Muddadii aad Joogtay Maxaa kaa Qaldamay Madaxweyne? Qalinkii/Qormadii Aqoonyahan Mahad Cabdi Jaamac

Bulshada reer Somaliland iyo Warbaahintaba waxaan idinku salaamayaa Assalaamu calaykum wa-raxma tulaahi wabarakaatu.

waa  Warbixin Xaqiiqada ku salaysan oo aan ku soo koobay qaladaadkii madaxweyne Muuse Biixi abdi uu sameeyey mudadii 9ka Bilood ahaa ee uu  xilka hayay  Maqaalkanina maaha dhaliil ee waa Toosin iyo Tilmaan togan oo aan Madaxweynaha ku tusayo meelaha ka qaloocday intii aan ka arkayshakhsiyan anigu 

 

Aaraar iyo afeefba waxa iga ah way iga reeban tahay been iyo eedayn aan Sal iyo raad toona kahayn ama aanan cadayn u haynini.

 

Madaxweynaha JSL  inaggaa dirsanay, waa adeege Shacab,waxaanay bulshada inteedii badnayd ugu garatay inuu ina hogaamiyo oo horumar iyo Hayaan hal-abuur oo hagaagsan inoo hor-kaco waxaynu u garanay inuu fuliyo Shaqo iyo waajibaad qaran isagoo raacaya Shuruucda dalka u degsan.

 

Hadaba isagoo ku mahadsan intuu hilinka toosan inagu hagaajay mudadii uu xilka hayay waxay ila noqotay naftayduna igu canaanatay inaan Madaxweynaha farta ugu fiiqo meelo uu wadada inaga leexiyey qaladaad sharci iyo mid hogaamineedbana u horseeday oo haddaynu daawadayaal noqono oo farta ugu fiiqi wayno aan ka baqay inaynu qaladkaas bariinsano hogaankuna inala hareer maro halkaynu doonaynay.

 

madaxweyne waxaad samaysay

1.  Sed Bursi /Qaraabo kiil

2.  Eex

3.  Sharci jebin

4.  Ixtiraam la’aan hanaanka Dawladnimo

5.   Aqoontaad lahayd oo la eeday

 

1.   SAD BURSI/ QARAABO KIIL

A.  Mansabyada Waaweyn ee qaranka

Madaxweyne weli may dhicin in mansabyadan Awooda lihi ay jilib qudha isu raacaan 

Ø  Madaxweynihii

Ø  Gudoomiyihii Maxkamada Sare

Ø  Taliyihii Ciidanada Qaranka 

Ø  Hanti dhawrihii Guud 

Ø   Wasiirkii Arimaha Debeda

Ø  Afhayeenkii Xukuumada (W. Warfaafinta)

Ø  Maayarkii Caasimada Dalka

B.  Awoodaha Hay’adaha kale 

Ku darsoo madaxweyne waxa arin kale oo cajiiba ah in hay’adihii koobnaa ee awooda lahaa ee kuwaas ka soo hadhay  aad u magacawday Agaasimyaal Guud oo ka awood badan wasiirada kuwaas oo weliba intooda badani khilaaf ka taagan hay’adahaas ay shaqadii ay qaranka u hayeen u cadilantay waxaana ka mid ah

Ø  Wasaarada Maaliyada 

Ø  Baanka Dhexe ee Somaliland

Ø  Wasaarada qorshaynta

Ø  Wasaarada Caafimaadka

 

C.   Qasriga Qaranka looga Taliyo

Madaxweyne qasriga  Madaxtooyada ee qaranka looga taliyo weli awoodahani jilib isumay raacin

Ø  Madaxweynihii qaranka

Ø  Masuulka 1aad ee Qasriga Madaxtooyada (Agaasimaha)

Ø  Xoghayihii gaarka ahaa ee madaxweynaha

Ø  Agaasimaha maamulka iyo lacagta

Madaxweyne waa arin qariib ah in Afhayeenka Dawlada oo Wasiirka Warfaafinta ah iyo Madaxweynuhu noqdaan isku Jilib 

 

D. Hay’addo Waaweyn oo aad u Hadoodishay

Madaxweyne waxaad u Hadoodishay beeshaada laba Hay’adood oo waaweyn oo Madaxweynihii kaa horeeyey lagu eedayn jiray in labadaas wasaaradood ee waaweyn uu beeshiisa geeyey xilalkii madaxweyne Siilaanyo beeshiisa u magacaabayna ka ahaa 50% welibana ahaa labadii hay’adood ee Miisaanka lahaa.

Madaxweyne labadan oo awoodo aad ku darto mooyaane aanad awoodo ka hoos saarin ayuun baad halkii wasiirka ka dhigtay (Maareeye iyo Agaasime) labadaasbana  waxaad si gaar ah u siisay jilibka hoose ee reerka aad ka soo jeedo ee (Xuseen Abokor) waxaanay kala yihiin

 

1.   wasaaradii Madaxtooyada

2.   wasaaradii Duulista Hawada

 

2.               Eex

Madaxweyne waxa  Niyad jab ah in mudadii aad joogtay aad samaysay dhawr eexood oo wax umadu wada lahayd aad cid gaara la jeclaatay uguna muraad qumisay, aan tusaalayaal keeno.

 

A.  Gaar isu urursigii kooxdaad isku Iskuulka ahaydeen

Adigoo xaq u leh inaad dhibaatoiyinka yaala  wax ka qabato, sida adiguba aad ka qiratay xafladii qalin jebinta ee Jaamacada Camuud August 2018 in  adiga iyo rag uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Baanka dhexe aad  shir gaar ah gasheen ku tashateen waar maxaynu u qabanaa iskuulkeenii sare iyo goobtii aynu ka soo baxnay ka dibna aad isla garateen laagtii aad ka baqan jirteen inaad biriish uga yagleeshaan Tiina aad amartay, hada garo oo cidii masuuliyada hawshan lahayd maaha gudidii tacliinta sare maaha, wasaaradii Waxbarashada maaha, wasiirkii Maakiyada maaha gudidii iyo maamulkii jaamacada maaha oo intaasiba ay goaanka noocan ahi ku haboonaa …. Hadaba madaxweyne miyaanay haboonaateen intiinii is xulatay maadaama ay dan gaara noqonaysay inaad jeebkiina ugaga deeqdaan waxaad doonayseen inaad u qabataan ee aanad ugaga faaidaysan talada qaranka ee gacanta aad ku hayso,

Madaxweyne Miyaanay Eex kuula muuqanin  inaad Ku faanto in adiga iyo kooxdaas aad isku iskuulka ahaydeen inaad shir gaara gashaan aad tidhaahdaan iskuulkeeniii maxaynu u qabanaa oo hadana awoodii dawladnimo ee aad gacanta Ku haysay aad ugA faaidaysato. Oo amar aad ku siiso in qasnada laga bixiyo berina la fuliyo isla goobtii

 

B.  Lacagtii Miisaaniiyada iyo Qasnada dawkada aan La marinin

Sidii wasiirkaaga biyuhu sheegay Madaxweyne waxaad mar kale Eex ka samaysay Hantidii qaranka ee aad masuulka ka ahayd  waxaad $500,0000 (shan boqol oo kun) oo umaddu wada lahayd aad gaar u siisay deegaan gaara oo aanad ugu xulin baahi ay qabeen iyo adeegyo bulsheed oo u qorshaysnaa ee aad keliya ka damacsanayd in ay kaa qabowdo mucaaradada dadka deegaankaasi ay Dawladaada kaga cabanayaan.

 

Madaxweyne inaanay lacagtaasi gelin qasnada dawlada ka dibna aanay marin nidaamkii xisaabeed ee dalka waa denbi waxa ka sii daran iyadoo ay tahay lacag umadu wada leedahay inaad sifo aad dano gaar ah kaga lahayd aad cid gaara ugu naas nuujiso, madaxweyne ugu yaraan waxay ahayd inaad Lacagta aad oodweyne siinayso baahi biyood ama mid beereed kaga kafar garayso ee may ahayn hoonka sharci darada ah ee intaas leeg inaad kaga xidho

 

Hadda ogow halkaaas inaan Camuud iyo Oodweyne wax u didanahay maaha halka aan ka hadllayaa waa procedureka iyo sida ay nidaamka u waafaqsan tahay

Waxaad madaxweyne Mar saddexaad Cadaalad darro iyo Eex ka geysatay

3. Sharci Jebin

Madaxweyne waxaad jebisay Xeerarkii dalku lahaa iyo sharcigii aad madaxweynaha Ku ahayd, Eedaas culusi yaanay iga noqon mid aan xaqiiqo ahayne aan Tusaalayaal Waadixa keeno.

Waxaad Madaxweyne jebisay Xeerarkan hoos  Ku qoran

 

1. Xeerka Nidaamka Xukuumada

2. Xeerka Aas-aaska Duulista Madaniga ah 

 

A)  Xeerka nidaamka xukuumada Xeer Lr. 71/2015

Madaxweyne markaad xilka qabatayba waxaad hareer martay xeerki Nidaamka xukuumada xeer Lr. 71/2015 oo ah xeer sharci ah oo baarlamaanku soo saaray halkii isaga aad wax ka soo bedeli lahaydna aad samaysatay xeer nidaamiye xukuumadeeed, xeer nidaamiye marka la samaynayo waa inuu xeer ka unkamaa isla markaaana aanu ka hor iman Karin xeer jira oo dhaqan gal ah.

Qodobada xeerkan aad ku jebisay ee xeer nidaamiye aad kaga talaaabsatay waxa ka mid ah qodobadan

qodobka 2aad oo sheeegaya in xida xeerkan lagu dhaqayaa ay tahay xukuumada wakaaaladeheeda iyo wasaaradaheeda kala duwan laguma dabiqin

qodobka 4aad  oo sheegaya ujeedada xeerka iyo asbaabaha loo aas aasay oo guud ahaan iyaguna Meesha ka baxay

qodobada 20aad ilaa 62aad oo sheegaya magacyada wasaaradaha iyo wajibaaadkooda kuwaas oo mudane madaxweyne isagoo xeerkii jira ilaa hadana jira aad intooda badan magacyadii ay sharciga ku aahaayeen ad ka bedeshay qaarkoodna aaf meeshaba ka saartay tusaale ahaana wasaaradii dibu dejinta wasaaradii warshadaha iyo wasaaradii Madaxtooyada oo dhamaantood xeer ku soo baxay markaad doonayso inaaad sidaa wax ka bedeshana ay tahay inaad xeerka wax ka bedel soo jeediso baarlamaankuna ansixiyo adiga oo aan sidaas samayn ayaad madaxweyne xeeer nidaamiye xeer dhan oo jira ku masaxday waana sharci daro.

 

B)  Xeerka Aas-aaska Duulista Madaniga ah Xeer Lr.70/2015

Madaxweyne waxaad isna gebi ahaanba hareer martay xeerka Duulista Madaniga ahXeer Lr.70/2015 Xeerkan ayaa madaxweyne wuxuu dhisayaa Boodhka hay’adda Duulista madaniga ah oo la’aantood aanay hay’addani dhismayn  Board-kaas oo masuuliyada koobaad ee hawlgelineed leh sida uu dhigayo Qod. 4aad ee Xeerkan.

 

Madaxweyne Waxaad  Hay’addan u samaysay Maareeye maamula kaas oo aan melena xeerka kaga qornayn maadaama Maareeye yahay masuulka ugu sareeye ee hay’adda. Madaxweyne sida uu sheegayo xeerkan Xeer Lr. 70/2015  waxay ha’yadu yeelanaysaa Agaasime ku shaqeeya siyaasada Board-ka Hay’adda oo masuul ka ah arimaha maamul iyo dhaqaale ee Hay’adda

 

Mudane Madaxweyne xeerarka dalka ee sharciga noqday  iyagaa cid walba ka sareeya hadaan sidooda loo dhaqan gelina waxay la micno noqonaysaa in sharcigu lugaha hoos yaalo oo shakhsigu sareeyo isla markaa madaxweyne adigoo ah astaantii qaranka hadaanad adigu fulinin cid kalena fulin mayso.

 

4.Ixtiraamka Hanaanka Dawladnimo

 

A.  Arinta Haamaha Shidaalka

Madaxweyne xaq waxaad u leedahay inaad dib u eegis ku samayso heshiisyada iyo hanaanka hantida umada loo ,aa,ulay sharciga iyo awoodahaaga dastuuriga ahbaana ku siinaya waxase muhiim ah in hanaanka dawladnimo noqdo mid qori isu dhiib dhiiba oo hogaan kastaba ixtiraamo hogaankii ka horeeyey ee aanu u arag inuu keligii sax yahay oo umada danteeda isgoo keliyi garanayo, madaxweyne wuxuun baynu noqonaynaa Jabhado xilka la kala wareegaya oo aan laysku halayn Karin kalsoonidooda maamul iyo sida ay heshiis u gelu karaan.

 

Haamaha heshiiskoodii waxa muuqatay inaanad hab dawladeed aanad u marin oo tusaale ahaan aanad gudi u saarin soo qiimaysa heshiiska lala galay waxyaabaha lagula heshiiyey sida ilaa hada ay wax u socdaan waxa ka qabsoomay iyo waxa ay Meesha ka bedeleen ka dibna warbixintaas aad kagala noqotaa ama ugu daysaa laakiin inaad qoraal uun soo saarto aad dib ugala noqonaysaa waxay dhalinaysaa shaki ah sidee bay kalsooni ugu qabi karaan cid kasta oo dawladeena heshiis la gashaa inaan aayar lagala noqon Karin.

 

Hadda madaxweyne Ogow oo xataa waxay shaqada ku waayi karayeen shidaalkii xumaa ee ay dalka keeneen iyo sidii ay u qirteen dayicii Meesha ka dhacay.

Laakiin inaad qoral dheer soo qorto oo nuxurka lagala noqday ay intan hoose ahayd.

Markaan Xaqiiqsaday: In sii wadidda heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada bulshada ee ay xukuumaddu ka masuulka ahayd aanay ku jirin danta guud ee qaranka, isla markaana ay ka hor imanayso waajibka xukuumadda ka saaran ilaalinta hantida Qaranka iyo uga faa’iidaynta dant guud”

waxaad kale oo u cuskatay inaanu jirin sharcigii PPP (madaxweyne hadaad u cuskatay sharcigaas oo aan jirin waxa jira shirkado kale oo badan oo gacanta adeegii bulshada ku haya maxaa iyagana sharcigaas loogu cuskan waayay waxa ka mid ah (wakaalada biyaha Borama, laydhka Hargeysa, laydhka berbera , biyaha BURCO, securtity-ga hay’addaha intooda badan, iyo qaar kale oo badan) madaxweyne sharcigu hadduu qabto cida loogu talo galay inta kalena dhaafo sidee buu sharci u noqonayaa.

 

Madaxweyne ixtiraamka iyo sharcinimada Xafiisyada Dawladu waa mid  saaran hadba cidii Gacanta Ku haysa, suuragalna maaha in aad Ku tilmaanto heshiis si sharciya dawladi u gashay inaad tidhaahdo anigaa Danta qaranka  keligay garanaya sharcigana aqaanaa waa anaaniyad iyo keli talisnimo.

 

Mudane Madaxweyne
waxaad moodaa  ficilada ka muuqda xukuumadaada  inay baabiinayaan raadad rag hore ka tageen oo kugu soo simay inaad la wareegto dawlad casriya oo aanay nasiib u helin inay iyagu la wareegaan.

 

1. Aqoontaad lahayd oo la eeday

 

Mudane Madaxweyne, aqoonta aad lahayd iyo khibradaada ugu badani ba waxay ahayd aqoonta Ciidamada musharixiinta kalena aad kaga duwanayd oo weliba aad ogayd in Hogaamiyaha Mucaaridka ugu weyn ee Cabdiraxmaan Cirro marrkii la waydiiyey waxa uu Muuse kaga wanaagsan yahay waxa uu si Cadaan ah u sheegay oo uu yidhi “ Waxa Muuse igaga wanaagsan yahay Arimaha Ciidamada” 

 

Mudane Madaxweyne, yididiilada iyo rajada ugu badan ee bulshadu qabtay waxay ahayd inaad dalka ka dhisi doontid Ciidamada, qalabkooda iyo Weliba nidaamka kala danbayneed ee qaranka oo uu sharcigu shaqayn doono. Waxayse arintaasi noqotay biyo col dhaanshay oo Ciidamada ayaaba hadda inoogu daran oo halka xaal marayo waad ogtihiin, waxa saraakiil iyo askar ciidanka ka goostay sheegeen in cadaalad daro ciidamada ka jirto oo weliba arinta loo aanaynayaana ay tahay Taliyaha ugu sareeya oo Madaxweynaha ay isku beel yihiin.

 

 

 

 

Qalinkii/Qoraalkii

Aqoonyahan Mahad Cabdi Jaamac

somalihawd@gmail.com  

00252-63-4245663

Hargeysa Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker