Hambalyo iyo Taageero Ku Socota Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada ee Doorashada 2019 Musharax C/raxmaan Xasan Cabdi (Shiine)

Waxan halkan Hambalyo mug iyo miisaanle oo taageero ah la u marinaynaa Musharaxa Golaha Deegaanka ee Doorashada 2019

Musharax C/raxmaan Xasan Cabdi (Shiine)oo maanta Hargeysa kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay Doorashada Golaha Deegaanka ee inu soo fooda leh .

Musharax C/raxmaan Xasan Cabdi (Shiine) oo ah khabiir mudo dheer kasoo hawl-galaayey Dawladda Hoose Hargeisa isla markaana Waayo aragnimo balaadhan u leh habka iyo hanaanka shaqada dawlada hoose ee Hargeysa ayaa kamida haldoorka bulshada Caasimada Hargeysi aadka u qiimeeyaan uguna tixgaliyaan Sharafta iyo Karaamada baaxada leh ee uu ka kasbaday mudadii dheerayd ee uu kasoo hawlgalaayey Xarunta Dawlada hoose ee Hargeysa.

Musharax C/raxmaan Xasan Cabdi (Shiine) ayaa Gudoomiye kasoo noqday dhamaan Sideeda degmo ee magaalada Hargeysa ka kooban tahay isagoo isla markaasina kasoo qabtay waxqabad muuqda oo la taaban karo. Taasi oo sababta taageerada muga leh ee uu ka kasbaday dhamaan bulshada sideeda degmo ee Caasimada Hargeysa oo si weyn usoo dhawaysay Musharaxnimada C/raxmaan Xasan Cabdi (Shiine)

Guntii iyo Gunaanadkii Guul ayaan u rajaynaynaa Musharax C/raxmaan Xasan Cabdi (Shiine)

Cismaan Cali Daahir

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker