Ilma X. Cali Iyaggoo ka Faaiidaysanaya awooda Madaxweyne Muuse Biixi oo Cigaal Xabaasha kaga Aarsanaya Ayey Agoontii ka Qaadeen Dhulkii ay ka Dhaxleen Awoowgood, Jamaalbaa’se ku Sheegay Maansadii Doqon Dila oo layaab Ma Leh Daalimiintu?.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Aadan X. Cali iyo Walaaladii Farxaan X. Cali iyo Cabdale X. Cali waa Walaalo umada Somaliland horre ugu soo sameeyey Cadaalad darro weyn, iyagoo kala adeegsanaaya awooddaha ay kala leeyihiin,  Aadan waa Gudoomiyaha Maxkamada, sidoo kale  Cabdale isna waa Xildhiban Somaliland diid ah, oo kamid Baarlamaanka Somaliya, sidoo kale Farxaan X. Cali isna waa Milkiilaha Telefiishanka Hc Tv,  sadexdaas Nin hore waxay dulmi wadareed ka galeen Musharraxii hore ee Ucid Jamaal Cali Xuseen, oo ay ku sameeyeen dulmigii qarniga, kaddib markii ay Maxkamad ku sheegta sare ee u maamulo Adan X Cali, si badheedha uga xukuntay musharaxnimadiisii.
Waxyaabaha layaabka leh, ee sadexdaas Nin ee walaalaha ahi, aanay ugu kala hadhin dulmigii ay ku sameeyeen Jamaal Cali Xuseen, waxa Kamid ahaa, in dagaalkii Musharaxnimadii Jamaal si meesha looga saaro, ayey Xukuumadii Kulmiye ee waqtigaasi dalka u ogolaatay, dagaalkii Jamaal Cali Xuseen lagu hayey awgii Inuu Hargeysa yimaado Xildhiban wasiirna ka ahaa Xukuumada iyo Barlamaanka Muqdisho Xildhiban Cabdala X. Cali, oo tamashlayn jiray suuqyada Hargeysa isagoo Xambaarsan xil iyo xasad maamulka muqdisho ah.
Cabdale X. Cali iyo walaaladiisa Maxkamada iyo Tvga haystaa, waxay maleegeen oo sadexdooduba Lacag ku qaateen duudsigii iyo dulmigii lagu sameeyey Musharax madaxweyne Jamaal Cali Xuseen.
Hadaba Akhristow ma kula tahay in Sadex Nin oo walaalo ah, oo mansabyo kala duwan Xambaarsani inay dulmi iyo xaqdi badheedha kula kaceen Nin ay Tol yihiin?. Waxay ila tahay hore umay dhicin, balse waa mid dhacday oo ay ku kaceen Ilma X. Cali Axmed, iyagoo weliba dulmigii qarniga ku sameeyey Nin iyagga abaal ku lahaa, waa Jamaal Cali Xuseen oo ninka Farxaan X. Cali lagu magacaabo isagoo dam yidhi waa boodhka uga tumay Telefiishankiisa uu dadka Baada kaga gurto ee Hc tv. Waxanu dhaqaale aad u badan ku  ciyey Jamaal Tv-gaas oo Kacay, isla markaana musharka shaqaaluhu bilo badan ku lahaayeen, waxanu siiyey xuquuqdii shaqaalaha Jamaal Cali Xuseen, sidoo kalena waxa la sheegay inuu Tvgaas geliyey hawada sare, isagoo xarumo badana uga soo furay dalal badan oo dunida ah, waxa kaloo la sheegaa inuu jamaal keenay Risifarada Tvgaas.
Waxanu taas bedelkeeda Farxaan X. Cali Abaal uga dhigay Jamaal Cali Xuseen kii maalintii ay ugu darnayd hiilka iyo bini aadanimada ku garab istaagay inuu shirqoolo u maleego iyo ka shaqaynaayey sidii aanu marna tartan doorasho u geli lahayd Musharrax Jamaal Cali Xuseen, waase abaal laawe iyo Caadadii, taasi markay hore ugu soo suuro gashay walaalahan dulmi wadayaasha ahi, waxay Maanta sadexdoodiba dulmi wadareed walaalnimo isku bahaysteen inay booban dhulkii Agoontii uu ka dhintay Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed X. Ibraahin Cigaal, oo isna ka sii dhaxlay aabihii Marxuum Xaaji Ibraahin Cigaal. Taasina waa ayaan daro shacabka haysata, markay dhagax ku Dili waayeen kooxdan. Maantana waa kuwaa badheedhka kaga qaadaya hantidii caruurtii Cigaal; iyagoo ka faaiidaysanaya  Madaxweyne Muuse Biixi oo Calool xun oo Cigaal xabaasha kaga aarsanaya; laakiin waa adduunyee bal weynu eegi Halkay iyaga Muuse ku danbeeyay.
Hase-yeeshee waxan jeclaystay Inaad Akhristayaal ila Wadaagtan tuducyo kamid ahaa Maanso uu Jamaal Cali Xuseen ciil tiriyey markii la iskugu tagay. Maansadaas oo magaceeda la yidhaahdo doqon dila, ayaa ka helay Internet ka, waxanan kasoo qaatay tuducyo aan is idhi malaha Ninkaas la Ciilay ee Jamaal Cali Xuseen, waxa uu u tiriyey Daalinkii Maxkamada haystay iyo Doqonkii uu u hiiliyey, inkastoo Gabaygaasi uu Taayirka mariyey Rag badan, balse waxa kamid ahaa Tuducyadan.
“…Dirxiguba dantiisuu,
Qudhun ugu dabaashaa,
Daallin baa ka dhigan taa,
Dacwad loola tegayoo,
Doqonkii u hiishoo,
Dadku ay Garsooriyo,
Guddi dimuqraadiya iyo,
Ruux diin yaqaaniyo,
Halyeey iyo nin dooriyo,
Dul-ka muumin inuu yahay,
Dadku ay u haysteen,
Duqa way ka hoostoo,
Isba waa nin doqonoo,
Damiir aan lahaynoo,
Uur-ka daallin inuu yahay,
Xaqii baa ku daakiray,
Xaajadaa daluunsane,
Dadku ay la yaabeen,
Wax la dedo ka xeel dheer”
Tuducaasi waxa uu ila muuqday mid ku socda daalinka Maxkamada sare Gudoomiyaha looga dhigay. Sidoo kale waxa qayb kalena Jamaal Cali Xuseen gabaygiisaas Taayirka ku mariyey Abaal laawe Farxan X. Cali, tuducaasina waxa ku bilaabmay sidan.
Weli doodi ii furan,
Dad waxaa u sii daran,
Ninkaad deeqda siisee,
Isagoo dam yidhi waa,
Dadku ay ka maageen,
Dalab kuugu yimide,
Doorateed wax siisee,
Ganacsigii daboolnaa,
Webigaa dur-durayiyo,
Faraj iyo dariiqiyo,
Duunyo badan inuu helo,
Ilaahay kaaga dhigay danab,
Ha yeeshee dariiq kale,
Dakanooyin waaweyn,
Kugu soo durkinayee,
Adiguun ku daba gala,
Kolba daahir yaa shamis,
Intuu daawadii furay,
Dufan jecel darnaantiyo,
Dirir iyo cadaaweba,
Dadku ay la yaabeen,
Hadduu Doobi buuxsamo,
Intuu daato waaw halis,
Qofka dunida keligii,
Hadba door macaashee,
Dulmigiyo xumaantana,
Faa’iidada ka doonee,
Isaguun is daawada,
Way ka daadan doonta,
Nabsigaa deg-degayee,
Dariiqiisi haystaa,
Kolna daahi maayoo,
Ruux kuu daraan jiray,
Wuu kuu duleyniye,
Aadmiyow bal daalaco,
Kolka uu bal soo dego,
Habeen dama daliilkiyo,
Doqon nacab sokeeyiyo,
Daalicii iftiiniyo,
Abidkii ma daahiro,
Daamanlow waraabahu,
Doofaar qudhiisuna,
Isba ficil darnaantaa,
Loo cadaabay door hore,
Marka roobku da’o ee,
Durdurkii biyahuna,
Degalada fadhiistaan,
Dibirada horeetaba,
Dibi baad sidiisii,
Dar-dartiisa oo kale,
Damacaagu muuqdaa,
Ha yeeshee dareen kale,
Dibigaa laftiisuna,
Waxa uu daciifaa,
Marka oonku daashee,
Abaartii dulaysneyd,
Dusha ay ka raratee,
Garbahiisu daalaan,
Alleylehe darjiidhoow,
Dibigaasiyo adigaa,
Darafkaa ka dhiganoo,
Damacaagu waaliyo,
Hungurigaa dalooliyo,
Damiir aan xishooniyo,
Doqoniimo weeyaan
Afar kaloo ka sii daran,
Guud ahaan dareenkii,
Waxa aan ku darayaa,
Doqonadda is doortee,
Danyar goofafkeedii,
Sida daad u gelayaa,
Horta yaa bal soo diray?
Daalimiinta yaa wada?
Dugsigoodu waa kee?
Xaqa didey ma soo noqon?.
La soco Qaybaha dambe.
Qalinkii Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan (Saki Xuquuq)
Boorma/Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker