Guddida New Hargeysa (Beeraha) Oo Digay Odayaasha Xilka Maroorsaday.

Muddo laba toddobaad ah ayaannu sugaynnay in ay xilka xaafadda iska wareejiyaan odayaashii isku magacaabay guddida ee aan cidina doorani. Waxa ay se bilaabeen dhega-adayg, iska-horkeen iyo abuuridda xaalad lagu kala fogaynayo dadka xaafadda. Iyaga ayaa qaadi doona masuuliyadda wixii halkaas ka dhasha ee qas iyo qalalaase ah. Muhiimadda qaar ka mid ahi waa in ay shaqada ugu ilaaliyaan rag ay ilmaadeer yihiin oo ay shaqo u sameeyeen. “Aniga ayaa guddi kuu ah, ku daaq madaxayga” ayaa ay badhkood wadaan.

 

Odayada qafaashay taladii xaafadda waxa ka mid ah:

Cabdisalaan Caydiid Cumar (Diinqale): Waa sarkaal ka tirsan booliska. Guryihiisa rasmiga ahi waxa ay ahaayeen Baddacas iyo Galbeedka Saldhigga Dhexe ee Hargeysa. Dhawaan ayuu xaafadda soo degay isaga oo inan-la-yaal ah. Waxa la arki jiray inan-la-yaal xishooda. Laakiin waxa uu rabaa in uu maamul u noqdo dadkii meesha yaallay illaa qarnigii hore. Mar haddii uu ka gudbay soohdinta xididnimada, waxa la siin doonaa falcelin u dhiganta fadal-caddaantiisa.

 

Al-Xuseeni: Waa ninka leh meheradda rug-aqooneedka Alxuseeni ee ku taalla faras-magaalaha Hargeysa. Waa nin gebi ahaanba diiddan dimuqraadiyadda iyo in dadku doortaan cidda metelaysa. Waxa uu aragti ahaan u janjeedhaa kooxaha xagjirka ah, ee dadka ku haga jujuubka iyo qoriga caaradiisa. Dhawaan ayuu afar qol ka seestay xaafadda, markaas ayuu amarro dusha kaga keenayaa soo-jireenkii degmada. Sidee ayuu xil noogu qaban karaa nin aan raalli ka ahayn xulashada dadku?

 

Ismaaciil Yaasiin: Ninkani waa adeege ka ah Shirkadda TELESOM. Waxa aanu ugu baaqaynnaa in uu ku ekaado shaqadiisa. Waa dad loo tuhumayo in ay saami ku leeyihiin ilaalada xaafadda. Isaga oo aqal kiro ah ku jira ayaannu ogayn. Dhawaan ayuu dhawr qol ku yeeshay xaafadda.

 

Maxamed Jees Aadan (Deeq Jees): Ninkan oo ka mid ah saamileyda shirkadda SOMPOWER waxa uu rasmi ahaan u degganaa xaafadda Qudhac-dheer. Dhawaan ayuu qoys cusub dejistay xaafadda.  Hawlihiisa gaarka ah iyo maamulka korontada ay xuurtada ku haystaan awgeed, haleel uma hayo in uu si joogto ah uga shaqeeyo danta xaafadda. Sheegashadiisa guddida xaafadda waxa uu ku qarsanayaa dano ganacsi oo uu leeyahay. Wax kalsooni ah nagama haysto.

 

Aadan Dagaal Xirsi (Aadan Cadde): Wuxuu degganaa soohdinta xaafadaha New Hargeysa iyo Daammi oo Baarliin loo yaqaanno. Ma garan karno xilliga rasmiga ah ee uu soo degay xaafadda. Laakiin isaga oo guddi sheeganaya ayaanu aragnay. Ninkani waxa uu ilaalada xaafadda qoraa dad xigtadiisa ah. Dano qof ahaaneed ayuu ugu dhuumayaa masuuliyadda uu madaxa saartay. Nin hawl gaar ah wataa, ma metelo mana hoggaamin karo, kamana shaqayn karo danta deegaanka. Waxa habboon in uu meherado uu leeyahay uu shaqo uga raadiyo innamada uu waalidka u yahay.

 

Waxa kale oo guddida is-boqortay ku jira rag aan Somaliland u dhalan, kuwo aannaan magacooda iyo wejigooda aqoonsan, kuwo gadaal-dhalad ah iyo dad aan sinaba ugu qalmin guddida xaafadda. Xitaa guryahooda ayaa dheeraad nagu ah. Markii ay xaafadda soo degeen ayay joogsatay qasabaddii biyuhu. Dhuun loogu talogalay in ay waraabiso dhawr qoys ayay suququl ka dhigeen oo boqollaal qoys u qaysami weyday.

 

Kacdoonka xaafadda iyo is-beddeldoonka rasmiga ah ma waabin doonaan koox rabta inay ku amar-ku-taaglayso aayihii ummadda. Baradu waa baradii aanu ka xoraynnay ciidankii Maxamed Siyaad Barre, naguma dul qabsan karo nin shalaytoole yimi. Waxa aanu uga digaynnaa in ay miciin moodaan xadhigga ay ugu hanjabayaan cidda wada-hadalka la gasha.

 

Xitaa nimanka ilaalada ahi, muhiimad ma siiyaan guryaha kale. Waxa ay fadhiistaan meel u dhaw aqallada ay nimankani yabyabteen. Habeenkiiba laba qof ayaa u xilsaaran xasilloonida waageerka aanu deggannahay. Sidee ayay laba ruux u sugi karaan amniga 1000 guri?. Unug isku masjid ahi kama wakiil noqon karaan ummad baaxad leh.

 

Iyada oo ay dadka xaafaddu ku filan yihiin sugidda amnigooda, miyaa ay tahay in la dul keeno niman laga soo kaxeeyay xaafado kale?. Laba ka mid ah lixda qof ee ay dirsadeen ayaa deggan jiidda, inta kalena waxa laga soo walwaalay meelo kale. Iyada oo lagu jiray xaalado dagaal ayaanu naallay, maantana uma baahnin in wiilal dool ahi ay siidhi nagu afuufaan ama toosh nala dhex wareegaan.

 

Ugu dambayntii waxa aannu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo aanu ku soo ceshanaynno xuquuqda xaafad ahaan iyo deegaan ahaanba naga maqan. Bisha Oktoobarna waxa ay in shaa Allaahu bilan doontaa annaga oo gaadhnay himilada aanu leennahay.

Allaa Mahad Leh

Guddida Xaafadda New Hargeysa (Beeraha)

Xuseen Fallaax Nuur

Cumar Cabdi Xirsi

Axmed Cali Qoofal

Siciid Maxamuud Gahayr

Aadan Cali Kaahin

Ciid Caarre Wacays

Maxamed Cali-Iid (Timacadde)

Yaxye Cawil Cismaan

 

 

 

 

Cabdiqani Xaaji Ismaaciil Bakayle

Axmed Cabdillaahi Cali (Jaajaale)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker