Aan wada Hadalo : Qaybtii 2aad

 

  •  (Aan wada hadalo —- waa aan heshiino).
  • (Dadku waxay isku  Afgartaan wada-hadalka—- Xayawaankuna urta)Erayga “ wada hadal”

 

Waa maxay wada hadal,maxaa looga jeedaa erayga wada hadal,guud ahaan eraygu waa “ dabeecad Bini aadamku ku xalliyo khilaafaadka soo kala dhexgala,mid culus iyo mid fududba. Dhinaca kale  aynu eegno qeexitaano kala duwan,si aynu u fahano,macnaha erayga wada hadal,inagoo ka eegayna sida  Soomaalidu u qeexday erayga iyo guud ahaan Bulshada Caalamka.

Qeexitaanka Soomaalida:-Soomaalidu waxay ku qeexday earayga wada-hadal  “ wada hadalo —waa aynu heshiino”.Qeexitaanka kale ee ugu dhow ee Soomaalida waa “dadku hadalka ayey isku Afgartaan- Xayawaankuna urta”.Runtii waa laba Qeexitaan oo macna weyn ku fadhiya,umana baahna in la sii faahfaahiyo.

Sida Caalamku u Qeexay:-Caalamku waxay iyana ku qeexaan erayga” waxaa looga jeedaa aan  wada hadalo, “xallinta /dhamayta  khilaaf ka dhaxeeyey darafyo kala duwan .

Haddii heshiis yimaado,waxaa timaada Nabada—Nabaduna waxay keentaa horumar Naf iyo maalba leh. Haddii aan la heshiin,waxaa ka dhasha Colaad-oo keenta burbur  naf iyo maalba leh

Suugaanta Soomaalida:-

  • Nabad baa Naas la nuugo leh.
  • Cunto waxay macaan tahay adigoo caafimaad qaba.—
  • Cidlana waxa la seexdaa adigoo aan  cidi ku maagayn
  • Sow Nabadi sahaydaada oo sidato uu maaha—
  • Sow godobi  surinkaad martaba sabab qarsoon maaha.
  • Siyaasiyiinta ugu ugu magaca weynayd Caalamkan aynu noolnahay , maxay ka yidhaahdeen “  wada hadalka”?
  1. Mahatma Gandhi(Hogaamiyihii India):wuxuu yidhi:- “ In aad la hadasho cid kale oo aad wax kala tabanaysaan,waa “geesinimo—fariidnimo—masuuliyadnimo iyo xalinta dhib taagan,si labada dhinacba u faaiidaan”—- haddii aad la hadasho cid aad wax isku haysaan,macnaheedu maaha—fulanimo—nacasnimo iyo in aad qalad weyn samaysay”.
  2. Nelson Mendella(Madaxweynihii Koonfur Afrika):-wuxuu yidhi—Haddii aad nabada iyo galgacalka taqaano sida loo sameeyo—-Colaada iyo nacaybkana waad taqaanaa sida loo sameeyo,labadaba adigaa dooran kara kaad qaadanayso,ta ugu fiicanina waa wadada wada hadalka”
  3. Sheekh Yaasiin( Wadaadkii reer Falastiin):-wuxuu yidhi – “Haddii nabada laguu diido— waxaa laguu diiday Noloshii-in aad u dhimato—adigoo  nabad iyo nolol raadinaya  xaq baad u leedahay –Dhimashada cidi ku diidi kartaa ma jirto—ILLAHAY  ayaa ayuun baa wax dila-waxna nooleeya”. 

     

  4. Fidal Castro( Hogaamiyihii Cuba) Wuxuu yidh:- “aan ku cunaqabateeyo, cidna wanaag uma keento,ee waxay keentaa isku tashi iyo in aan aad aaminta waxa aad haysato ee awoodaadu tahay”.
  5. James Baker – USA-Wasiir Arimaha Dibadda hore. Wuxuu yidhi “ mar  la weydiiyey ,sababta Bariga dhexe xal waara looga gaadhi waayey ++++++Wuxuu ku jawaabay(waxa aan argagxisada u naaqo ,Carabtu waxay u taqaanaa- Xaq u dirir——-kuwa Carabtu u taqaan Xaq u diririka anaguna waxaanu u naqanaa argagixiso) ……Ilaa aanu isla fahano erayada Xaq u dirir. Iyo Argagixiso— xal waara laga gaadhi mayo Barriga dhexe”. 
  6. Shemon Peres- Madaxweyne-Raysal Wasaare- israel:- Wuxuu yidhi—“Wada hadal kasta oo aad gelayso,wuxuu la mid yahay— adigoo koraya  Buur aad  u dheer, qolaba dhinac ayey ka koraysaa Buurta,ujeedadiinuna waa in aad soo qaadaan nabada—– waxa dhici karta in aad ka soo dhacdo Buurta adigoon gaadhin Buurta dusheeda oo aan nabadii soo qaadin”. 
  7. Anwar Sadad Madaxweynihii Masar:- Wuxuu yidhi “ Lacagta faraha badan ee aynu Hubka ku soo iibsano—waxaynu ku horumarin karnaa   baahida guud ee dadkeenu qabaan sida Waxbarashad—Beeraha—Caafimaadka —Biyaha –Wadooyinka IWM “ALLAA.       MAHAD       LEH

    La soco qaybta 3aad  iyo dariiqooyinka  loo maro wada hadala.

    Danjire. Abdi M Saleiman(Mingiste)

    abdi_saleiman@hotmail.com

    facebook. Abdi Saleiman

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker