Wasaarada X.xoolaha iyo kaluumaysiga ee kulmiye Hagraday

Waxaan si taxane ah halkan ugu soo gudbin doonaa warbixin iyo xog ku saabsan wasaarada Xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluumaysiga.

Wasaaradani tan iyo intii xukuumada cusubi qabsatay dalka waa mida keliya ee aan wax isku shaandhayn ah lagu samaynin waaxeheedii isla markaana ay ka sii socoto musuqii lagu eedayn jiray xukuumadii hore ee silanyo.
Wasaarada xanaanada xooluhu waa mid u xil saaran masuuliyada caafimaadka xoolaha oo ah halbowlaha qarankani ku faano dhaqaale ahaan.
Musuqa dul hoganaya wasaarada
Wasaaradani waxay hoy u noqotay musuq baahsan kaasi oo ah
1. Isticmaal la,aanta miisaaniyada qaranka ugu jirta
 Taasi oo sanad walba lagula baxo waxyaabo aan jirin
2. Wasaaradani miisaaniyadeeda kama fuliso
Hawlaha caafimaadinta xoolaha sida talaal iyo Daawaynba. Waxaana ka caawisa mararka ay dirto teamam hayada FAO
3. Wasaaradan waxa isugu mid ah shaqaalaha iyo dadka suuqa jooga waxaana dhacda inay dareewalada iyo Ardayda jaamacadahaa dhigata iyo xoghaynta xafiiska fadhidaa ka xuquuq sarayso qofka ah Doctor-ka kana tirsan shaqaalaha wasaarada.
4. Wasaaradani waxa jooga agaasimaha maamulka oo ku noqday Dulin jaqa dhiiga shaqaalalaha oo qaarkood uu mushaharkooda ka goosto badh, mana jirto meel looga cawdaa oo wasiir iyo Agaasime (DG) waxka qabanaya weli ma jiro
5. Wasaaradan waxa ka dhaca musuqa ugu badan
Waxaana miisaaniyada degmooyinka iyo gobolada loo diraa lacagta loogu talogalay shaqada iyo dawada xoolaha masuuliyiinta u joogta degmooyinka iyo gobolada iyadoo ka dib lagu amro inay lacagta soo celiyaaan 70%.
6. Wasaaradan waxa ragaadiyay masuuliyiin aan aqoon u lahayn cilmiga xoolaha ilaa 2011.
Iyo la xisaabtan la,aan agaasime waaxeedada ah.
………..
Lasoco qaybta 2aad
Mashaariicda FAO ku caawiso wasaarada iyo sida loo maamulo
Dr maxamed Cali
drm.cali2000@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker