Dawlada Israaiil Iyo Somaliland Qore Khadar Ibrahim

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

 

Waxaan raba maanta aan soo bandhigo xidhiidhka doblumasiyasdeed ee u dhex maray somaliland iyo dawlada israaiil, waxana taariikhda ku cad in Israaiil ay tahay qarankii ugu horeeyay, ee aqoonsada Somaliland 26/6/1960kii, markaas oo ay, ka hoos baxday Maxmiyadii mustacmirki Ingiriisgii.

 

Somaliland waa qaran, waayo badan soo maray, mar uu gacan kale ku jiro, iyo mar uu qaran kale waxa la wadaago, iyo hada oo uu yahay qaran aan cid kale waxa la wadaagayn, waanad ka wada dharag-san tihiin, taas oo dib idiinku celin mayo. Dhabtuna waa taas manta gayiga geeska afrika ka muuqata, oo qof kasata oo dagmadaas raba in uu qalinkiisa waxa kaga qoro, aanu Somaliland sacab ku qarin karin, iska daa taase waxa ay gaadhay in magacyo badan oo qaarkood adunka ka can yihin loogu yeedho, sida  Sheekada guulaysatay ee afrika  iyo Africa’s best kept secret, kuwaas oo si dhaba daaha uga faydaya, xogta dhabta ah ee ka jirta Somaliland ,kuna dar dhamaan qodobadii lagu wada heshiiyay ee ka soo baxay wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya, oo si cad loogu qeexay in ay wada galeen heshiisyadan Dawlada Somalilanda Iyo Dawlada Fadaralka Somaliya, isku soo wada xooriyoo, qarankeenu waa taabo qaaday, waxana uu marayaa manta, heer si dhaba uu gadh-wadeen uga noqdo, madasha adunka ee lagu lafa-guraayo.

Wadanka Israaiil waa qaran kale, waxa dawlada Israaiil lagu dhawaaqday madaxbanaanideeda 1948,  waxa ay se maanta joogta dawlada ka mida 18ka wadan ee Adunka ugu tunka wayn, hadii ay tahay aqoon ahaan iyo farsamada casriga ahaba, waan wadan ka dhex muuqda wadamada bariga dhexe, se ku can baxay, muranka ka dhexeeya iyaga iyo Falastiiniyiinta, wadanka Israaiil waa wadan maanta saamayn weyn ku leh aduunka siiba bariga dhexe, iyo wadamada kulaalaya bariga dhexe, taas baa keentay in Somaliland Iyo Israaiil, mid kastaa u arko kan kale in ay leeyihiin dan-kulanyo, oo dantaas ka wada shaqeeyaan, mid kasta oo labada wadana uga shaqayn lahaa in uu kan kale dantiisa u baylahda uga dhabo.

Maxay wadaagan

Waxa muuqata in ay wadaagaan qodobadan hoos ku xusan

  1. Waa laba wadan oo go’doon dadban kaga jira wadamada ay ood-wadaagta yihiin, se uu ka dhexeeyo xidhiidh dadban oo toosa, oo gaadhay heer aqoonsi dadban.
  2. Waa laba wadan, oo tayo aqooneed, kaga mudh baxay, wadamada ay ood-wadaagta yihiin.
  3. Waa laba wadan oo daganaanshe siyaasadeed oo dhabi ka hana qaaday
  4. Waa laba wadan oo dheer wadamada ay ood-wadaagta yihiin dimuqraadiyada dhaba oo ka hana qaaday, halka wadamada kale wali aanay gaadhin, halkaas.
  5. Waa laba wadan oo ku kala yaala laba goobood oo aad u mudan, midi waxa ay ku taalaa dhanka woqooyi ee bada cas, waana israaiil, halka Somaliland ku taal dhanka koonfureed ee bada cas, waan labada iridood oo laga maamulo galida iyo ka bixida bada cas.
  6. Waa laba wadan oo xidhiidh qoto dheer kala dhexeeyo wadamada, reer galbeedka, si gaarana u naas-nuujiya labada wadan, haba ugu gacan-weynaadan, wadamada Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriskuye.
  7. Waa laba wadan oo si dhab, u iib-gayn yaqaan qadiyadooda, kuna adag jiritaankooda, iyo in ay ku guulaystaan ujeedooyinka ay leeyihiin.

    Intaas waa inta sida cad u muuqata, se waxaa jira qodobo ay ku kala gadisan yihiin, oo ay ugu mudan yihiin.

  1. Wadanka Israaiil, waa qaran lagu dul-dhisay qaran kale, oo la yidhaa falastiin.
  2. Waadanka Israaii, waa qaran ay si dhaba uu uga dhexeeyo nacayb gaamuray, wadamada ay ood-wadaagta yihiin, kaas oo salka ku haya arinka dhulka la isku hayo,
  3. Wadanka Somaliland waxa, si dhaba uu nacayb gaamuray uga dhexeeyaa waa wadanka Somaliya, se inta kale waxa kala dhexeeya, xidhiidh tolnimo.
  4. Goorta iyo habka uu ku bilawday xidhiidhka u dhexeeya wadankeena Somaliland iyo Israaiil, iyo dhanbaalkii ugu horeeyay, ee la is dhaafsaday, waxa si cad u qeexaysa warqadan uu Madaxweyne Cigaal u diray Raysal-wasaarihii Israaiil Yitshak Rabin, tirsigeeduna yahay, SLR/PO/ISPMI/7/95, taas oo ka soo baxdey xafiska madaxweyne Cigaal, isla markaan uu ku sexeexan yahay Cigaal.

    Hadaba waxa aan idiin kala baxayaa, idinka iyo warqada, oo ku qoran af-ingiriisi, oo aad si cad uga bogan doontaan, waana tan qarqadii oo dhan, iyo dhamaan xidhiidhadii, hadii ay tahay qaabkii la isgu diray, iyo cinwaanadii la isku mariyay.

    Hadaba wixii intaas ka danbeeyay waxa uu u xuub-siibtay xidhiidhkaas tooska ahi xidhiidh dadban, oo tuhuno mooyaane, iyo kulano qarsoon oo intooda badan ay ku kul-maan dad ka kala socda labada dhinac, oo aan dib loo arag mooyaane ma jiraan wax sida warqadaas cigaal oo kale cad.

    Qaran kasataa waxa uu leeyahay dan, iyo ujeedo uu ka lee yahay, la xidhiidhka, qaran kale, hadaba qodobada ugu mudan ee uu qarankeenu ka lee yahay, wadanka Israaiil, la xidhiidhkiisu waa kuwan.

  1. In ay Israil iyada oo adeeg-sanaysa kooxaha cadaadiska, ee ay Maraykanka ku leedahay, Somaliland ka caawiyan in ay Maraykan ku qanciyaan in uu taageero Aqoonsiga Somaliland, taas oo uu wasiir Xirsi daboolka ka qaaday.
  2. In ay Israail ay Somaliland ka caawiso dhanka kobcinta Aqoonta, siiba aqoonta sare ee jamacadaha, is-kaashi aqooneed oo buuxana dhex maro labada Qaran.
  3. In ay tobabaro u fidiyaan ciidamadeena kala gadisan, siiba ciidanka sirdoonka qarankeena, xidhiidh xog-wadaagna uu inaga dhexeeyo.
  4. In maal-galin toosa iyo mid dadban aan wadaagno, siiba dibu-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ugu mudan yihiin, Wadooyinka, Dekedaha, Beeraha, Xoolaha, Warshadaha, iyo Kaluunka.
  5. In aan ka helno Deeqo Waxbarasho, siiba aqoonta Cafimaadka, Dhaqalaha, Ciidamada, Dhismaha, iyo Tiknoolajiyada.

    Aan intaas ku soo dhaafo, danta ugu mudan ee Somaliland  ka heli karto hadii xidhiidhkaas sidiisa loo bisleeyo, oo mugdiga iyo daaha dabadiisa laga soo saaro, si dhaban loo dan-wadaag.

     

    Danta ugu mudan ee dalka Israaiil uu ka lee yahay Somaliland, waa kuwan hoos ku qodobaysan.

  1. In Israaiil ay ka baxdo go’doonka ay ku jirto, xidhiidh wacana uu dhex maro wadamada ay ood-wadaagta yihiin
  2. In Somaliland aanay xidhiidh la yeelan wadamada Carbeed, muranka ka dhexeeyan ay Somaliland dhanka Israail marto. Ugu badnaan, ugu yaraana ay ka aamusto oo usha dhexda ka qabsato.
  3. In saldhigyo ay ciidamada Israail leeyihin ay ku yeeshan Somaliland.
  4. In ay wadaagan maamulka bada cas, siiba dhanka Somaliland oo afka ku haysa mid ka mida marin-biyoodyada ugu mudan Aduunka, iskana kaashadaan sugida nabadiisa iyo in aanmarinkaasi hoy u noqon kooxaha xag-jirka ah
  5. In Israaiil suuq-gayn uga hesho, wax-soo-saarkeeda siiba in shirkadahoodu ka qayb qaatan kobcinta ilaha dhaqaalaha wadankeena Aan danta Israaiilna intaas aan ku soo dhaafo, aniga oo diidaya in qalinku ila dacal maro dhugta aan rabo in aan isha farta ka galiyo, waayo waan ogahay xajiinta uu leeyahay qodobadan aan wax-ka-qorayaa.

    Aan ku soo khatimo xidhiidh in lala sameeyo israaiil maanta casrigan waa mid caadi ila ah sida aado la sameenaya xidhiidh mareykanka oo kale, waxaana haboon in siyaasadda la badalo oo danaha laga raaco.

     

Qore Khadar Ibrahim

 

Khadar338@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker