Nabadayntii 1977-93 Saadaat Iyo Raabin

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

Anwar Al Sadat ayaa 19-kii Bishii November 1977-kii ka degay magaalada Talaabiib, waxaanu socdaalkaasi ku beegnaa sanad iyo maalmo uun ka dib, dagaalkii waynaa ee Carabta iyo Yuhuuda dhex maray, kaas oo saameeyay waddamo badan oo bariga dhexe ku yaala. In kasta oo Anwar Al-saadaat uu go’aanka nabad raadinta qaatay maalmo ka dib markii xabad joojintii dagaalka, uu golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku baaqay dhaqan gashay, waxaaa sida taariikh yahanada dunidu qoreen uu Anwar Al Sadat baadhitaano badan oo uu sameeyay iyo xogururintiisa ku ogaaday in saraakiishii sar sare ee ciidamadiisa iyo is xulafaysigii carbeed ay dhalanteed waxba kama jiraan uu noqday guulna aan lagu gaadhi Karin.

 

Madaxweyne Saadat ayaa xiliga uu ka degay magaalada Tel-Aviv, xaaladda iyo siyaasadda dunidda labaduba aad uga duwanaayeen, carsigan aynu joogno, waxaana sida taariikh yahanada reer Galbeedku ku doodaan, uu Anwar Al-saadaat Soo af-jaray sadex dhaqan ee diidmada ahaa ee carabtu la hor taagnaayeen Yuhuuda, kuwaas oo kala ahaa (Nabad la qaadan Mayno, Aqoonsan mayno, Tanaasulna u samayn mayno Israel.) Dhinaca kale  carab badan iyo khubarada Islaamka ayaa guusha kaliya ee Sadat uu socdaalkaa iyo nabadii uu la qaatay Israel, marka ay hadlayaan sheega in kaliya uu joojiyay dagaalkii iyo dhiigii shacabkiisa reer Masar, balse uu awoodii carabta wiiqay, meeshana ka saaray isku duubnidii uu dhisay madaxweynihii ka horeeyay ee Jamal Abdi Nasir. Dhinaca Masar marka laga eego, waxa uu Sadat helay in loo celiyo dhulkii masaarida ka maqnaa sida gobolka Siinay, waxa kale oo uu kasbaday kalsoonidii reer galbeedka iyo dhaqaale badan inay siiyaan dalkiisa.

 

Socdaalkani wuxuu cadho ku abuuray carabta, manay dhicin balan qaadyadii uu ka hor akhriyay golaha barlamaanka Israel, laakiin waxa lagu xasuustaa socdaalkan, soo dhawayntii waynayd ee Israel, Maraykanka iyo reer Galbeedku u sameeyeen Anwar Al Sadat.Waxa kale oo lagu xasuustaa inuu noqday hogaamiyihii ugu horeeyay carabta iyo Islaamka ee Yuhuuda aqoonsada, barlamaankooda ka hor khudbadeeya, heshiis buuxa la gala, nabad iyo wada noolaanshana u balan qaada.Ficiladii cadhada ahaa ee lagaga jawaabay heshiiskii uu Madaxweyne Anwar Al Sadat la galay, Yuhuuda waxa ugu waaweynaa, dilkii isaga laftiisa lagu khaarajiyay, qaar ka mid ah ciidamada milatariga dalkiisuna ku sadqeeyeen 6-dii October oo ah maalinta la xuso guushii ciidamada Masar ay ku jabsheen Yuhuuda kagana talaabeen difaacii adkaa ee Baarleef loogu yeedhi jiray.

Dhinaca Israel waxa isna lagu khaarajiyay oo Yuhuuda xag jirka ahi ku guulaysteen inay dilaan, Raysal Wasaare Isxaaq Rabiin oo isagu ahaa qofka kaliya ee la rumaysan yahay Inuu ugu dabacsanaa Yuhuuda maalin cad garoon kuwa kubada lagu ciyaaro ah uu wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ilon Egal uu ku dhex toogtay ilaaladiisi oo uu dhex socdo. Waxa iyaguna ka sii daray, dhibaatadii reer Falastiin Yuhuudu ku haysay, waxa xasuuqyo tiro badan ay Israel ka gaysatay, Lubnaan, Gaza, Khaliil iyo meelo kale oo tiro badan, kuwaas oo dhamaantood Masar Markhaati iyo saaxiib wanaagsan oo Israel taageera ay ka noqotay, madaxweynihii isaga ka danbeeyay ee Xusni Mubaarakna sii waday, ilaa walina aan joogsan.

Sikastaba ha ahaate runti nabadayntu waa xalka kaliya ee lagu dhameyo xaalada colaadeed waayo dhor jeer ayay dalalka jaarka la ah israaiil wax kaga qaadi waayeen sida darteed fikirka anwar saadaat iyo raabin wuxuu ahaa mid saliim ah oo waaqica ku salaysan,waxaana ila tahay in marxaladaha kala duwan ee soo socda in isbedel weyn ku imanayo mawqifka dalalka carbeed oo heshiis waafi ah la galaan dawlada israaiil.

Qore Khadar Ibrahim

 

Khadar338@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker