Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo Faahfaahin ka Bixisay Awoodda ay u Leedahay Wax-ka-bedelka Qiimaha Balaydhka Baabuurka

War-saxaafadeed

Hordhac

Waxa jirta in warqadda summadeedu tahay WM/02/08-01/1480/2018 kuna taariikhaysan 13/09/2018 ujeedadeeduna ay ahayd wax-ka-bedelkatacriifadda lambarrada cusub ee gaadiidka, in ay ku baahday baraha bulshada taas oo ay qaybo ka mid ah bulshadu ay khalad-fahmeen. Sidaa daraadeed, war-saxaafadeedkan waxan ku qaadaa-dhigi doonnaa awoodaha ay wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu ku leedahay kordhinta qiimayaasha cashuurta, xaddiga lacageed ee lagu kordhiyay balaydh-lambarka iyo duruufta keentay in lagu kordhiyo intaba.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Xeerka Waddo-marista Gaadiiska

Ugu horreyn Xeerka Wada-marista Gaadiidka  ee summadiisu tahay 56/2013 qodobkiisa 48 aad faqraddiisa 2 aad iyo 4 aad waxa uu sheegayaa in balaydh-lambarka gaadhiga la raaciyo xuruuf. Waxaanu u dhigan yahay sidan:

“2. Magaca Gobolka gaadhiga laga diwaangeliyey oo ay la socoto lambarka diwaangelintu, astaanta rasmiga ah iyo kalmada (Soomaaliland) waa in lagu muujiyaa Taarikada danbe iyo taarikada hore, taarikadana waxa laga samayn doonaa bir ama walax kale oo u-eeg, oo ay ku xusantahay xarfaha iyo lambarada oo ku xardhan oogo madaw.

 

  1. Taarikada hore waxa lagu muujin doonaa dhamaan calaamadaha ku xusan Taarikada danbe Taarikadaasi waxa laga samayn doonaa bir ama walax kale oo la mid ah, kuna xardhan xarfo iyo numbaro cadaana oo ku yaala oogo madaw ah.”

Sidaa daraadeed, casriyaynta balaydhka baabuurku waxay astaan u tahay in ay dawladdu fulinayso xeerarka ay baarlamaanku ansixiyeen taas oo ah mid ka mid ah hal-ku-dhegyada dawladdani ku ololaysay oo ah fulinta iyo sarraynta sharciga.

 

 

 

Awooddaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay awood u leedahay wax-ka-bedelka qiimaha tacriifadda ee ah dhokumenti kasta oo u taagan lacag sida bilaydh-lambarka oo kale. Waxaana u ogolaaday awooddaa Xeerka Cashuuraha Berriga ee ay summadiisu tahay 72/2016 qodobkiisa 52 aad kaas oo ka hadlaya wax-ka-beddelka Shaxda iyo Xaddiga Lacagta.

Qodobkani kama hor imanayo Dastuurka qodobkiisa 14 aad, waayo isla qodobkaa 14 aad faqraddiisa labaad waxay sheegaysaa in uu xeer kale jidaynayo curinta, dhaafidda iyo wax-ka-bedelka cashuuraha. Xeerkaa kale ee jidaynayaana waa xeerka Cashuuraha Berriga Xeer Lr. 72/2016 qodobkiisa 52 aad.

Xeerarka ay ku shaqayso wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay ka farcamaan dastuurka qaranka, iskama hor imanayaan ee wey is dhammaystirayaan.

Xaddiga qiimeed ee lagu kordhiyay balaydh-lambarka gaadiidka

Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu iyada oo cuskanaysa qodobkaa ayaa ka dib markii ay daruuro keensatay waxay wax ka bedeleen qiimihii hore ee balaydh-lambarka gaadiidka oo ahaa 385,000 (oo kala ah 285,000 oo ay Maaliyaddu qaaddo iyo 100,000 oo ay wasaaradda ganacsigu qaaddo) iyada oo u badashay 1 milyan oo shilinka Somaliland ah.

Si uu u kala caddaaado hadalku, gaadhiga cusub ee soo dagaya isaga waxa balaydh-numberkiisa fuulaya 1 milyan oo shilinka Somaliland ah, halka gawaadhida hore u joogta dalka la cashuuri doono 600,000 oo Somaliland Shilin ah.

Sababta gawaadhida hore u sii joogta looga qaadayo 600,000 oo shilinka Soomaalilaand ahi waxa weeye, maadaama oo gaadhiga laga soo qaaday cashuur hore markii uu soo dagay ayaa waxa laga jarayaa intii uu hore u soo bixiyay oo ahayd ku dhawaad 400,000 oo Shilinka Somaliland ah. Sidaa daraadeed, caddaalada ayay ka mid tahay in aan la simin gaadhi hore u sii joogay dalka oo bixiyay cashuur hore iyo gaadhi soo dagaya.

 

Mudada ay qaadanayso badalaadda balaydhka baabuurka

Muwaadinku waa in uu iska bedelo balaydh-lambarka muddo lix bilood ah oo ka bilaabmaysa maalinta la dhaqan-galiyo. Tani waa mid aanu ka soo dheegannay sida ay u dhaqmaan waddamada kale kaas oo ah marka la bedelayo dhokumenti kasta oo leh qiime lacageed in lagu bedelo muddo u dhaxaysa 3 ilaa 6 bilood.

 

Sababta loo kordhiyay qiimaha balaydh-lambarka Gaadiidka

Kordhinta qiimaha bilaydh-lambarka gaadiidka waxa sabab u ah calaamadaha ka qayb qaadanaya  nabadgalyada oo lagu soo kordhiyay taas oo wax weyn ka qaadanaysa amniga dalka isla markaana lala socon karo dhaq-dhaqaaqyada gaadiidkaa iyo data-base yo la soo kordhiyay oo lagu kaydinayo xogta dhammaan gawaadhida oo dhan. Dhamaantood waxay u baahanayaan in la adeegsado kharashyo saa’id ah.

Sababta labaad ee loo kordhiyay waa in la kobciyo dakhliga dawladda. Miisaaniyadda Soomaaliland waxay ku salaysan tahay odoros. Dakhliga soo xeroodaana wuxu ku xidhan yahay kolba xaaladda uu dalku ku sugan yahay. Walow ay gobolada kale ka soo xeroodeen dakhli gaadha odoroska miisaaniyadda , hadana, gobollada bariga kamuu soo xeroonin dakhligii loogu talo-galay taas oo ay ugu wacan tahay dagaaladda ka socda meelaha qaarkood, iska daa in uu ka soo xeroodo’e, lacag badan ayaaba ku baxday sidii loo damin lahaa coolaadaha sokeeye. Bara-kacayaasha ayaa iyaguna ku baxay kharash badan.

Wadamada kale iyo qiimaha balaydhka Baabuurka

Cilmi-baadhis ay wada sameeyeen wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta waddooyinka ayaa waxay ku ogaadeen in uu dalkeennu yahay dalka ugu jaban bilaydh-lambarka gaadiidka marka la bar-bardhigo wadamada kale. Tusaale ahaan: dala Itoobiya ee aynu jaarka nahay waxa la cashuuraa 2% ka mid ah qiimaha uu gaadhigu taagan yahay. Kiiniya waa 300 oo Dollar, Jabuuti $ 200, Eletariya $130, Somalia $ 160, halka innaga ay markii hore ahayd lacag ku dhaw $ 40, imika na laga dhigay $ 100, taas oo aynu u jabinnay duruufaha ka jira dalka.

Somaliland ma aha dalka kaliya ee adduunka ka jira, waa mid ka mid ah 200 ee dal ee ka jira adduunka. Sidaa daradeed, waxa muhiim ah in loo dhaqmo si la mid ah sida ay u dhaqmaan adduun-weynaha kale.

Gabogabadii,

Maadaama oo uu hal-ku-dhegga dawladani yahay sarraynta sharciga, Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay fulisayna dhammaan shuruucda dalka ee uu jideeyay baarlamaanku. Waxa muhiim ah in ay shacabku ogaadaan in aanay wasaaraddu jabinin shuruucda u yaalla dalka, isla markaana ay mar walba ku dedaalayso sidii uu dalku u horumari lahaa. Fulinta xeerarkii ay sameeyeen baarlamaanka, dawlad nidaamsan oo daahrufan iyo isla xisaabtan joogto ahi waa mid ka mid ah astaamaha ay dawladani leedahay. Shacab-weynaha Somaliland na waxan ka codsanaynaa in ay dawladda la dhinac istaagaan fulinta iyo sarraynta sharciga.

 

Allaa Mahad Leh

Yuusuf Maxamed Cabdi

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda            

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker