Somaliland, Dastuur, Sharci, & Qaranimo ayey ku faanaan Inay shicibku wada dhisteen. Dastuurkaa Beeluhu ku heshiiyeen, Reero gaara, shakhsiyo Gaara & Deegaano Gaara ayaa afduubtey Sharcigaasi oo ka dhigtey, iney keligood leeyihiin awoodna ku maroorsadeen.

Shacabka Somaliland waa Dad dulqaad leh, oo jecel Nabada & Wanaaga & wada lahaanshaha, oo Dastuurkii
lawada dhistey & wax wada lahaanshihii ilaaliya, Laakiin Dad Gaara & Reera Gaara ayaa af duubtey oo iska dhigey
inay iyagu leeyihiin wax wada lahaanshihii, oo Ciidankii, Taliyayaashii, Wasiiradii, Qandaraasyadii, Cashuurtii &
Maaliyadii keligood isku kooban, ka dhigeen wax ay keligoos iska leeyihiin oo aan cidi weydiin karin, cidi xisaabin
karin, oo ku faana cidi hadashada wey bukaan, waa xaasidiin, wanaaga ma arkaan.
bal hadaba, Siilaanyo & Muuse & Xisbigooda Kulmiye waxay ku andacoodaan Dhulkeena Nimceena fadhida ee
Dadka buka ma arkaan.
Hadana Siilaanyo & muuse waxay ku andacoodeen in laba Reer oo Gaashaanbuur, Kolna ay Jeegaan uula baxeen
Somaliland ay boqortooyo ku haystaan, oo ay hagbad kuwada galeen H/eclo & H/Awal oo ay sidaa ku soconayso
Somaliland oo Siilaanyo qabyaalad Fool xun oo doqoniimo ah uu Dadlka ku maamuley uu Islaantiisii Aamina Weris
Xukunka u dhiibey oo xiitaa ay ka xishoon weydey Womens Clubkii dumarka oo ay xoog & awood Ciidan intey Dumarkii
ka dareerisey wax ku baranayey Huteelkeeda Jirde ku darsatey.
Moorgan 1 & Moorgan oo ay Siilaanyo & aamina Weris Hablahooda qaba ay u fasaxeen iney Deked, Cir & Dhulba xaraashaan
xiitaa Shirkado Moorgan & Sacad beenaale ku qoran yihiin ku boobaan xoolihii Masaakiinta aan Sharci, Maxkamad cid ka hadli
kartaa jirin.
Siilaanyo waa xaraashe Wadanka, waa Aabaha Qabyaalada S/Land, waa Dikteytar, waa kala qaybiye Umada, waa Xaqul-qalinka
& Musuqa Aabihiis Siilaanyo, isagoo intaa & in ka xun ku suntan oo Ilaahay Aduun & aakhiraba ku ciqaabi doono, ayuu ka daroo
dibi dhal, ku dagaal ooge, kala dire Madaxweyne Jeegaanland ah kursigii u boobay Muuse Shaani, oo weliba ku suntan dhiigyo
cab ducada diidey, oo Habaar qaba ah.
Sidaas Darteed, Somaliland Sharciga, Dastuurka & Dimuquraadiyada ay ku faanto, ma in Laba Reer oo Jeegaan la baxay
Wadankii iyagu iska yeeshaan baa, ma Siilaanyo & uuse & Reerahooda H/Jeclo & H/Awal inay Saraakiishii Ciidamadii
Qandaraaysayadii, School Shipyadii Debeda, Hay,adihii, Wasaaradihii ay labada Reer ku koobaan Reerihii kalana ku hoos
noolaadaan,
Sharciga & Dastuurka Somaliland ma waxa weeye Deegaano gaara ah in Miisaaniyada & Maaliyada lagu xuso qaarna
Biyo La,aan & Wado La,aan, Dugsiyo la,aan, Cisbitaalo la,aan ku dhacaan, Miisaaniyada Xaafadaha uu Muuse ku
Abtirsado, Wasiiradii Samsam Heeryo xun Hargeysa oo Caasimdiiya, ayey daanteeda, Garoomo Dad gaari leeyihiin ugu
dartey Miisaaniyada, Gabiley & Wajaale & alabaydh, Biyo, Caafimaad Wadooyin & Horumar intaa u guuranaysey.
Airportka Hargeysa & aylada Hargeysa oo ka dhigan Dekeda Hargeysa Cashuurtu ka soo gasho, Wadooyin malaha oo
Wadada Saylada waa la arkey, tii Airportkana Xaalkeeda waa la ogaa, Garoonkii Ciyaaraha ee axmed Dhagax ku yaalay
Miisaaniyada laguma xusin, Dugsiyadii Axmed Dhagax & Maxamuud Haybe cidi ma dayacdo.
Gobolada Bariga xiitaa Abaarihii & Dhibaatadii cidii uuma nixin oo taakulo looma geyn, Kolkaa S/Land, Dastuurkii &
Sharcigii ma Reero Gaara, Degaano gaara, & Qabilooyin gaar ayaa samatey oo ah H/Awal & H/Jeclo inta kalana waa
la haystayaal, aan hadli karin, xaq u lahayn, waxba Wadanka ku lahayn, ?.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker