Hiigsiga Horumarinta Dekeda Berbera iyo 15 Wax-qabad ah oo u ku Talaabsaday Sannaad Gudihii Maareeye Eng. Siciid Xasan Cabdilahi!!!W/Q Saki Xasan Saleeban

Horumarka ay ku talaabsatay Dekada Magaalada Berbera muddo sanaad gudihiiya, ayaa ah mid aan la qiyaasi karin, isla markaana uu ka warami karaayo qof waxka oggaa xaalada dekeddu ku sugnayd sannaad ka hor Iyo heerka ay Maanta marayso.
Waxyaabaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, oo muddo kooban jirtay durbaa bulshadu ku ma jiirato ama ku bogaadiso, waxa Kamid ah, qaabka Dekeda Berbera ugu adeegto umadda reer Somaliland ee wax kala soo degta, isla markaana waxka dhoofisay iyo isbedelada hiigsi horumarineed ee dariiqisii lagu taagan yahay.
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa meesha ka saaray dhamaan caqabadihii haystay Dekedda, isagoo sannaad gudihii xaliyey mushkilado loo maaro waayey, isla markaana u jeexay Hayada Dekedda Berbera dariiq guusha iyo horumarka tolmoon ee mustaqbalka lagu gaadhaayo inay Dekeddu noqoto mid la talaabsataa, Dekedda dunida ee waaweyn.
Maareeyaha Dekeddaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdilaahi, waxa uu ku guuleystay inuu dekedda Berbera keeno Taagan cusub oo 3000 oo horse power ah, kaas oo soo jiidaya Markaakiibta xajmigoodu gaadhayso 50000 kun. Halka Taagii hore ee Dekedda Berbera yaalay uu ahaa 1400 horse power, isla markaana la keenay sanadkii 1976,-kii oo ay keentay dawladii xiligaasi ee Somaliya.
Maamulka Dekeda Berberi, waxa uu meesha ka saaray, khilaafyadii soo jireenka ahaa ee waax-waax uga dhex taagnaa qaybaha kala duwan ee Marsada Caalamiga ah ee Berbera. Iyadoo xilliyada qaar khilaafyadaasi Albaabada u xidhi jireen Dekeda.
Hase-yeeshee Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa dhamaan ku guuleystay inuu meesha ka saaro khilaafyadaas, waxanu maamulka Dekeda Berbera la wareegay, iyadoo khilaaf awgii shaqaaha Dekedu joojiyeen shaqada,  sidoo kalena waxa uu khilaaf ka dhexeeyey Ganacsatada reer Somaliland iyo maamulka Dekeda, iyo weliba shirkada gacanta ku haysaa, khilaafkaas, oo isna sababay in ay ganacsatadu samayso shaqo joojin.
Hase-ahaatee markii uu yimi Mareeye Siciid Xasan Cabdilahi Dekedda oo ay Albaabadu u xidhan yihiin, ayuu isla markiiba dhexda u xidhay inuu khilaafyadaas mid-mid u xaliyo, ilahayna waa uu ku guuleeyey. Isagoo dhamaan wixiiyo khilaaf ahaa ku xaliyey bil gudaheed, xiligaasna waxa soo xidhmay ama uu Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi, dhaliilihii mucaaridku u jeedin jireen Xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Haddaba, markii uu maamulka Dekeddu kusoo dabaalay xaaladii hore ee Dekeda,sideedii inay u shaqayso, isla markaana uu qodaxda ka guray turun-turooyinkii yaalay. Waxa uu Maareeye Eng. Siciid Xasan Cabdilahi dhexda u xidhay inuu u jeesto dhimaca waxqabadka iyo inuu daboolo baahiyaadkii lagama maarmaanka ahaa ee Dekeda Berberi qabtay, waxanu maamulka Shirkada DP World ku sanduleeyey inay keenaan qalabyadii daruuriga ahaa qaarkood, waanu ku geeleystay inuu keeno shan cagaf oo kuwo wax lagu raro ah oo u soo horumariyey.
Sidoo kale isla jaanqaadka maamul ee DP World iyo Somaliland  waxa uu albaabada u furay inuu koro dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dekeddu, kaddib markii la habeeyey, isla markaana kor loo qaaday adeegyada ay bixiso Dekeddu, waxanu qorshahaasi sababay in habeen iyo maalin ay shaqeeyso dekeddu, oo aanay is taagin marnaba u adeegida bulshada ee Dekeddu.
Dhinaca Siyaasadda mandaqada waxay dekedda Berberi sannaadkan si weyn caan uga noqotay dunida, taasoo jiidatay indhaha caalamka.
Dekeda weyn ee Berbera waxa si toosa u maamula Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah qaran madaxbanaan, sidoo kalena Dekedda Berbera waxa hada wada maamula Somaliland iyo Dp world, waxana la filayaa in sanaadkan daba yaaqadiisa ay si toosa u bilaabmaan mashaariicdii dib u dhiska Dekedda Berbera iyo dhismaha Deked cusub laga garab dhisi doono tan weyn ee Berbera. Hawlahaas fulintooda iyo ku daba galka Dp world waxa Somaliland u jooga Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ah shaqsi xula, oo si weyn ugu soo jeeda inuu horumariyo Dekeda qaran ee Berbera.
W/Q
Saki Xasan Saleeban
Berbera / Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker