Yaa Ka Faa’idaya Furitaanka Xadka Itoobiya iyo Eritrea+Afar Qodob Oo Ku lamaan Isbedelka Cusub

Asmara(OWN)-Dad badan oo ay Colaadu kala gaysay 20 sanno, ayaa dib isu helay oo farxad iyo xidhiidh wada sameeyey, kaddib markii xadka la furay. Labo dal oo ay cadaawad ka dhexeeysay in ka badan 20 sanno balse waxay dib u fureen xadka u dhexeeya labada dal oo la xidhay 1998-kii markii ay colaadu ka dhex qaraxday. Madaxweyneyaasha Eritrea Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta si rasmi ah u daah furay xadka ku yaalla deegaanka Bure taaso ka qayb ah dadaallada nabaddeed ee ay bilaabeen bishii Jully. Dagaalka labada dal waxa ku dhintay in ka badan 70,000 oo Qof, Boqolaal kun ayaa ku dhaawacmay, waxaana ku barakacay intaa ka badan, laakiinse waa ka heshiiyeen. Furitaanka xadka wuxuu Itoobiya fursad u siinaya inay isticmaasho dekedda Eritrea ee Assab.

Xadka ku yaalla magaalada Zalambessa iyo waddo isku xiri doonto labada dal ayaa lagu wadaa in la furo. Itoobiya ayaa ah dalka ugu bulshada badan Geeska Afrika, waxaana ku nool 100 Milyan Dad kor u dhaafaya. Ma laha wax dekeddo ah oo ay wax kala soo degto, taas ayaana ku khasbaysa inay la heshiiso Waddanka ay isugu dhow yihiin siyaabo badan oo dhaqanka iyo Luuqadu kamid yihiin. Munaasabadda furitaanka xadka Eritrea iyo Itoobiya waxay kusoo beegmaysaa xilli dalka Itoobiya ay ka socdaan xaflado lagu xusayo sannadka cusub ee dalkaasi.

Geesta kale heshiiskan soohdintu wuxuu dhabaha u xaadhay inay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xadku ka baxaan halkaa. Ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ayaa bilowday maanta, waxaana sidaa ogolaaday reysal-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed. Abiy ayaa hadalkan ka sheegay xilli maanta uu ka qayb galayay munaasabadda dib la isugu furayay xadka labada dal. Toddobaadkii lasoo dhaafay, ciidammada laba dal ayaa bilaabay howlgal ay deegannada xadka kaga nadiifinayaan miinooyika halkaasi ku asnaa iyo jid-gooyooyinka.

Arrimahan ayaa fududeeyey in Dadkii is jeclaa ee colaaddu labaatanka sano kala goysay ayaa maanta ku midoobay xadka Itoobiya iyo Eritrea. Bishii July ayay ahayd markii madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay gaareen heshiis ay kusoo afjaraayaan colaaddii ka dhexeeysay labada dal iyo inay xoojiyaan xiriirka diblumaasiyadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker