Xubnaha Komishanka Doorashooyinka 9 ay keenaan 3 xisbi halga dhigo.

Xubnaha komishanku waxa ay doorasho xor iyo xalaal ah qaban karaan, haddii xubnaha laga dhigo 9 xubnood oo ay keenaan 3 xisbi qaran. Waana in meesha laga saaraa xubnaha uu keenayo Madaxwaynuhu iyo Golaha Guurtidu, waayo Madaxwaynuhu waa Guddoomiye Xisbi, waxaana laga soo doortay xisbiga, markaa waa in uu qorigiisa ku qaataa xisbi ahaan. Golaha Guurtida waxa aynu filaynaa in lagu soo doorto nidaam xisbiyeed, ma jiri doonaan xildhibaano aan ka socon xisbi oo dhex fadhiga Golaha Guurtida. Sidaas daraadeed, looma baahana in xubno la siiyo golaha guurtida waayo tiradii la siin lahaa waxa u qaaday xisbigii ay ka soo baxeen.  Ta kale Golaha Guurtidu maaha xisbi ee waa gole qaran oo ku miyi nidaam doorasho.

Marka la helo xubno isu dheelitiran ayaa laga filan karaan cadaalad iyo in ay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah. Saddexda xisbi way isdheeli tirayaan, balse haddii, xubnaha komishanka dhinac laga wada raro, waxa adkaanaysa in ay cadaalad sameeyaan. Sida caqliga fiicani inna siinayo masuulku la magacaabaa waxa uu had iyo jeer ka amar qaataa una hogaansanaadaa ciddii magacawday, taasina waxa ay keenaysaa in 7 xubnood ee ka tirsan Komishanka Doorashooyinka qaranku ay ka amar qaataan xukuumada marka laga reebo 2da xubnood ee mucaarika oo aan cod ku dhex lahayn komishanka.

Ugu dhanbayn, in la badalo komishanka doorashooyinka qaranku macno wayn samayn mayso, balse waa in laysla fahmaan sidii loo heli lahaa xubno lagu keenay qaab ka duwan xubnaha komishanka iminka xilka haya. Haddii kuwan la badalo, balse aan qaabka xulista iyo cida keenaysa aan wax laga badalin waxba isma badalin.

 

 

Allah Mahad Leh

Qore: Yuusuf Xuseen

jeesto1@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker