Yaa aasaasay Jaamacada Hargeisa?

Waxaynu ognahay in Jaamacad walba qofkii aasaasay melwalba iyo munaasabad walba laga sheego.
Jaamacada Hargeisa iyadoo ah meel dad qaxootiyi deganyihiin oo kharaabad ah ayaa Aqoonyahanad Foosiya Yusuf xaaji aden ku fikirtay inay dadkan qaxootiga ah ka saarto oo ka dhigto Jaamacadii wadanka ee labaad .Waxa ka horaysay Jamacada camuud.May hawl yarayn meel qaxooti degan yahay oo kharaabada in loo bedelo Jaamacadii Caasimada Hargeisa.waxay gelisay fikir badan ,kharash badan iyo orod badan intaba.Ilahayna waa ku guuleeyey.Sanad kasta waxa ka qalin jebeya intaas oo arday mana maqal mar keliya iyadoo magaceeda la soo qaaday ama la xusayo.Hadba waxa isku sawira oo Dharka Jaamacada iska xidha mid aan ogeyn tacabka la soo geliyey iyo cida soo gelisay toona .Xataa hadii la waydiiyo oo la yidhaa ,sheeg aasaasihii Jaamacadan aan sheegi karin.
Foosiya aabeheed ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee(Yusu xaaji aden aw cilmi qabile) wuxuu isna ahaa aabihii labaad ee tacliinta Soomaliya oo dhan.Mar ay isku day`day inay Jaamacada Hargeisa u bixiso magacii aabaheed wixii ka qabsaday iyo ragii iska hor taagayba si fiican ayaa loo garanayaa.
Waxan ku soo gebogebaynayaa sheekadan gaaban:
Waxa la yidhi;Beri baa nin tuug ah uu alaab xaday la yidhi,ma dhaaranaysaa inaanad alaabtan xadin ? wuxuu yidhi,Haa .Kitaab yar oo quraan ah oo aad u yar ayaa la yidhi,kan ku dhaaro.Kitaabkii buu yasay oo is yidhi,kani kitaaba maaha.Baalashuu ku jaray dhaar.Waa la iska sii daayey.Waxoogaa markuu sii maqnaa ayaa qandho aad u xumi qabatay.wuxuu fahmay in dhaartii uu beenta ku dhaartay la raacay .waxuu yidhi isagoo naftiisa la hadlaya(Baalal yare walee waa la is hayaa).

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden diiriye
Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker