Gabay Hargeysa By: Ex. Xildhibaan Ifraax Cali Kirix

Gayigayga hodankee
Guule iigu deeqiyo,
Goobtii halyaygiyo
Geesiyada dihatee
Gobonimada hanate
Garka wadnahiyo
Gosha igaga taaliyo
Gobaadeey hargaysaay.
Galabtay daruurihii
Guudka ka hadheeyiyo,
Gantaalaha cadceedee
Ku gigan dhexdoodu
Sagalkaa guduudan
Ganbo ugu xidheeniyo,
Gufaacadii roobkee
Gardinaysay dhibicu
Gardaadiyeen Saxansaxo.
Guurtaan dareemaan
Gacaltooyo mudankeed
Laxawgii ka soo go’ay
Gar alee naftadani
Ilmo gabax tidhaahdaa.
Gaashaan adag’ hargaysaay
Gurmadkii dalkaygiyo
Geeshkii difaaciyo
Guurti nabad ka talisiyo
Geed hadhac qaboobiyo
Garta tusmadeedaay,
Maati u gargaaraay
Gacantaa ma go’doo
Guulahay hakula jiro
Garabkaana iga eeg.
Erayadii ifraax cali kiri

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker