MOWQIFKA AQOONYAHANAKA SOMALILAND EE DOORASHADA WAKIILADDA & DEGAANKA 2019.

(Position Statement of Somaliland Intellectuals on Upcoming Parliamentary & Municipal Elections 2019)
Wakhtiga ayaa aduunka ugu qiima badan. Hanti waa la heli karaa waana la wayi karaa. Lakiin wakhti kaa lumay dib looma helo. Mashkiladaha ummada Somalida haysta waxaa kaw ka ah; wakhtiga oo aynana qiimayn, oo si macno darana inooga luma. Mida kale ummada Somalidu sida arimuhu u kala mihiimsan yihiin wax ugama faa’iidaystan (ama Priority-la’aan).
Wakhtiga aynaan qiimaynin iyo ‘priority’ la’aantu, waxay ina dhaxal siiyay in Golaha Guurtida ay noqdaa gole fadhiida oo 25 sano la badalin. Golaha Wakiiladuna 8 sano mudo dhaafaan noqdaan. Golaha deganku 2 sano dhaaf noqdaan. 28 sano ayna Ictiraaf la’aan u nahay.
Haddaba, Somaliland waxaa jira arimo badan oo ay tahay in wax laga qabto. Lakiin Somalidu waxay ku maah maahda “OODO DHACAMEED SIDA AY U KALA SAREEYAN AYAA LOO KALA QAADA”. Arinta ugu mihiimsan wakhtigan (ama priority-ga inoo ah) waxaa kow ka ah; doorashada golaha wakiilada iyo golaha deganka. Waxaa jira arimo ama carqalado loo bahan yahay in xal loo helo si ay doorashadu dib u dhicin.
Doorashada oo wakhtigeeda dib u-dhac ku yimada, waxay wiiqaysaa dimuqradiyada Somaliland ku tamaysay. Teeda kale, doorasha xor ah oo xalaala, ooy ku soo baxaan mudanayaal aqoon, karti, wadaniyad ku dheehani waxay kor u qaadaysaa dimuqradiyada iyo horumarka Somaliland hiigsanayso.

Somalidu waxay tidhaa “TALADU WAA MAR AAD GADHO IYO MAR AAD GADHI WAYDO”. Haddaba, waxaan qabaa haddii arimaha dacad laga yahay, in la heli karo xal dadka inta wanaaga rabataa ay ku qanci karaan.
Haddaba, arimaha waxay kala yihiin:
SAMI-QABSIGA GOLAHA WAKIILADA
KOMISHANKA DOORASHADA
XULISTA MUSHARAXIINTA TAYO LEH.
IN SI TOOSA LOO DOORTO MAAYARAD IYO MAYARO KU-XIGEENADA.
Munfadlak la wadaag qoralkani (Saxiibada, iyo cida danaynaysa Somaliland). Haddii aad ku qanacdidna. Munfadlak, buuxi foomka qoralka ku lifaaqan.

HALKANI HOOSE GUJI SI AAD U AKHRIDA QORALKA OO DHAMAYSTIRAN

https://www.somalilandintellectualsinstitute.org/so/mowqifka-aqoonyahanka-somaliland-ee-doorashada-wakiiladda-degaanka-2019/

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker