uu ahaa dhibicdii ugu dambaysay ee uu xeerkani ku dhaqan-galayey. Hubsiimo la’aan waxa ugu filnayd madaxweynaha inuu saxeexo xeer aanu akhriyin, balse haddana waa ay dhacday iyada oo noqonaysa bar madaw iyo madhax u yaalla madaxweynaha oo kaliya.

Xeerku waxa uu ka kooban yahay 45 qodob oo ku qoran Af Soomaali hab-qoraalkiisu aad u liito, meelaha qaarkoodna uu macnuhu is beddalayo ama uu ku dhawaanayo inuu is beddalo hab-qoraal xumo awgeed. Hab-qoraalku xeerku waxa uu kuu sheegayaa in dadka qoray ay ahaayeen dad naf-la-caari ah oo la kadeedan hab-qoraalka Af Soomaaliga, aqoon kaleba ha joogtee! In cidda Xeerkan soo turjuntay ay reer Koonfur ahaydna waxaaba aad ka dareemaysaa qodobka koowaad, meelo badan oo xarafka “R” ahaydna waxa lagu beddalay uun xarafka “Dh” si loo muujiyo in lahjaddu ay teennii tahay. Mar labaad Golahaasi waxa ay kufsadeen hab-qoraalkii Af Soomaaliga! Waa shaygii ugu weynaa ee bulshada isku xidhayey.

Shan iyo afartanka qodob ee uu xeerkani ka kooban yahay waa qodobbo aan badankoodu is ogayn oo aan iska war hayn, badankana qodob walibana uu ka madax-bannaan yahay qodobka kale oo uu iskii u socdo, taasi oo ah sababta aad marar badan ugu arkayso qodobbo is burinaya, qaar iska hor imanaya iyo qaar aan wada jaanqaadi karayn ba. Mararka qaarkood waxaaba aad arkaysaa qodob isku mid ah inay farqadihiisu kala madax-bannaan yihiin oo ay is burinayaan sida aad ku arki doonto qodobka 10aad iyo qodobka 15aad. Xeerka waxa ka muuqata in seef-la-boodnimo iyo degganaansho la’aan lagu qoray sababtaas awgeed waxa aad arkaaysaa in aanay miisaannayn ciqaabaha ka dhalanaya dambiyada kala duduwan ee xeerkan ku xusani. Waxa aad xeerkan ku arkaysaa laba dambi oo midkood fudud yahay, midkoodna uu culus yahay, balse haddana uu ciqaab culus yahay dambiga fududi, dambiga culusina uu ciqaab fudud yahay. Tusaale ahaan, qodobka 4aad  ee Xeerkani waxa uu sheegayaa in qofka kufsada qof kale isaga oo isticmaalaya xoog ama hanjabaad ay ciqaabtiisu tahay inta u dhexaysa 15 illaa 20 sannadood, halka qodobka 11aad uu qoray in qofka qof Khamri siiya ee kadib marka uu sikhraamiyo kufsada qofkaas ay ciqaabtiisu tahay 5 illaa 7 sannadood! Waxa ciqaab yar qofka galay laba dambi, Kufsi oo ciqaab goonni ah leh iyo Khamri oo ciqaab kale leh! Waxa ciqaab culus qofka hal dambi galay xeerka gudihiisa. Waxa kaliya ee aynu halkan ka fahmi karnaa waa in aanu Xeerku khamriga xaaraan u arag oo uu xalaalaynayo, sababta waxa aan ku sii xoojinayaa qodobka 35aad, farqaddiisa X oo sheegaysa in dambiilaha wax kufsaday ay ciqaabtu ka fududaanayso haddii uu Sikhraansanaa markii uu wax kufsaday! In aanu Khamrigu xaaraan ahayn ayey labadaas qodob caddaynayaan. Golihii Ergisley ee inoo soo ergin jiray xeerar ummado kale, maanta ayuun bay godkoodii biyo ugu galeen mar hadday Khamrigiina yidhaahdeen waa xalaal. Ku dar dhaliishii kale ee ku taallay baaqa Culimada ee ahayd in xeerkani uu Sinada xalaal ka dhigayo. Ku noqo qodobka 5aad, firqaddiisa 2aad ee dastuurka Soomaalilaan, waxa uu leeyahay: “xeerarka dalka waxa laga qaadanayaa Shareecada Islaamka, waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo hor jeeda”. Marka uu xeerkani Khamriga iyo Sinadaba xalaaleeyo waxa uu si toos ah uga hor yimid Shareecadii, intaas ayaana kugu filan inaad xaraantinimada Xeerkan ku ogaato. Ciqaabaha aan miisaannayn ee Xeerkan ku jira aan sii wado’e, qodobka 12aad waxa uu sheegayaa in qofka qof kale u afduubta si uu u kufsado, xadhiggiisu uu yahay shan illaa toban sannadood, halka qodobka 4aad sheegayo in qofka qof mar kaliya meel cidla ah ku kufsada ay ciqaabtiisu tahay xadhig 15 illaa 20 sannadood ah. Bal u fiirso, qofka qof afduubtay kadibna kufsaday ee inta uu doono soo haystay ayaa ka dambi yar qofka qof meel cidla ah ku kufsaday mar kaliya kadibna iska sii daayey! Nin laba dambi oo isa saaran galay ayaa ka ciqaab yar nin hal dambi galay! Ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa? Xeerkan gudihiisa, laba dambi iyo wax ka badan inaad gasho ayaa ka ciqaab yar inaad hal dambi gasho, macnaheedu waa in uu xeerkani si dedban u dhiirri-gelinayo inuu qofku dambiyo badan galo oo aanu dambiga isku yarayn! Kuma yara xeerkan ciqaabaha aan miisaannayni, bal mar kale ila eeg qodobka 12aad iyo ka 13aad. Qodobka 13aad waxa uu sheegayaa in qofka ilme yar daawadsiiya filim galmo ah ciqaabtiisu ay tahay xadhig u dhexeeya shan illaa toddoba sannadood, halka qodobka 12aad, farqaddiisa 2aad ay ka sheegayso in qofka ilme yar afduubta kadibna kufsada ay ciqaabtiisu tahay toddoba illaa toban sannadood. Haddii qofka ilmaha yar filim galmo ah daawadsiiya lagu xukumo xadhigga ug badan ee xeerka ku qoran oo toddoba sannadood ah, qofka ilmaha yar afduubtay kadibna kufsaday lagu xukumo xadhigga ugu yar ee xeerka ku qoran oo toddoba sannadood, labadaas qof ciqaabtoodu waa isku mid! Sidee ayey labadaas qof isku ciqaab u noqon karaan? Xataa macquulnimada way ka baxsan tahay in ay isku ciqaab noqdaan. Marka aan leeyahay xeerkan maskax deggan iyo garasho fayoobi ma ay qorin, qodobbadan iyo kuwa ka daran marka aad aragto ayaad rumaysanaysaa.

La soco qaybta labaad……

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Facebook.com/Maxamed Sharma’arke

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker