QORSHAHA ISKAASHIGA DHAQALE EE SOMALILAND IYO SUCUUDI ARABIA.

Wararka Somaliland waxay sheegayaan in dalka Sacuudigu uu doonayo inuu Somaliland wax kala qabtan horumarinta dhaqaalaha. Haddaba, caqliga dadka Somaliland ayaan aqaana oo haddii la waydiiyo; Maxa la idiin la qabtaa? Waxay odhan doonan:-

Baasaboorkayaga aqbala, ardaydayadan shaqo noo siiya, xoolahayaga aad naga joojiseen noo fura. Waa loo bahan yahay in uu Sacuudigu Baasaboorkeena aqbalan, lakiin waa in ayna noqon waxa kaliya ee aynu la shir tagayno.
Haddii ay xoolaha la inoo furaan, Illahay inaguma keene oo uu cudur laga helo xoolaha Somalida, Sucuudiga qaadan mayaan.

Teeda kale, waxaa jira dad badan oo ka shaqaynaya in aanu Sucuudigu iibsan xoolaha Somalida. Dadkani oo Sacuudiyiina oo laga yaabo in ay yihiin kuwa ka bayac mushtareeya xoolaha dalalka kale ka yimada, ama dad Somaliyeed oo ka soo horjeeda jiritanka iyo horumarka dhaqaale ee Somaliland.

Mida kale, xoolaha Berbera ka dhoofa waxaa ay ka yimada deganada Somalidu dagto badankeeda. Sida daradeed, inagu awood uma lihin aynu ku xakamayno ama ku baadhno xoolaha degeenada kale ka imanaya.
Haddii, Sucuudigu ogalaado xoolaha ka imanaya Berbera oo kaliya, Somaliya waxay isku dayi doonaan sidii loo joojin lahaa xoolaha Berbera ka dhoofa. Haddaba, si xoolaha Somaliland ka imanaya loo joojiyo, waxay ku soo dhex dari doona xoolaha deganadooda ka imanaya qaar cuduro qaba.

Dadkeenu waa in ay fahmaan in dalkasta waxa dabada ka riixaya uu yahay dantiisa, lakiin wax jacay ah ooy kuu qaban, ama diin aydun wadaagtan oo kuugu damqanayaa aanu jirin. Haddii taasi jirto, 28 sano ayay wax inala qaban lahaayeen. Sababta Sacuudiga ama dalkale inoo xiisaynayaa, waxay tahay in ay arkeen in mandaqada Geeska Afrika tahay degan xasaasiya. Haddii ayna xidhiidh wanaagsan inala samayn wayaan hada, in ay jiran dalal kale oo iyaga ka dhaqaalo badan oo xidhiidh inala samayn doona. Taasina waxay wiiqaysa horumarka ay hiigsanayaan.

Haddaba, waa in ay mar kasta taasi maskaxda ku hayno. Waa in aynaa u qaadan in aynu baryayno ama maslaxad inoo samaynayaan. Lakiin waa in aynu la nimadno qorshe labada dalba guul u ah (Win win solution).

Dhaqaalaha Sacuudigu waxaa laga yaaba inuu saddex mid noqdo ama saddexdaba wada noqdo: inuu noqdo Amaah (ama Loan), Maal gashi (investment), ama Deeq (grant).

Marka haddii ay mashruucyo horumarineed ay inagu cawinayaan, waynu soo dhawaynaynaa. Lakiin wax aynu u bahan nahay waa maal-gasho (Investment) ama Amaah aynu wakhti dheer ku bixin karno.
Sida daradeed, Qorshaha aynu ula tagaynaa waa inuu noqdo mid horumar u leh dalka, shaqooyina u abuuraya dadkeena. Qorshe ay diyaariyan dad khibrad u leh maalgashiga calamiga (International Investments).

 

Haddaba, qorshahani waa inuu noqdo mid Sacuudi Arabia iyo Somaliland wada leeyihiin oo ay wada maal-gashanayaan.
Sida daradeed, waxaa loo bahan yahay in aynu wada samaysano Bangi Maalgashi (Investment Bank) ama Bangi horumarineed (Development Bank). Bangigani oo ay wada leeyihiin Sacuudiga iyo Somaliland. Bangigani waa in ay Somaliland leedahay ugu yaran 50%. Haddaba, dawlada Somaliland ma haysato lacag ay ku maal gashato Bangigani. Lakiin dadka Somaliland (ee dalka jooga iyo kuwa dibada ku nool) ayaa maal gashanaya mashruucyada uu bangigan hirgalin doono.

Bangigani waa inuu ‘feasibility study’ ku sameeyo mashruuca uu doonayo in uu hirgaliyo. Isaga oo eegaya: Dhaqaalaha ku baxaya, goobta ugu fiican ee laga hirgalin karo, in macaash ku jiro iyo in kale. Haddii uu macaash ku jiro muda lacagta la galiyay uu soo celinayo. Haddaba, marka xogta la helo ayuu Bangigu mashruuca hirgalinay ama iska dhaafaya.
Haddaba illaha dhaqaalaha ee Somaliland u bahan tahay in ay maal galin lagu sameeyo, waxaa ka mida:
1)Biyaha 2) Xoolaha 3) Beeraha 4) Laydhka 5) Sibidhka

 

  • Biyaha

Biyuhu waa asaaska nolosha, dalkeena wabiyo ma leh, lakiin waxaa uu leeyahay, dooxyo marka roobku do’o biya badan maran. Sida daradeed, waxaynu u bahanahay in ay dhamam lagu joojiyo biyahani aynu samayno. Meelaha dhaamam laga hirgalin karin in aynu baliyo ka samayno ama ceelal riiga laga qodno.

Haddaba, haddii Sacuudiga doonayan in ay in cawinayaan waa in aynu waydiisano in ay mashruucyda biyaha inaga caawiyan. Haddii ayna dhaqaalaha ku baxaya mashruucyadani inagu caawin karin, waa in aynu waydiisno in ay amaah aynu ku hirgalino mashruucyadani ina siiyan. Amaah aan dulsar lahayn (ama dulsar yar leh), wakhti dheerna lagu bixin karo.

Marka, waxaa aynu u baahanahay ugu yaran 20 dam oo biyo xidheeno ah, baliyo iyo ceelal riiga ah. Sida daradeed dhaqaalaha biyaha ku kacayaan, ee dalka oo dhan laga hir galin karaa waxaa uu ugu yaraan ku kacayaa $100 Million oo dollar Maraykanka.

 

  • Xoolaha

Somalidu waxay Sacuudi Arabia u dirta xoolo badan, mararka qaarkood Sucuudigu way soo celiyaan xoolaha Somalida, iyaga oo sabab ugu dhigaya xanuuno in ay qabaan.
Haddaba, sidda aynu xoolaha u dhaqan jirnay ma ah mid waraya, sida daradeed, habka xoolah aynu u dhaqanayno waa in aynu badalno, ama la yarayeeyo. Xooluhu waa in loo sameeyo seerayaal lagu xanaaneeyo. Waana in loo sameeyo beero cunta ay cunayaan loogu beero. Sida daraadeed, waxaa loo bahan yahay in biyo xidheeno iyo ceelal Riigaga loo qodo mashruucyo xoolaha lagu dhaqayo.

Mida kale, marsada Berbera waa marsada ugu wayn ee xoolaha Somalida laga dhoofiyo. Xoolahaasi oo ka kala yimaada badi dagaanada Somalidu dagto. Haddaba, way adag tahay in marka la dirayo xoolaha in mudo yar oo gaaban lagu baadho xoolaha deganda balaadhan ka kala imanaya. Neef xanuunsanaya oo la dirana waxaa uu halis galinayaa dhoofka xoolaha.

Sida daradeed, waxaa loo bahan yahay in dawlada Somaliland iyo Sacuudigu iska kashadan goobo lagu xanaaneeyo xoolaha deganada Somalida ka kala imanaya. Goobahani oo xoolaha lagu xanaaneeyo, caafimaadka lagu daryeelo.
Xoolaha Sucuudiga loo dhoofinaya waa in ay soo maran goobahani. Wasaarada xanaanada xoolaha ee Sacuudiga iyo Somaliland ay iska kashan daryeelida xoolaha goobahani lagu hayo.
Hadaba, dhawr mashruuc oo xoolaha lagu xanaaneeyo, cafimadkooda lagu badho waa in gobalada Somaliland laga hirgaliyo. Mashruucyadani oo lagu hakinayo xoolaha dalka gudihiisa iyo kuwa daganada Somalida ka imanaya. Looguna samaynayo seero waawayn iyo beero cunta ay cunaya loogu beero.

Dhaqaalaha lagu hirgalin karo ugu yaran 50 goobood ama mashruuc, oo ugu yaran lagu xanaanayn karo 10,000 oo neef saddexdii billoodba, waxaa uu ku kacayaa ugu yaraan $100 Million oo dollar Maraykanka.
Meel kasta oo mashruucani laga hirgaliyo waa in marka hore laga hirgaliyo biyo xidheen, ama ceelal riigaga laga qodo. Sida daradeed, dhaqaalahani mashruucani ku baxaya kuma jiro kharashka ku baxaya biyaha, ee waa kharashka beerta iyo qalabka ay u bahan tahay.

Xoolahana waxaa laga iibsanayaa dadka reermiyga ah ee dalka ku nool ama daganada kale ka keena.

 

  • Beeraha

Somaliland waa dalalka faro ku tiriska ah ee cuntada dadkiisu cunaan aan beeran. Cuntada dadkeenu cunaan waxa ugu badan Bariis, Baasto, roodhi, laxoox, hadhuudh, iyo Qamadi. Sida daradeed, waa in aynu beerana waxa aynu cuno. Xukuumadani waxay ka bilawday beero roobeed deganada; Wajale, daad madheedh iyo Beer. Waxase aynu u bahan nahay in aynu samayno mashruucyo waawayn oo beero ah, oo ugu yaraan 5000 hectare ah. Beerahani oo lagu warabiyo biyo la qabtay ama biyaha dhulka hoosteeda ku jira.
Sida daradeed, waa in mashruucyada beeraha ah laga hirgaliyo meelaha biyo xidheen ama ceelal riiga laga qodi karo.
Dhaqaalaha lagu hirgalin karo ugu yaran 10 mashruuc oo beero waawayn ah, waxaa uu ku kacayaa ugu yaraan $50 Million oo dollar Maraykanka

 

  • Tamarta (Energy)

Somaliland waxay u bahan tahay laydh jaban oo joogta ah. Qiimaha laydhka Somaliland waa meelaha ugu qaalisan calamka. Haddaba, si loo helo laydh jaban, waxaa u baha nahay in aynu helno maal-gashi Tamarta (Energy).
Sida daradeed, waa inuu maal-galin u helno warshada Tamarta (Energy) oo DHUXUL-DHAGAX ku shaqaysa. Dhuxul dhagaxdu waa alada ugu jaban ee tamar (energy) laga dhalin karo.

Warshadani laydhka waxaa laga dhisi karaa meel u dhaw magaalada Berbera si dhuxul dhagaxda aynu soo iibsanaa looga soo dajiyo marsada Berbera. Teeda kale, buuraha golis ee dhuxul dhagaxda lagu sheegan kama foga magalada Berbera, marka haddii aynu la soo baxno dhuxul dhagaxdeena, waxay noqonaysa in warshada laga dhiso meesha dhuxul dhagaxa laga heli karo.

Laydhka warshadana waxa lagu isticmaali karaa magaalooyinka u dhexeeya Burco ilaa Boorame. Magaalooyinka kale ee dalkana waa in dawlda kabaysi ku samayso (subsidize) qiima Naftada Generator-ada ku shaqeeyan.
Haddii Warshadani laydhka la maal galiyo dadka waxay helayaan laydh jaban oo ay awoodi karaan. Isla markana waxaa furfurmaya dhaqaalaha dalka, oo qofka ama sharkada doonaysa in ay dalka ka hirgaliyo warshad yar yar way u fududaanysaa.

Dhaqaalaha ku baxa warshad laydh waxaa ku kacaysa dhaqalo bahan. Haddaba, dhaqaalaha ku baxaya warshad cusub ee dhuxul dhagax ku shaqaysa (New Coal Power plan), waxaa lagu qiyaasi karaa (roughly estimate) in ay ku kacayso $3,500 Per KWh. Marka qiimaha warshada dhuxul-dhagax eenu u bahanay waxay ku kacaysaa $350 Million ilaa $700 Million. Wayirada korantada qaadaya (Power distribution included Substations, Transformers and Power lines) waxa noqonayaan $100 Million oo kale.

 

  • Sibidhka

Dawladii Siyada Bare waxa kaliya eenu ka dhaxalnay waxay ahayd Warshada Sibidhka ee Berbera. Maalintii aynu dalka soo galnayna way shaqaynaysa.
Marka, waxaa warshadani u bahan tahay in maal-gashi lagu sameey. Teeda kale, waa in cid gaara loo xidhin ama lagu wareejin hantida ummada Somaliland ka dhaxaysa. Sida daradeed, waa in la joojiyo ama ‘cancel’-gareyo cida sida sharci darada ah loo siiyay warshada sibidhka.

Somaliland inta la soo noqotay xoriyadeeda dib u dhis badan ayaa ka socday, iminkana waxaa bilaabmay mashruucyo badan oo u bahan sibidh badan. Sida daradeed, waxaa loo bahan yahay in la kaciyo warshada sibidhka.
Dhaqaalaha ku baxaya warshad sibidhku waxaa lagu qiyaasi karaa $60 Million ilaa $120 Million dollarka Maraykanka.

Gaba gabadii, Bangiga horumarintu marka uu hirgaliyo mashruucyada waxuu u qaybinayaa laba qaybood oo is leg (ama 50/50). Qayb dawlada Somaliland leedahay iyo qayb dawlada Sacuudigu leedahay.

Haddaba, dawlada Somaliland ma haysato lacag ay ku iibsato qaybteeda. Sida daradeed, waxay u qaybinaysaa samiyo ay dadka Somaliland ay iibsan karan. Haddii dadka Somaliland ay iibsan kari wayan qaybtooda, marka waa in dawlda Somaliland hesho amaah (loan) ay inta hadhay ku iibsan karto.

Gudida maamulaysa (ama board of directors) waa in ay ka koobnadan Sacuudiyiin iyo dad Somalilander ah. Xubno shacibka Somaliland ee samiyada ku leh ayaa iska ay iska soo xulaan iyo xubno dawlada Somaliland soo magacawdo oo matalaya qaybta dawlada Somaliland ku leedahay.

Dhaqaalaha mashruucyadani lagu hirgalin karo waxaa noqonayaa inta u dhaxaysa $500 Million ilaa $1,500 Million. Marka dhaqaalaha Somaliland looga bahan yahay waxaa uu noqonayaa $250 Million ilaa $750 Million. Waxaan qabaa in haddii si fiican loo mareeyo mashaariicdani in ay dadka Somaliland ay diyaar u yihiin in ay dalkooda maal gashadan. Horumarka Somaliland ay kor u qaadayso, dadkeena shaqo u abuurayso.

Waxaanse ka digayaa in dawlada ama sharkadi ay 100% (ama wax ka badan 50%) maal gashato mashruuc aynu inagu samaysan karno, dadkeenu noqdan kuwa shaqooyin hoose ka qabta, sida dalal badan oo Afrika ka dhacda. Maal gashiga nooci ahi waa adoonsiga cusub.

 

SOMALILAND HA NOOLATO !!!!!!
OMAR A YOUSUF
OAKLAND, CALIFORNIA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker