Calanka Itoobiya Waa La Baddeli Karaa Haddii Raalli Laga Wada Yahay”Abiy Axmed

Addis ababa (OWN) Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo qaar ka mid ah warbaahinta dalka la hadlay ayaa sheegay in calanka dartii aan loo baahneen iney rabshado iyo iska horimaadyo dalka uga dhacaan.

Biliihi la soo dhaafay muwaadiniinta dalka Itoobiya waxay bannaan baxyada ay sameeynayeen u adeegsanayeen calamo kala duwan oo isugu jira kan dalka oo dhowr nooc ah. Maalintii shalay ahaydna waxaa magaalada Addis Ababa isku gacan qaaday taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF iyo dhalinyaro ka soo horjeedda. Taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF oo isku dayay calanka dalka meela uu ku buufsanaa iney ku beddelaan calanka jabahadda OLF ay leedahay halkaasina iska horimaad uu ka dhashay. Booliska dalka Itoobiyana waxay sheegeen iney jiraan dhaawacyo rabshadahaasi ay sababeen.

Sabtida ayaa lagu wadaa iney jabhadda OLF in magaalada Addis Ababa si rasmi ah looga soo dhaweeyo.

Dr Abi Axmed wuxuu sheegay calanku inuu yahay astaan uu dal ama xisbi siyaasadeed uu u adeegsado in lagu aqoonsado, cid walbana waxay xaq u leedahay iney aragtida siyaasadeed ee ay aminsan tahay ay si xor ah u soo bandhigto, xorriyaddaasina waxaa ka mid ah calanka.

Mareykankaba wuxuu calankiisu beddelay ilaa iyo 13 jeer marka Itoobiyana haddii ay muwaaddiniintu dalka raalli ka noqdaan waa la beddeli karaa.

wuxuu ra’isal wasaaruhu sheegay “in loo baahan yahay in laga fikiro oo keli sidii aan dalka horumar u gaadhsiin lahayn, noolasha dadkana aan wax uga beddeli laheen”.

“mana aha inaan ku mashquulno waxyaabo aan dalka wax ku soo kordhineyn oo weliba burbur u horseedi kara”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker