Shirkada Boodhari Mills oo Shir Muhiim ah Kula Yeeshay Magaalada Boorame Ganacsatada Magaalada
Shir albaadadu u xidhanyihiin oo ka dhacay magaalda Boorama oo shirkada Boodhari Mills ay kusoo casuumeen ganacsadayaasha Boorama. Halkaas oo macluumaadka maalgashiga Warshada Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha lagu soo bandhigay. Warshada daqiiqda oo la dhisayo bisha 12aad ee December 2018. Saamigu waxa ka qaybgali kara qoomiyada Soomaaliyeed meel kasta oo ay kaga suganyihiin aduunka, dibada iyo qaaradaba intaan la xidhin Saamiga.