Dhab miyaad u fahantahaan by Hal abuur qoraa xamse riiraash

Dhalinyaradan yaabka loo
Dhulkoodii ka dhooftoo
Dhaqanada shizheeyo
Dharka reer galbeedkiyo
Dhaldhalaalka yurubta
Dhabta wacan u fahmin
Dhaliisha guudi waxay tahay
Dhulkeennan hoddanka
Dhibtu ay ka dheertahay
Dhan markaad u raacdaba
Dhirtu wada ruxaysoo
Isla dhacasa laamaha
Dhab miyaad u fahantaan
Dhaqaalaha badeeniyo
Dhaqdhaqqaaqa adhigiyo
Dhoofitaanka laga hello
Dhab miyaad u fahantahaan
Dhaantada ciyaartoo
Laga dheelo miigiyo
Heesaha dhawaaqalee
Dhaxal reebka noqotay
Dhab miyaad u fahantaan
Dhakinyahow dibada jiraa
Dhaqankii awwoowgiin
Dhaawac inaad u geysteen
Dhab miyaad u fahanteen

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker