Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Kala Duwanaanshaha Jabuuti Iyo Somaliland (Qaybtii 14aad) By: Maxamed Xoosh

 -Somaliland Waa Dal Shacabku Is Xukumo Is Doorta Tartamo Dhexdiisa Muwaadinku Xoriyaat Badan Haysto “Midhihii Halganka”

-Jabuuti Waa Dal Qof Xukumo, Keligii La Doorto Tartan La,aan Muwaadinku Xoriyadiisu Wey Kooban Tahay

-Somaliland Waxa Ka Jira Warbaahin Afdheer Oo Si Xor u Gudbisa Wararka Muwaadinku Laftiisu Ka Dhiibto Aragtidiisa “Midhihii Halganka”

-Jabuuti Kama Jirto Warbaahin Xor Ahi Mid Afka Dawladda Ku Hadasha Mooyee

 -Somaliland Waxa Jira Nidaamka Suuqa Xorta Ah “Captalism” Waxa Gaabis Ah Keliya Dawladdii oo Ka Weyn Ka Yar Ka Ilaalin Lahayd Iyo Cashuurtu Ka Lunto , Waa Hanaan Guulo Badan Lagu Gaadhi Karo Tartan Iyo Horumar Dhaliyay Maskaxdii Muwaadinka Furi Kara….

Jabuuti Waxa LaguTilmaamaa In Yar Oo Si Gaar Ah Madaxtooyadu u Doortay Ayaa Wax Walba Haysta, Shacab Dulman Oo Aan Baahiyihii Asaasiga Ahaa Aan Haysan

-Somaliland Waxa Ka Jira Xisbiyo Wadaniya Oo Xor Ah Oo Door Ka Ciyaara Nolosha Iyo Horumarka Siyaasadda Dalka, Dadka La Hadla Oo Ku Qanciya Aragtidooda Si Cod u Helaan

 -Jabuuti Nidaam Xisbiyo Dhab Ah Lagama Ogala Magac U Yaal Mooyee, Shacabka Codkooda Looma Baahna

 -Somaliland Waxa Ka Jira Ha,ayado Amniga Gudaha Oo Inta Itaalkood Horumar Doonaaya Balse Weli Liita Sababo Aqooneed Iyo Mid Maadiyaba “Shacabka Ayaa La Shaqeeya”

-Jabuuti Waxa Ka Ha,ayado Aminaga Gudaha Oo Aad Awood Badan Oo Lacag Iyo Aqoon Iyo Khibrad Iyo Tababaro Heersare Ah La Siiyo Si Loo Helo Dhaqdhaqaaqa Muwaadinka Rer Jabuuti  Cabudhin u Heelan Weliba Wadanada Jaarka Soo Gaadha

Waxa Dhib Ah Marka Ninka Jabuuti Xukumaa ula Dhaqmo Jamhuuriyadda Somaliland Sida Shacabkiisa Oo Kale Waxa Jira Xanuuno Laga Qaado Kursiga oo Lagu Raago…

 

La Soco

Maxamed Xoosh

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker